Channel Seven Tv

Channel Seven Tv Warbaahin Madax banaan oo ka helayso xogo kaa daahsoon
(1)

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO CASHO SHARAF KU MAAMUUSAY CULIMADA SOOMAALIYEED EE KA QAYB-GALAY SHIRWEYNAHA 3AAD EE CULIMADA...
27/11/2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO CASHO SHARAF KU MAAMUUSAY CULIMADA SOOMAALIYEED EE KA QAYB-GALAY SHIRWEYNAHA 3AAD EE CULIMADA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf u sameeyay Culimada Soomaaliyeed ee ka soo qayb-gashay Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed, kaas oo maanta ku soo gaba-gaboobay caasimadda dalka.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada, ka hortagga afkaaraha xagjirnimada, iyo xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in dhaqanka Soomaaliyeed iyo dowladnimaduba ay ku tiirsan tahay talo, hagid iyo baraarujin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo xoojiyo iskaashiga dowladda iyo culimada, isagoo soo bandhigay in markii ugu horreysay Ciidamada Xoogga Dalka lagu kabay tiro culimmo oo ka mid noqda, si ay uga wacyi geliyaan ciidanka dhaqannada aan wanaagsanayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo dhaweeyey go'aammada ka soo baxay Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed, isaga oo ku adkeeyay in talooyinkooda iyo go’aannada shirku ay door muuqda ka qaadan doonaan xoojinta nidaamka dowladnimo, ilaalinta qiyamka diinta Islaamka iyo ka hortagga fikiradaha gurracan ee argagixisada.

Tangier, Morooko, 27 Nofeembar, 2025 : Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cab...
26/11/2025

Tangier, Morooko, 27 Nofeembar, 2025 : Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hadal-jeedintii furitaanka ka sameeyay Madasha Caalamiga ah ee MEdays ee ka qabsoontay dalka boqortooyada Marooko.

Ra’iisul Wasaarada ayaa khudbadiisa kusoo jeediyay abuurista Isbahaysi Baddeed oo u dhaxeeya Afrika iyo dalal dhaca Badweynta Atlantica oo ay Afrika hoggaaminayso, furitaanka marin ganacsi oo dhanka badda ah oo isku xira Bariga Afrika iyo dalka Morooko.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale ku baaqay in la asaaso Sanduuqa Maalgashiga ee Daanta Koonfureed ee dunida (Global South) iyo waliba in la yagleelo Madasha Garaadka Macmalka ah (AI) ee quseeya dhaqamada iyo afafka dalalka Koonfureed ee dunida.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo uu socdaalkiisa ku wehliyo wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ka mid ah madaxda qarameed ee ka qeybgalaya Madasha MEdays ee sanadlaha ah oo ah tii 17-aad, kana soo qeybgalayeen ergo dunida inta badan ka socota.

Inta uu Marooko joogo ayuu Mudane Xamsa kulan doceedyo la yeelan doonaa madax kala duwan oo dunida ka socota, kuwaas oo uu kala hadlayo xoojinta xiriirada iskaashi iyo danaha Soomaaliya.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY GORSOORE  CUMAR CARTANMuqdisho, Nofeembar 23, 2025; Madaxweynaha Jam...
23/11/2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY GORSOORE CUMAR CARTAN

Muqdisho, Nofeembar 23, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sumcadda iyo maamuuska uu dadka Soomaaliyeed u soo hoyey ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF.

Madaxweymaha ayaa mar kale ugu hambalyeeyey Garsoore Cumar Cartan guusha taariikhiga ah ee uu xaqiijiyey, waxa uuna tilmaamay in abaal-marintan ay muujineyso kartida iyo daddaalka uu geliyey kor u qaadidda xirfaddiisa, isaga oo u rajeeyey meel halkaa ka sareysa oo heer caalamiya inuu gaarsiiyo magaca Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Garsoore Cumar Cartan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan, waxa uuna xusay in maamuuskan uu ku dhiirrigelinaayo in sii wado dafaalkiisa ku aaddan matalaadda Caalamka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Nidaam garsoor oo la isku hallayn karo waxa uu dalkeenna u abuurayaa maalgashi iyo mustaqbal wa...
22/11/2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Nidaam garsoor oo la isku hallayn karo waxa uu dalkeenna u abuurayaa maalgashi iyo mustaqbal wanaagsan”

Muqdisho, Sabti 22 Nofeembar 2025:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirweynaha Koowaad ee Bahda Caddaalladda dalka, oo looga hadlayo horumarinta sharciga, isla xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida ay bulshadu ku qabaan hey’adaha garsoorka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dowlad-dhis ah, isla markaana loo baahan yahay garsoor madax-bannaan, hufan, oo daboolaya baahida shacabka, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo sarreynta sharciga, lana tayeeyo hey’adaha caddaaladda, si loo helo garsoor lagu kalsoon yahay oo horseeda nabad waarta, iyo dowladnimo sal-adag leh.

