
24/09/2025
MASUULIYAD DARADU WAXA AY KA BILAABATAA MARKA LA LUMIYO QIIMAHA QOFKA MUWAADINKA AH!
Ciidankii saakay sida foosha xun u jirdilay waayeelka iyo dumarka waxa ay dhaxal siiyeen muqdisho in amnigeeda gacanta ka sii baxaayo.
MAXAA LA GUDBOON DOWLADDA?
• in si degdeg ah loo maxkamadeeyo Taliyaha Degmada Wardhiiglay iyo taliska ciidanku ka amarqaadanayeen.
• in si masuuliyad ay ka muuqato dowladdu magdhaw u siiso dadkii dhibku gaaray
• in Raaligalin buuxda la siiyo Shacabka hortooda lagu jiiday muwaadiniin rayid ah.