15/12/2025
Horta yaa December ina Ictiraafayey?
"Ninkaan Quusanin isagaa Quus ah"
Wali xog dhab ah lagama hayo cida ina Ictiraafaysay ee Madaxweyne C/raxmaan Maxamed C/laahi inagu maaweelinayey dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey, marka laga reebo tuhunkii uu culimada usoo dhiibay safarkiisii Itoobiya kadib, kaasoo isaga laftigiisa aan illaa hada wax natiijo ah laga haynin.
Tuhunka ugu wayn ee dadweynaha lagu sabaalaynayey wuxuu ahaa Maraykan, maraykanna waxaan wali biscayne buu inoo karinayaa oo uu ku doonayaa inuu Baddeenii iyo Madaarkeeniiba ku qaato isagoo sharciga uu Ansixiyey uu ka fuudh yeelay danihiisa oo kaliya halka uu inaga hadafkeenii ahaa Ictiraaf uu daaqada ka tuuray!!!.
Yaa hadaba inoo cadeeya cida ina Ictiraafaysa haddiiba kii ugu Tunka waynaa Aduunku dhabarka inoo soo jeediyey waa halkii Madaxweyne Cigaalle "Dunidii dhabarkay inoo soo jeedisay" hadalkaasi wuxuu ahaa mid ay dadku wali hayeen niyad ah hayaanka iyo halganku inuu rajo leeyahay oo waxay ahayd Suumamka xidha!!!. Bal adba.
Madaxweyne C/raxmaan Maxamed C/laahi wuxuu si toos ah u diidanaa MOU gii Itoobiya, sida uu Muuse Biixi waraysigiisii u danbeeyey ku sheegayna waxa la mawqif ahaa Maraykanka maanta inoo cadeeyey inaanu waxba inoo haynin. Hadaba, Madaxweyne Cirro waa ayo Dalka Itoobiya iyo Maraykan inooga wanaagsanaan lahaa ee uu Ictiraafka inooga keenayaa? Jawaabta su'aashaas Maraykan baa inoo soo qadimay isla markaanna cadeeyey dharigaasi inaanu bislayn.
I'm Maraykan bilaa ictiraaf la'aan ku qaato hantideennii aynu ku gorgortani lahayn waxay muujinaysaa Madaxweyne Cirro inaanu u bislayn waxa ay dadka reer Somaliland doonayaan oo ah Madax banaani buuxda inay ku helaan khayraadkooda.
Cidii Madaxweyne Cirro ka sugaysay Ictiraafoow waxa muuqata kaasi inuu galbadaye candhuuftaada dib u liq oo halkiisii ku bedelo Shiidaalka hortii jire ba soo saari waayey inuu inoo soo saaro.
Ninkaan Quusanin isagaa Quus ah.
https://www.facebook.com/share/p/1A1M2azYYA/