Bidhaan Media

Bidhaan Media Bidhaan Media. Waxaad ugu soo Hagaagtan warar Hufan. Dheelitiran, Dhex dhexaada π˜½π™žπ™™π™π™–π™–π™£ π™ˆπ™šπ™™π™žπ™– waa warbaahin Soomaaliyeed oo la aas aasay 05 October 2019.
(1)

Ujeedada ugu weyn ee loo aasaasay waa in ay bulshada Soomaaliyeed u soo gudbiso warar, warbixino, waraysiyo, iyo barnaamijyo tayo sare leh oo wax badan ku soo kordhiya. Waxaan diiradda saarnaa sidii aan u soo gudbin lahayn macluumaad sax ah oo dhexdhexaad ah oo bulshada Soomaaliyeed ka caawiya fahamka iyo qiimeynta xaaladaha kala duwan ee dalka iyo caalamkaba. Bidhaan Media waxay ku dadaaleysaa in

ay noqoto isha ugu weyn ee warbaahinta Soomaaliyeed Si Loo Heli Warar Sugan Iyo Barnaamijyo Waxtar U Leh Bulshada, iyadoo ay naga go’an tahay sare u qaadista wacyiga bulshada, dhiirrigelinta horumarka, iyo kobcinta aragtida dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaan si gaar ah xoogga u saarnaa soo bandhigida warar iyo barnaamijyo la xiriira dhaqaalaha, siyaasadda, amniga, horumarka bulshada, iyo arrimaha caalamiga ah ee saameeya Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed. Ujeedadeenna waa in aan door muuqda ka qaadanno ka warhaynta iyo horumarinta bulshadeenna si ay u noqdaan kuwa ka faa’iidaysta fursadaha casriga ah ee ku xeeran. Ku xidhnow Bidhaan Media si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyay, waraysiyo xiiso leh, iyo barnaamijyo wax ku ool ah oo aad ka faa’iidaysan karto

16/10/2025

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamud ayaa dhawaan Kusoo Wajahan Magaalada Laascaanood , iyo Wufuus kala Duwan oo ka qayb Galaya Caleema saarka

Laascaanood, Qaban qaabadda soodhawaynta Madaxwaynaha soomalia ayaa siwayn looga dareemaya Caasimadda waqooyi bari.Bidha...
16/10/2025

Laascaanood, Qaban qaabadda soodhawaynta Madaxwaynaha soomalia ayaa siwayn looga dareemaya Caasimadda waqooyi bari.

Bidhaan Media

16/10/2025

FULL-Barnaamij-Canbaro Nuux(Laanta Barri) "Aniga nin cali gariya ayaa 3sanadood i daba socday oo aan aqiinay ayaan sanadkii 4aad ku nacay u bixiyay,

Xuquuqda Muuqaalka: Somali Stream

16/10/2025

Soodhaweeynta gabadh kamida dadkii hindisay Calanka SSC Ee Waqooyi bari ayaa laascanod lagusoo dhaweyey.

Bidhaan Media

"Ihaam Gasar oo maanta ka mid noqotay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.Bidhaan Media
15/10/2025

"Ihaam Gasar oo maanta ka mid noqotay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Bidhaan Media

13/10/2025

Canbaro Nuux (Laanta Bari): Muuqdheertii Quruxda iyo Maansada sida wayn ugu caan baxday.

X/M Somali Stream

13/10/2025

AUH Garaad Cali Buraalle & Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraalle iyo Madalo kala duwan oo ay mid kastaba suugaan ku amaaneen Hablaha dhulbahante,

FG- Qoyska balaadhan ee Cali Buraale waa qoys soo jireen suugaayana ah.

Bidhaan Media

12/10/2025

Bulshada degmada Shaxda Qurbejoog iyo qolqoljoogba waxaan ku xukumayaa inay dhisaan degmadan oo ay noqoto degmada ugu bilicda iyo dhismaha qurxoon ee dawladda deegaanka oo dhan.

Shirkadda isgaarsinta casriga ee telesom ayaa qimo dhimis bulshadda waqooyi Bari ugu samaysay adeegedda internetka gurya...
12/10/2025

Shirkadda isgaarsinta casriga ee telesom ayaa qimo dhimis bulshadda waqooyi Bari ugu samaysay adeegedda internetka guryaha ee telesom fiber.

Adeega telesom fiber ayaa ah adeeg 5G ya kaaso baahiyihii internite ee waqooyi Bari wax-badan ka taray.

Tayo waa telesom.

Magaalada Laascaanood waxaa maanta si weyn looga xusay xafladdii qalin-jabinta ardayda Dufcaddii 12aad ee Jaamacadda Soo...
08/10/2025

Magaalada Laascaanood waxaa maanta si weyn looga xusay xafladdii qalin-jabinta ardayda Dufcaddii 12aad ee Jaamacadda Sool, kuwaas oo dhameystay waxbarashadoodii culuumta caafimaadka.

Xafladdan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay hoolka weyn ee jaamacadda, iyadoo ay goob joog ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Waqooyi Bari , Wasiiro , madaxda jaamacadda, maamulka heer degmo , waalidiin, iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Ardayda qalin-jabisay sanadkan ayaa ku takhasusay Kulliyadaha Caafimaadka, gaar ahaan:
β€’ Ummuliso-nimada (Midwifery)
β€’ Kal-kaalisonimada (Nursing)
β€’ Labka iyo Shaybaadhka (Medical Laboratory Technology) ayaa tiradoodu ahayd 58 arday .

Inta lagu guda jiray munaasabadda, waxaa lagu soo bandhigay khudbado dhiirigelin ah oo ay jeediyeen madaxda jaamacadda iyo marti sharaftii kale, kuwaas oo ku booriyay ardayda in ay ka shaqeeyaan adeegidda bulshada iyo horumarinta caafimaadka dalka.

Madaxweynaha Jaamacadda Sool oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in jaamacaddu sii wadi doonto bixinta aqoon tayo leh, isla markaana ay mudnaanta siinayso barashada caafimaadka iyo cilmi-baarista.

Sidoo kale, waxaa abaal-marinno la guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha h**e gashay iyo macallimiintii dadaalka badan bixiyay.

Ardayda qalin-jabisay ayaa muujiyay farxad iyo rajo, iyagoo ballan qaaday in aqoontooda ay ugu adeegayaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada hooyada iyo dhallaanka, iyo la dagaallanka cudurrada bulshada saameeya.

Gunaanad

Xafladda ayaa ku soo dhammaatay jawi farxadeed iyo sawir-qaadis guud oo ay ka muuqato guusha, kartida iyo himilada ardayda Jaamacadda Sool ee dufcaddii 12aad ee 2025.

Maamulka Woqooyi-bari Soomaaliya ayaa digniin kama-danbays ah u diray Shirkaha Isgaadhsiinta & Bangiyada deegaannadaas o...
06/10/2025

Maamulka Woqooyi-bari Soomaaliya ayaa digniin kama-danbays ah u diray Shirkaha Isgaadhsiinta & Bangiyada deegaannadaas oo maamulku sheegey; in ay ka dhego adaygeen bixinta cashuurtii ku waajibtay, ka qayb-qaadashada dowlad-dhiska iyo in ay xarumo-guud ka furtaan Laascaanood.

05/10/2025

KISMAAYO- Madaxwayne Hassan Sheekh sidan ayaa Kismaayo loogu soo dhaweeyey.

Address

London

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bidhaan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bidhaan Media:

Share