21/06/2025
𝗙𝗔𝗥𝗭𝗔𝗗 𝗕𝗔𝗭𝗢𝗙𝗧 𝗪𝗔𝗥𝗜𝗬𝗜𝗛𝗜𝗜 𝗝𝗔𝗔𝗦𝗨𝗨𝗦𝗞𝗔 𝗔𝗛𝗔𝗔 𝗘𝗘 𝗖𝗜𝗥𝗔𝗔𝗤 𝗟𝗔𝗚𝗨 𝗗𝗔𝗟𝗗𝗔𝗟𝗔𝗬.
----------------------------------------------
Jaasuusyadii ugu caansanaa ee loo soo diray Ciraaq xilligii Saddam Xuseen waxaa ka mid ahaa Farzad Bazoft, wuxuu ahaa wariye u dhashay Ingiriis ka asal ahaanna kasoo jeeda Iran kaasoo si murugo leh ay ku dhammaatay noloshiisa kadib markii sirdoon kii Ciraaq ay fashiliyeen howlihiisa sirdoon. Ra’iisul wasaarahii Ingiriis ka ee xilligaas Margaret Thatcher ayaa Ciraaq ka dalbatay in la sii daayo, hase yeeshee Saddam Xuseen wuxuu u diray meydkiisii oo sanduuq alwaax ah ku jira, wuxuuna u raaciyay farriin quus-goyn ah.
Wuxuu Farzad Bazoft ku dhashay caasimadda Iran ee Tehran taariikhdu markay ahayd 22/05/1958, wuxuuna ku noolaa Iran muddo ku dhow 20 sano. Laakiin kadib kacdoonkii Khomeini 1979 iyo burburkii nidaamkii boqortooyadii Iiraan ee Shaah, isaga iyo qoyskiisa waxay u qaxeen Ingiriis ka. Halkaas ayuu wax ku bartay, wuxuuna ka qalin jebiyey jaamacad isagoo ku takhasusay saxafadda. Markii uu dhammeeyey waxbarashada, wuxuu Farzad ka shaqo bilaabay mid ka mid ah wargeysyada ugu sumcadda badan Ingiriis ka oo ah The Observer.
Intii lagu guda jiray dagaalkii u dhexeeyey Ciraaq iyo Iran, dalalka taageerayay Ciraaq waxay ka dalbadeen Saddam Xuseen inuu ogolaado xorriyadda saxaafadda, si warbaahinta caalamka ay uga shaqayso gudaha Ciraaq. Saddam wuu aqbalay arrintaas. Kadib dhamaadkii dagaalka, Farzad wuxuu yimid Ciraaq isagoo wakiil ka ah wargeyska The Observer, si uu u sameeyo warbixin gaar ah oo ka hadlaysa xaaladda Ciraaq ee dagaalka kadib. Wuxuu degaan ka dhigtay caasimadda Ciraaq ee Baghdad.
Markii uu Farzad soo gaaray Ciraaq wuxuu shaqadiisa ka bilaabay waddooyinka magaalada Baghdad, wuxuu bilaabay inuu dadka su’aalo ka weydiiyo xaaladdooda nololeed, mushaharka ay helaan, si uu u ogaado heerka noloshooda. Sidoo kale wuxuu dadka ka wareysan jiray arrimo la xiriira Saddam Xuseen iyo ciidanka Ciraaq, si uu u ogaado in shacabka Ciraaq ku qanacsanyihiin Saddam iyo nidaamkiisa iyo in kale.
Laakiin dhammaan xogaha uu Farzad ururinayay xaggee buu u diri jiray? Farzad wuxuu xogahaas u dirayay hay’adda sirdoonka Ingiriis ka, taasoo iyaduna xogtaas usii gudbin jirtay hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad. Israa’iil ayaa waqtigaas si weyn u danaynaysay inay ogaato xaaladda gudaha ee shacabka Ciraaq iyo xiriirkooda iyaga iyo Saddam Xuseen, iyo sidoo kale heerka diyaar garowga ciidamada Ciraaq iyo sida ay dadweynuhu ugu kalsoon yihiin ciidankooda.
