Jiil Plus

Jiil Plus ๐—ง๐—ฟ๐—ฒ๐—ป๐—ฑ๐˜€. ๐—ซ๐—ผ๐—ด. ๐—”๐—ป๐—ฎ๐—น๐˜†๐˜€๐—ถ๐˜€.

Shacabka Maraykanka ayaa bilaabay inay wax badan ka ogaadaan jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalkaas, iyo guud ahaan ...
07/12/2025

Shacabka Maraykanka ayaa bilaabay inay wax badan ka ogaadaan jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalkaas, iyo guud ahaan waxa ay Soomaalidu kaga duwan yihiin dadka kale ee caalamka.

Arrintan ayaa imanaysa kadib eedeymihii isdaba-joogga ahaa ee Trump u soo jeediyay dadka Soomaalida, kuwaas oo noqday sheekooyinka ugu hadal-haynta badan gudaha dalka Maraykanka.

Turkiga ayaa markale walaac ka muujiyay dhaqan-gelinta qorshaha xabbad-joojinta Gaza, isagoo sheegay in dagaalku weli si...
07/12/2025

Turkiga ayaa markale walaac ka muujiyay dhaqan-gelinta qorshaha xabbad-joojinta Gaza, isagoo sheegay in dagaalku weli si dadban u socdo, taas oo ka hor imanaysa heshiiskii la gaaray oo dhigayay in aan wax gacan-ka-hadal ah la samayn.

Wasiirkii Warfaafinta ee Somaliland, Axmed Yasiin Sheekh Cali, ayaa xilka isaga casilay arrinta ka taagan Boorama dartee...
07/12/2025

Wasiirkii Warfaafinta ee Somaliland, Axmed Yasiin Sheekh Cali, ayaa xilka isaga casilay arrinta ka taagan Boorama darteed, isaga oo sheegay in xukuumaddu dheg u dhigi weyday talooyinkii uu soo jeediyay.

Warbaahinta dowladda ee TRT ayaa qabatay shir looga hadlayo dhibaatada carruurta ka haysata isticmaalka warbaahinta kala...
07/12/2025

Warbaahinta dowladda ee TRT ayaa qabatay shir looga hadlayo dhibaatada carruurta ka haysata isticmaalka warbaahinta kala duwan, iyadoo shirka lagu lafa-guray in carruurta adduunka loo diyaariyo warbaahin soo bandhigta xogo aan dhibaato u keenayn carruurta.

Hogaamiyaasha caalamka ayaa  maanta ka qayb-galaya shirka madasha Dooxa oo looga hadlayo diblomaasiyadda iyo nabadda caa...
06/12/2025

Hogaamiyaasha caalamka ayaa maanta ka qayb-galaya shirka madasha Dooxa oo looga hadlayo diblomaasiyadda iyo nabadda caalamka.kaasoo saaka ka furmay caasimadda dalka Qatar ee Dooxa.

Kulankan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa ka qayb-galaya inta badan madaxda dalalka caalamka iyo ururo dowli ah.

Sanadkan waxaa si weyn loogu gorfaynayaa isbedelka ku dhacay hab-dhaqanka Diblomaasiyadda Caalamka wixii ka dambeeyey doorashadii Trump iyo dagaalka Bariga Dhexe, dhacdooyinkaas oo saamayn weyn ku yeeshay xeerarkii Diblomaasiyadda Adduunka.

Dhinaca kale, dagaallada iyo nabad-gelyo-darrada kusii baahaysa dunida ayaa ah qayb muhiim ah oo shirka lagusoo hadal qaadayo.

Kasokow khudbadaha madaxda iyo siyaasiyiinta caalamka, kulanka waxaa lagusoo bandhigayaa cilmi-baarisyo kala duwan oo ku saabsan nabadda iyo Diblomaasiyadda xilliga Colaadaha.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kamid ah madaxda ka qayb-galaysa madashan oo markii 23-aad ka qabsoomaysa magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

Qiimaha lacagaha Kiribtada Dollar ahan.
06/12/2025

Qiimaha lacagaha Kiribtada Dollar ahan.

Kooxda gooni-u-goosadka ee dalka Yemen ayaa qabsatay dhul aad u ballaaran oo ka tirsan gobollada koonfurta Yemen, gaar a...
06/12/2025

Kooxda gooni-u-goosadka ee dalka Yemen ayaa qabsatay dhul aad u ballaaran oo ka tirsan gobollada koonfurta Yemen, gaar ahaan gobollada Hadhramaut iyo Al-Mahrah.

Kooxdan oo lagu magacaabo Golaha Ku-Meel-Gaarka ah ee Koonfurta Yemen ayaa doonaya in ay ka goโ€™aan inta kale ee dalka.

Ninka ugu taajirsan Afrika, Aliko Dangote, ayaa sheegay inuu doonayo in uu noqdo ninka shamiitada ugu badan soo saara ad...
06/12/2025

Ninka ugu taajirsan Afrika, Aliko Dangote, ayaa sheegay inuu doonayo in uu noqdo ninka shamiitada ugu badan soo saara adduunka oo dhan, saddexda sano ee soo socda.

Rabshado xooggan ayaa weli ka socda magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal. Mudaaharaadkan ayaa sababay dhimasho iyo...
06/12/2025

Rabshado xooggan ayaa weli ka socda magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.

Mudaaharaadkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan.

Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland ayaa ku amray ciidanka in ay ka baxaan magaalada si loo dejiyo xaaladda.

Xiisaddan ayaa salka ku haysa kadib markii Somaliland ogolaatay in buugga "Xeerka Ciise" lagu soo bandhigo magaalada Saylac oo ka tirsan gobolka Awdal.arrintaas oo dadka deegaanku ay ka biya diideen.

05/12/2025

Soomaaliya maka faa'iidaysan karaan fursadaan?

05/12/2025

Qasaalad dadka nadiifiso sida dharka oo kale oo la soo saaray.sow la yaab maaha?

Deg deg :Hoggaamiyihii kooxda hubaysan ee gacansaarka la lahayd ISR, Yasir Abuu Shabab ayaa la dilay kadib dagaal ka dha...
04/12/2025

Deg deg :Hoggaamiyihii kooxda hubaysan ee gacansaarka la lahayd ISR, Yasir Abuu Shabab ayaa la dilay kadib dagaal ka dhacay magaalada Rafax oo u dhexeeyay kooxdiisa iyo xoogagga iska caabinta ee Falastiin.

Yasir Abuu Shabab wuxuu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyada magacoodu soo ifbaxay tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.

Address

29 Holman Hunt House Field Road
London
W68HY

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jiil Plus posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Jiil Plus:

Share