“Haddii aysan jirin caddaalad la isku halayn karo, ma jiri karo amni waara, kalsooni shacab, maalgashi, iyo dowladnimada casriga ah ee ay Soomaaliya mudan tahay, dib-u-habeynta garsoorku waa arrin Qaran oo mudnaanta koowaad leh, waana jidka keliya ee lagu gaari karo Soomaaliya xasilloon.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Waxa uu intaas raaciyey in garsoorka uu muhiim u yahay doorasho xor ah caddaalad ah iyo xoojinta dimuqraadiyadda iyo kalsoonida shacabka, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta siinayso dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurku ay yihiin aas-aaska hirgelinta nidaamka sharciga iyo federaalka ee dalka, waxa uu xusay in dastuur dhammeystiran uu dalkeenna u keenayo, xasillooni siyaasadeed, hannaan shaqo oo mideysan, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo garsoor caaddil ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud, bahda garsoorka qaban-qaabada shirka sanadlaha ah, waxa uuna ugu baaqay dhammaan ka qeyb-galayaasha in ay si dhab uga doodaan dib-u-habeynta garsoorka, isla markaana ay keenaan talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo caddaaladda dalka.

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay qodobo muhiim ah.Muqdisho, Khamiis, 13 Nofeembar 2025:- Golaha Wasiirrada Xukuu...
13/11/2025

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay qodobo muhiim ah.

Muqdisho, Khamiis, 13 Nofeembar 2025:- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey Heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo ku saabsan iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka ee labada dal.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno la xiriira ammaanka caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxaa looga dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu weheliyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Warbixinnadaas ayaa lagu soo bandhigay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir ee dhawaan la qaban doono.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay guulaha ay Ciidanka Qalabka Sida ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa cambaareeyay dhacdooyinkii ka baxsanaa dhaqanka iyo diinta suubban ee Islaamka ee lagu dhibaateeyay shacab birma-geydo ah, iyada oo Xukuumaddu ay fartay hey’adaha amniga in sharciga la horkeeno cid kasta oo ku lug yeelatay falalkaas xadgudubka ah.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY WARSHAD SOO SAARTA BIRAHA SHUBKA EE DALKEENNAMuqdisho, 8 Nofeembar 2025; Mad...
08/11/2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY WARSHAD SOO SAARTA BIRAHA SHUBKA EE DALKEENNA

Muqdisho, 8 Nofeembar 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay xoojinta Wax-soosaarka dalkeenna ayaa xarigga ka jaray Warshadda Banaadir Steel oo ah Warshad cusub oo soo saarta Biraha Shubka ee lagu dhiso Guryaha, iyadoo isticmaaleysa dib u warshadeynta biraha duugoobay.

Madaxweynaha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Warshaddan ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go'an tahay dhiirrigelinta, iyo garab istaagga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maalgashanaya dalkooda, si ay door muuqda uga qataan soo kabashada dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo shaqo abuurka dhallinyarada, isagoo ku adkeeyey in kor loo qaado ilaalinta badqabka shaqaalaha iyo tayada wax-soosaarka Warshadda.

“Waxaan hambalyeynayaa dhallinyarada ganacsatada ah ee u istaagay in ay dalkooda maalgashadaan, kuwaas oo fursad shaqo u abuuray in ka badan 400 oo qof iyo qoysaskooda,Warshadaha iyo mashaariicda kale ee waaweyn waxa ay ka mid yihiin kuwa dalkeenna dhowaan ka hano qaadi doona, waxaan dooneyna in qurbajoogtu ay dalka maalgashadan, si aan u soo ceshano wixii inaga lumay 30-kii sanno, waxaan rajeynayaan in warshadaan ay ballaarato oo ay soo saarto wax kasta oo dhismo guri la xiriiro”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyey ganacsatada Soomaaliyeed in ay diiradda saaraan maalgelinta hal abuurro ka turjumaya baahiyaha dalka, kuwaas oo faa'iida u leh mustaqbalka jiilalka danbe, si waddanku u gaaro isku filaansho dhaqaale, wax-soosaar dhameystiran iyo Warshado awood buuxda u leh daboolidda ku tiirsanaanta waxyaabaha dibadda laga keenno.