Sababta arrimahaas ay Israa'iil u danaynaysay waa in Saddam Xuseen uu marar badan si cad ugu hanjabay Israa’iil, isagoo ku goodiyay inuu gantaallo ku garaaci doono isla markaana uu khariidada ka masixi doono. Taasi waxay Israa’iil ku keentay inay u aragto Saddam Xuseen khatar weyn oo amniga qarankooda ah kusoo wajahan.
Farzad wuxuu si caadiya isaga wadan jiray shaqadiisii iyadoo aan la ogayn howlaha dhabta ah ee uu hoos ka wado. Laakiin maalin maalmaha ka mid ah waxa uu qarax weyn ka dhacay warshad ay Ciraaq lahayd oo gantaallada samayn jirtay kuna taallay gobolka Baabil ee Ciraaq. Markaas ayuu Farzad go’aansaday inuu gaaro goobta qaraxa ka hor inta aysan suxufiyiinta kale iman, si uu u sameeyo warbixin gaar ah una noqdo weriyeyaasha ugu horreeya ee dhacdadaas soo tebiya.
wuxuu Farzad gaaray goobtii uu qaraxa ka dhacay, laakiin si lama filaan ah ayuu ula kulmay amar ah in saxaafaddu aysan geli karin meeshaas. Ciidamadii Ciraaq ee ku sugnaa goobta waxay u sheegeen in tani ay tahay amar ka yimid Madaxweynaha Saddam Xuseen, oo si toos ah u mamnuucay in warfidiyeennadu galaan goobtaan xasaasi ah.
Qaraxii ka dhacay warshaddii gantaallada ee Ciraaq 1989-kii wuxuu ahaa mid ka mid ah musiibooyinkii ugu waaweynaa ee Ciraaq ka duacay sannadahaas. Sababtoo ah nidaam kii Saddaam Xuseen wuxuu xoogga saaray in xog waafiya aan laga helin warshaddaas iyo waxay samayn jirtay iyo qaab ka qaraxu u dhacay iyo wixii sababayba. Qaraxaasi wuxuu sababay dhimashada 700 oo qof, waxaana ka mid ahaa boqollaal aqoonyahan oo u dhashay Masar iyo Ciraaq.
Markii ciidamadii Ciraaq ka horjoogsadeen Farzad inuu galo goobta qaraxa, waxaa ku dhacay tuhun xooggan oo ku saabsan in meesha wax muhiima ku jiraan oo dawladdu wax qarinayso, wuxuuna go’aansaday inuu galo xitaa haddii ay khatar ku tahay noloshiisa. Ugu dambayn wuu ku guuleystay waxaana ka caawisay inuu gudaha galo kalkaaliso. Markii uu gudaha galay, Farzad wuxuu sawirro ka qaaday wax walba oo uu arkay, wuxuuna sameeyay wareysiyo dhowr ah oo uu la yeeshay dadkii dhaawacmay isaga oo iska dhigayay weriye caadiya.
Deedna wuxuu bilaabay inuu isku geeyo xogta, sawirrada iyo warbixinta uu diyaariyay si uu ugu diro sirdoonka Ingiriis ka. H**e wuxuu ugu talo galay inuu ugu diro FAX-ka, balse wuxuu ka baqay in ay hay’adda sirdoonka Ciraaq ogaadaan, sidaas darteed wuxuu go’aansaday inuu si shaqsi ah ugu laabto Ingiriis ka si uu xogta u geeyo gacantiisa.
Wuxuu isla maalmihiiba ka goostay tackit diyaaraddii ugu horreysay ee u socotay London, wuxuuna tegey garoonka diyaaradaha si uu halkaas uga dhoofi. Laakiin nasiib darro sirdoonka Ciraaq ayaa waayadaasba ka shakisnaa oo daba socday.
Sirdoonka Ciraaq ayaa gacanta ku dhigay Farzad, waxayna si degdeg ah ugu kaxeeyeen xaruntoodii dhexe ee sirdoonka, halkaas oo baaritaan iyo su’aalo weydiin lagu bilaabay. Markii ay baareen boorsadiisii waxay ka heleen sawirro muujinaya burburkii gantaallada, iyo tijaabooyin carro/ciid ah oo uu ka soo qaaday goobtii uu qaraxu ka dhacay.
