
17/08/2025
OpenAI ayaa dhawaan soo saartay GPT-5, oo loo arko inuu yahay model-kii ugu awoodda badnaa illaa hadda. Waxaa awooddiisa lagu daray hab-qorista, coding-ka iyo xitaa xogaha caafimaadka, iyadoo lala kaashaday dhakhaatiir PhD ah.
Waxaa sidoo kale socda qorshe cusub oo la yiraahdo ChatGPT Go, qiimihiisuna waa $5 bishii. ChatGPT Go wuxuu ku siinayaa AI horumarsan oo leh xasuus dheer, sawir sameyn, iyo adeegyo casri ah, qiimihiisuna aad buu uga hooseeyaa kan caadiga ah.
Dhanka kale, weli waxaa jira ChatGPT Free, balse wuxuu leeyahay xuduud iyo caqabado: waxaad isticmaali kartaa oo keliya GPT-4o mini (ma ahan GPT-4o buuxa ama GPT-5), mana laha xasuus, mana sameyn karo sawirro AI ah, wuxuuna ku eg yahay tijaabooyin xaddidan oo gaabis ah.
Haddii aad rabto GPT-5, GPT-4o ama model-ladii h**e, waxaa khasab ah inaad qaadato ChatGPT Plus ($20 bishii).
Adiga hadda ma ku qanacsan tahay adeegga Free-ga ah, mise ChatGPT Plus ayaad $20 ku adeegsataa?