Wasiirka Caafimaadka oo isbadal deg deg ah kusameeyay Agaasinka isbitaalka Banaadir kadib markii Baraha Bulshada lagu ba...
07/11/2025

Wasiirka Caafimaadka oo isbadal deg deg ah kusameeyay Agaasinka isbitaalka Banaadir kadib markii Baraha Bulshada lagu baahiyay Muuqaalo Hooyo ku foolanaysa Afaafka H**e ee Isbitaal Banaadir.

Isbahaysiga dimuqraadiga Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Xubnihii kasoo goostay Golaha Samatabixinta Qaranka dhawa...
05/11/2025

Isbahaysiga dimuqraadiga Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Xubnihii kasoo goostay Golaha Samatabixinta Qaranka dhawaana heshiiska la galay DFS ayaa ku baaqay in Doorashada Golaha Deegaanka oo Gudiga Doorashada Qaranka uu h**ey u sheegay inay dhacayso 30 November in la qabto 30ka December si Ururada Siyaasada iskugu diyaariyaan ka qeybgalka Doorashada Golaha Deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaala...
30/10/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta si wadajir ah uga qeyb galay munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta oo horseeday dib u dhiska dowladdnimada dalkeenna.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha Taaladda Nabadda Soomaalida oo ah Madxaf qaab casri ah loo dhisay, lagana hirgaliyay magaalada Carta, kaasi oo lagu keydiyay Taariikhda Shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida, waxaan Munaasabadda ka qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka socday labada dowladood, madaxdii h**e ee dalkeenna, siyaasiyiin, dhaqanka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Muqdisho, Khamiis, 30 Oktoobar 2025:- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulank...
30/10/2025

Muqdisho, Khamiis, 30 Oktoobar 2025:- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026 iyo Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo ku saabsan iskaashiga socdaalka, iyo Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, kuna saabsan iskaashiga arrimaha amniga iyo la-dagaallanka dambiyada.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca dalka, iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabka-sida ka gaarayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LAGU SOO DHOWEEYEY DALKA JABUUTIJabuuti, 29 Oktoobar, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa...
29/10/2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LAGU SOO DHOWEEYEY DALKA JABUUTI

Jabuuti, 29 Oktoobar, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey caasimadda Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, halkaas oo uu uga qeybgalayo Munaasabad lagu xusuusanayo dadaalkii dowladda Jabuuti ee qabashada Shirweynihii dib u heshiisiinta Soomaalida iyo dib u yagleelidda Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo martigelinaya munaasabadda xuska sannad-guurada 25-aad ee Shirkii Nabadda Soomaaliya ayaa ku maamuusay Madaxda Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed daahfurka Xarunta cusub ee dib u heshiisiinta Geeska Afrika ee loogu magac daray Taallada Nabadda ee Carta, taas oo taariikh mugweyn ku leh Nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo dalka Jabuuti waxa uu kulamo la yeelandoona Madaxda sare ee dalkaasi, isaga oo khudbad ku saabsan guulaha mira dhalka ah ee ay Soomaaliya ka dhaxashay Shirkii dib u heshiisiinta Carta ku soo bandhigidoona Munaasabadda daahfurka xarunta dib u heshiisiinta Geeska Afrika.

AGAASIMAHA CUSUB EE WAAXDA  WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA OO XILKA KALA WAREEGAY AGAASIMIHII H**EMuqdisho, Oktoob...
29/10/2025

AGAASIMAHA CUSUB EE WAAXDA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA OO XILKA KALA WAREEGAY AGAASIMIHII H**E

Muqdisho, Oktoobar 29, 2025; Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa xilka u kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed(Golfyare) iyo Agaasimihii h**e Mudane Maxamed Aadan Maxamed.

Munaasabadda oo ku qabsoontay xarunta Villa Soomaaliya ayaa Agaasime Cabdixakiim waxa uu u rajeeyey Agaasimaha cusub ee Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada in Alle uu u fududeeyo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday, isaga oo ku adkeeyey howlwadeennada iyo masuuliyiinta Dowladda in ay si dhow ula shaqeeyaan.

Agaasime Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa soo bandhigay qorshaha cusub ee Waaxda iyo shaqooyinka horyaalla, isaga oo tilmaamay mudnaanta uu siinayo dib u habaynta Xafiiska iyo xoojinta xiriirka guud ee warbaahinta Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Agaasimihi h**e ee Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Mudane Maxamed Aadan Maxamed ayaa la wadaagay agaasinka cusub waxqabadkii la xaqiijiyey muddadii uu xilka joogay, isaga oo u mahadceliyey hawl-wadeennadii lasoo shaqeeyay.

Address

10 Yeldham Road
London
W68JE

Telephone

+252610222281

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Channel Seven Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Channel Seven Tv:

Share