Markii la weydiiyay sababta uu xogtaas iyo carrada/ciidda u ururiyay? Farzad si toos ah ayuu uga jawaabay isagoo yiri “Waxaan u ururiyay si aan ugu gudbiyo sirdoonka Ingiriis ka.” Jawaabtaas ayaa keentay in si degdeg ah loo xiro, waxaana loo taxaabay xabsiga caanka ah ee Abu Qurayb, halkaas oo uu ku xirnaa muddo lix toddobaad ah.
Kadib intaas Farzad waxaa laga soo saaray xabsiga waxaana lagu soo bandhigay telefishinka qaranka Ciraaq, halkaas oo wareysi toos ah lagula yeeshay. Intii lagu guda jiray wareysigaas wuxuu si lama filaan ah ugu dhawaaqay qirashooyin culus isagoo sheegay inuu u shaqeeyo sirdoonka Ingiriis ka, sidoo kalena uu yahay jaajuus Israa’iil xogaha la wadaaga.
Markii la maqlay hadalladiisa, Madaxweyne Saddam Xuseen wuxuu isla markiiba amar ku bixiyay in maxkamad degdeg ah la saaro Farzad iyo kalkaalisadii ka caawisay gelitaanka goobta. Maxkamaddu waxay si degdeg ah ugu xukuntay Farzad dil — in la daldalo ilaa uu ka dhinto, halka kalkaalisadii ah lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah.
Xukin kii lagu riday Farzad wuxuu si weyn uga caraysiiyay dawlado badan oo reer galbeed ah, kuwaas oo si rasmi ah uga codsaday dowladda Ciraaq in la sii daayo. Xitaa ra'iisul wasaarihii Ingiriis ka xilligaas Margaret Thatcher iyo wasiir kii arrimaha dibadda Ingiriis ka ee xilligaas Douglas Hurd ayaa si gaar ah u dalbaday Saddam Xuseen in Farzad la cafiyo, iyagoo uga digtay in haddii la fuliyo xukunka, ay Ciraaq wajihi doonto cunaqabateyn adag oo caalami ah.
Laakiin Saddam Xuseen ma uusan siinin codsiyadooda wax tixgelin ah. Wuxuu kasoo muuqan jiray telefishinka qaranka Ciraaq, isagoo dhagaha ka furaystay dalabaadkaas, wuxuuna sheegi jiray in uusan marnaba ogolaan doonin in la farageliyo go’aamada maxkamadaha dalka.
Xukunkii dilka ee Farzad Bazoft waxaa la fuliyay 15/03/1990, hal maalin un kadib maxkamadeyntiisii degdegga ahayd. Kadib dilkiisa, meydkiisa waxaa lagu riday sanduuq alwaax ah waxaana loo diray Ingiriis ka, waxaana la raaciyay farriin uu Saddam Xuseen u diray Ra’iisul Wasaarihii Britain ee waqtigaas, Margaret Thatcher, oo loo yiqiinay “Haweeneyda Birta ah”.
Farriinta Saddam waxay ahayd:
“Waxaan u dirnay jaajuuskii Farzad Bazoft Haweeneyda Birta ah, si ay u fahanto sida ay run u yihiin go'aannadeennu.” - xogta sheegaysa in santuukh lagu riday meydkiisa farriintaas na uu Saadaam u diray Margaret Thatcher dad badan ayaa shaki ka muujiya. Waxay ku doodaan keliya in nin kaas la daldalay oo arrintiisu halkaas ku ekayd.
Si kastaba ha ahaatee, kadib markii Ciraaq burburay, Jeneraal Kadhim Askar oo mas’uulka ka ahaa kiis kii lagu qaaday Farzad ayaa yiri "Farzad wuxuu ahaa qof aan waxba galabsan, wuxuuna ku qasbanaaday inuu qirto in uu yahay jaasuus."
Ilaa maanta lama hayo xaqiiqda buuxda ee ku saabsan kiiska Farzad Bazoft. Intani waa wara kii warbaahintii Ciraaq iyo tii caalam ku qoraysay intii arrintiisu socotay.