Warsan Somali Tv

Warsan Somali Tv Media

10/12/2024

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa kasoo dukaamaystay Suuqa KISMAAYO HYPERMARKET oo ah suuq casri ah oo laga heli karo dhammaaan adeegyada muhiimka ah ee bulshadu ay u baahan yihiin.

Madaxweynaha ayaa dhiirigaliyay ganacsiyada Waa weyn ee dadka ree Jubaland ay ku maalgashanayaan deegaankooda.

War Deg-deg ah: Dagaal Xooggan oo Ka Socda Raas-KaambooniWaxaa goor dhow dagaal xooggan ka qarxay magaalada Raas-Kaamboo...
05/12/2024

War Deg-deg ah: Dagaal Xooggan oo Ka Socda Raas-Kaambooni

Waxaa goor dhow dagaal xooggan ka qarxay magaalada Raas-Kaambooni, kaas oo u dhexeeya ciidamo ay Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ka soo daadgureysay Muqdisho iyo ciidamo kale oo uu horay ugu tagay Guddoomiyihii h**e ee degmada Badhaadhe garoonka magaalada.

Ciidamada Jubaland ee markii h**e ku sugnaa aaggaas ayaa ka hor yimid tallaabada ay Villa Somalia ku doonayso inay ku burburiso Jubaland. Waxay ka dhiidhiyeen qaabka qabyaaladda ku saleysan ee loo abaabulay duulaanka, taas oo ay ku tilmaameen mid loogu dan leeyahay kicin iyo qalalaase ka dhaca gobolka.

Villa Somalia ayaa la kulantay caqabado waaweyn iyo fashil ku yimid isku daygeeda ah inay burburiso Jubaland, taas oo ay shacabka Jubaland u arkaan duulaan toos ah oo lagu soo qaaday gobolka, loogana gol leeyahay in lagu abuuro dagaallo dhiig badan ku daato.

Dowladda Jubaland iyo shacabka ayaa adkeynaya difaaca ammaankooda, iyaga oo ku taamaya in la ilaaliyo nabadda iyo midhaha ka dhashay dadaalka iyo dhiigga halyeeyadii dhidibbada u taagay maamul ammaan iyo nabad ku naaloonaya.

Waxaa socda dedaallo ay ku doonayaan in Jubaland ku sii xajiso xasilloonideeda, iyada oo looga hortagayo dhammaan isku day kasta oo wax u dhimi kara jiritaankeeda.

Nairobi, 10, May 2024:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa  bogaadiyey h...
09/05/2024

Nairobi, 10, May 2024:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey horumarka baaxadda leh ee dhanka ganacsiga ah ee ay gaareen Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeedinayay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Moolka BBS ee dhawaan laga hirgeliyey Nairobi, ayaa ganacsatada Soomaalida ku ammaanay kaalinta libaax ee ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo xusay sida ay muhiimka u tahay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan faa’iidooyinka iskaashiga ganacsi ee labada bulsho, ayaa ku boorriyay ganacsatada in ay sii wadaan hal-abuurka iyo ku dhaqanka mabaadi’da ganacsi ee suubban, si loo sii ambaqaado guulaha la gaaray.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay fududeynta wax kasta oo caqabad ku noqon kara horumarka ganacsiga Soomaalida, isaga oo carabka ku adkeeyay in la sii wadi doono dadaallada dib u dhiska iyo taageerada ganacsatada Soomaalida meel kasta oo ay joogaan.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa uu caawa ku tagay suuqa ganacsiga BBS Mall oo ahayd dhiirrigelin, ayaa markale xaqiijisay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay taageerada iyo horumarinta muwaadiniinteeda meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan kuwa ku hawllan ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Address

Somali Road, London, NW2 3, United Kingdom
London
NW2 3

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warsan Somali Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share