Inside Galmudug

Inside Galmudug Inside Galmudug | Warbaahin Bulsho. Waxaan soo tebinaa warar xaqiiqo ah, dhacdooyin gudaha, iyo arrimaha bulshada.

Himiladaydu waa wacyigelin, nabad, iyo horumar waara. Waxaan nahay codka bulshada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

25/08/2026

Faadumo Faandhe Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug “Dhinowda waa Galmudug, K**a taliyo Deni mana ka hadli karo dadkaas masiirkooda.”

Inside Galmudug

25/08/2026

Waxaan u Mahadcelinayaa Maxkamadda Sare Ee Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya iyo Qareenada Xisbiga Towfiiq Ee qeyb weyn ka qaatay in lagu guuleestay dacwadii Maxkabada aan u gudbinay.

Waxaan u baahanahay in aan Midnimo iyo Wadajir ku hogaamino doorashada dalka si aan u noqono qaran iyo Ummadd wadajira .

Inside Galmudug

25/08/2026

"Maanta waa maalin weyn waa maalintii uu dhashay Nabigeena[NNKH]"Macalin Xuseen.

25/08/2026

Deegaanka Dhinowda oo uu maanta booqday Md Deni, waxaa saameysay dhibaatooyin ka dhashay Isbadalka Cimilada.

Inside Galmudug

25/08/2026

Guriceel oo si weyn looga xusay dhalashada Xabiibkeenna Muxammad (NNKH).

25/08/2026

Xildhibaan Shaaciye iyo Xildhibaan Musharaf 😂🤦‍♂️

25/08/2026

: Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha Nabad Sugidda Mahad Mohamed Salaad iyo Madaxweyne Hassan si toos ah u kala guureeen.

Dabayaaqada asbuucaan ama biloowga asbuuca soo socda ayaa la sheegayaa in Taliye Mahad Salaad uu xilka Nabad Sugidda banneeyn doono.

Dhinaca kale ayaa la sheeyayaa in Taliye Mahad Salaad yahay Murashax Galmudug ah uuna ka tartami doono Xisbiga Toowfiiq ee Wadaadka Sheikh Shaakir...

Mahad ayaa u guuri doona Magaalada sida wararka sheegayaan.

Arinkaan ayaa waxaa la sheegayaa in aay ku lug leeyihiin Siyaasiyiin kala duwan

Dhinaca kale Taliyaha Nabad Sugidda ayaa la sheegayaa in seddex shaqsi midkood loo saadaalinayo Wasiir Fiqi, Taliye Beeryare oo ah Taliyaha Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga iyo Dr. Koofi oo Mahad salaad aad isku hayaan haddana kamid ah mucaaradka waxna waa is bedeli karaan mar walba.

Arinka Galmudug ayaa u mooddaa in xaalkeeda yahay mid aan qurux badneeyn markii la eego xaaladda lagu jiro.

25/08/2026

Ciidamo wata boqolaal mooto feykoon ah oo kusii socda Baydhabo, sida uu sheegay afhayeenkii h**e ee KGS Ugaas Xasan.

DHINAWDA WAA QAYB KA MID AH GALMUDUG.Anigoo ah Wasiir Dowlaha wasaarada waxbarashada Galmudug, kana mid ah siyaasiyiinta...
24/08/2026

DHINAWDA WAA QAYB KA MID AH GALMUDUG.

Anigoo ah Wasiir Dowlaha wasaarada waxbarashada Galmudug, kana mid ah siyaasiyiinta matala deegaanka Dhinawda, waxaan si cad u muujinayaa mowqifkayga ku aaddan xogta wararka ku saabsan booqashada Madaxweynaha Puntland uu ku tagayo Dhinawda iyo Degaano Katirsan Galmudug.

Dhinawda iyo deegaanada hoosyimaada waa deegaano ka tirsan Dowlad-goboleedka Galmudug, waxaana aaminsanahay in arrimaha maamulka, siyaasadda iyo masiirka deegaankaas lagu saleeyay rabitaanka iyo go'aanka dadka deegaanka iyo hay'adaha dastuuriga ah ee Galmudug.

Booqasho kasta oo loo yimaado shacabka Soomaaliyeed waa arrin aan si guud u soo dhaweyn karno, balse booqasho siyaasadeed oo maamul ama Mas'uul puntland ah ka sameeyo deegaan ka tirsan Galmudug, iyadoo aan la helin is-afgarad iyo isku-duwid ay ku lug leeyihiin hay'adaha Galmudug, waxay dhalin kartaa walaac iyo faham ah in faragelin lagu sameynayo arrimaha gudaha ee Galmudug.
Waxaan si gaar ah ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay khusayso Madax iyo shacaba inay ilaaliyaan xuduudaha maamul, madax-bannaanida go'aannada deegaanada iyo nabadda walaaltinimo ee shacabka Labada Maamul.

Puntland iyo Galmudug waa laba maamul oo deris ah, shacabka labada dhinacna waxaa ka dhexeeya xigto, dhaqan, ganacsi iyo taariikh wadaag. Sidaas darteed, ma doonayno in khilaaf siyaasadeed ama booqasho colaad hurin ah ay dhaawacdo xiriirka maamulada.

Mowqifkaygu ma aha inaan ka hor imaado walaaltinimada iyo isu-socodka shacabka labada Maamul, balse waxa aan difaacayaa waa xaqa deegaanka aan kamid ahay masuuliyiinta ku metala Galmudug.

Waxaan ugu baaqayaa Maamulka Puntland inuu ixtiraamo maamulka iyo hay'adaha Galmudug, isla markaana haddii booqashadu tahay mid rasmi ah, lagu saleeyo wada-tashi, is-afgarad iyo ixtiraam labada maamul ah.

Deegaanka Dhinawda wuxuu leeyahay maamul si Dastuuri ah uga tirsan Galmudug, waana dad leh rabitaan siyaasadeed, iyo masuuliyiin u taagan ilaalinta danihiisa.

Dhinawda waa hoygeena, degmo ahaan waa qayb ka mid ah Galmudug.
Waxaan u taaganahay waajibna ah inaan si nabad ah, sharci ah oo mas'uuliyad leh u difaaco danaha iyo karaamada dadka aan matalo.

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Galmudug

Inside Galmudug

Dhinowda oo h**ey Galmudug ugu magacawday maamul degmo ayaa waxaa booqasho ku tegaya Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdu...
24/08/2026

Dhinowda oo h**ey Galmudug ugu magacawday maamul degmo ayaa waxaa booqasho ku tegaya Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Arrintan waxay dhaawac u keeni kartaa nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada Bariga Mudug, oo h**ey colaaduhu ugu ragaadiyeen Buqoloc iyo Towfiiq.

Inside Galmudug

Address

Flat6 Harlech Tower Park Road East
London
W38TZ

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Inside Galmudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share