17/11/2025
From: Zamzam Ahmed
Waa Musharax u taagan Xilka Gudoomiyaha Midowga Ardayda Jamaacada SIU👇
Salaamullaah dhammaantiin Mudanayaal iyo marwooyin bahweynta Jaamacadda SIU maamulka, macallimiinta iyo ardaydaba.
Anigoo ah *Zamzam Ahmed Husien* waxaan maanta halkan ka caddeynayaa musharraxnimadeyda xilka guddoomiyaha xukuumadda *10-aad* ee Midowga Ardayda Jaamacadda SIU.
Waxaan u taaganahay xilkan anigoo wata himilo fog iyo qorshe cad oo waxku-ool ah, kuna dhisan:
1. Daacadnimo
2. Wadashaqayn
3. U hiilinta ardayda iyo
4. Waxqabad muuqda.
Ujeedkeygu waa inaan xoojiyo codka ardayda, mideeyo dadaalkooda, islamarkaana aan ka shaqeeyo deegaan waxbarasho oo tayadiisu sarreyso.
Haddii aad ii doorataan xilkan, waxaan ballanqaadayaa:
1. Inaan ka shaqeeyo baahiyaha guud ee ardayda.
2. Inaan kobciyo isfahanka iyo iskaashiga u dhexeeya ardayda iyo maamulka.
3. Inaan dhiso nidaam hufan oo arday kasta uu dareemo in codkiisa latixgeliyo.
Waxaan idinka codsanayaa taageeradiinna iyo codkiinna, si aan u gaaro himilada aan hiigsanayo, una fuliyo ballanqaadyada aan idiin sameeyay.
Hoggaan daacad ah, wadashaqayn iyo u hiilinta ardayda waa ballantayda.
Marinka ha seegin,
MAJSI-na u dooro
mudan u guddoon ah.
Mahadsanidiin.
Zamzam Ahmed husien
Musharraxa Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda SIU.