20/08/2026
Xukuumadda Somaliland ayaa albaabada u xidhay xafiiskii shirkadda Maersk Line ee magaalada Berbera, waxaana sidoo kale la xidhay masuulkii ugu sarreeyay shirkadda ee xafiiska Berbera, kaas oo lagu xidhay Saldhigga Dhexe.
Sababta xadhigga maamulka iyo xafiiska Maersk Line ee Berbera ayaa la sheegay inay la xidhiidho lacagta warqadda D.O (Delivery Order), oo ah warqadda lagu caddeeyo lahaanshaha badeecadaha lagaga saarayo dekedda.
Shirkaddu waxay la sheegayaa inay kordhisay 40% kharashka D.O-ga ee koonteenar-da
Rasmi Media