CSTV CODKA SARRE: Isha wararka degdegga ah iyo sheekooyinka ay dadka ka hadlayaan — warbaahin toos ah oo la jaanqaadaysa waqtiga.
(1)

29/08/2025

Waxay ka cabanayaan dhulkii dowladu ka barakicisay…

Ku soo biir boggeena SUBSTACK
21/08/2025

Ku soo biir boggeena SUBSTACK

Dacwad-oogayaasha Jarmalka ayaa sheegay in nin u dhashay Ukraine lagu xidhay Talyaaniga, iyadoo lagu tuhunsan yahay inuu qarxiyay dhuumaha gaaska ee Nord Stream ee hoos mara Badda Baltic, bilo kadib markii Ruushku bilaabay duullaanka buuxa ee Ukraine sanadkii 2022.

23/07/2025

Puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay markabkii siday Hubka.

-Garoowe

22/07/2025

Deg Deg. Abdirashiid janan oo ka hadlaya dagaalkii maanta.

22/07/2025

Maxay diideen Odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah?

22/07/2025

Taliyaha Guutada 23-aad, Gaashaanle dhexe Aadan Jeelle Cali “Gunnimo geeri ayaa ka roon waa in aan iska celinnaa khawaarijta, una diyaar garownaa dagaalka ka dhanka ah cadawgaas.”

Dowladda Federaalka oo si adag u cambaaraysay weerarkii Beledxaawo
22/07/2025

Dowladda Federaalka oo si adag u cambaaraysay weerarkii Beledxaawo

“Waxan aad uga cabsanayaa in qaar inaga mid ah Shayaadiin nagu noqdaan. Dalkaan waa in sheydaanka laga naaraa“ Xamse Cab...
22/07/2025

“Waxan aad uga cabsanayaa in qaar inaga mid ah Shayaadiin nagu noqdaan. Dalkaan waa in sheydaanka laga naaraa“ Xamse Cabdi Barre.

UUNICEF oo Digniin Culus Kasoo Saartay Gaajo Halis ah oo Carruurta Gaza ku Haysata: “macluushaan waa Musiibo Dad Sameeye...
22/07/2025

UUNICEF oo Digniin Culus Kasoo Saartay Gaajo Halis ah oo Carruurta Gaza ku Haysata: “macluushaan waa Musiibo Dad Sameeyeen”

“Seexashada Qaldan: Xaalad Lagu Seexdo oo Si Qarsoodi ah noloshaad u dileysa”Waxaa laga yaabaa inaad u malaynayso in hab...
21/07/2025

“Seexashada Qaldan: Xaalad Lagu Seexdo oo Si Qarsoodi ah noloshaad u dileysa”

Waxaa laga yaabaa inaad u malaynayso in habka aad u seexato uu yahay arrin sahlan uun, dabeecad jirkaaga iska yeeshay ama mid raaxo kuu ah. Laakiin cilmi baarayaal ayaa hadda sheegay in xitaa qaabka aad u jiifto uu leeyahay awood uu kugu waxyeelleeyo — si tartiib ah, haddana si xanuun leh.

Qof kasta wuu seexdaa Waa baahi bani’aadamnimo, Balse ma ogtahay in qaabka aad u seexato uu sababi karo xanuunada qoorta, culays maskaxeed, cadaadis gudaha jirka ah iyo xitaa arrimo la xiriira neefsiga iyo wareegga dhiigga?

Halista Jiifka Xabadka iyo Saameyntiisa:

Jiifka xabadka waa midka ugu halista badan marka loo eego cudurada la xiriira qoorta iyo laf dhabarta. Cadaadiska uu saaro xangullaha, sambabada, iyo wadnaha ayaa sababa hurdo aan degganayn. Dhaqdhaqaaq la’aanta muddada dheer waxay carqaladaynaysaa wareegga dhiigga taasoo keenta madax xanuun, daal joogto ah, iyo mararka qaar xusuus la’aan fudud.

Daraasad cusub oo lagu daabacay The Telegraph ayaa muujisay in dadka seexda iyaga oo xabadka u jiifa ay khatar gaar ah ugu jiraan in hurdo aan tayo lahayn ay sababto hoos u dhac ku yimaada shaqada maskaxda iyo difaaca jirka.

Balse Su’aashu Waa: Maxaa La Gudboon?

Habka ugu caafimaadka badan ee loo seexdo waa jiifka dhinaca midig, iyadoo jilibka yar la laabayo iyo barkin yar oo lugta hoosteeda la dhigayo.

Habkaan wuxuu wanaajiyaa neefsiga, wareegga dhiigga, iyo raaxada maskaxda. Dadka qaba xanuunada caloosha ama wadnaha ayaa si gaar ah uga faa’iideysta.


Diyaarinta: Mohamed Abukar Ali
© CSTV | Warbixinnada Dareenka Taabata

Waxaa lagu talinayaa in warbixintan la faafiyo si bulshada looga wacyi geliyo halista jiifka xun.
🛏️💤🧠


Soomaaliya oo Si Kulul u Diidday Ka-Qaybgalka Itoobiya ee Dhoolatus Ciidan Badeed – “Ma Aqbalayno Dal Aan Lahayn Xeeb!”M...
21/07/2025

Soomaaliya oo Si Kulul u Diidday Ka-Qaybgalka Itoobiya ee Dhoolatus Ciidan Badeed – “Ma Aqbalayno Dal Aan Lahayn Xeeb!”

MUQDISHO — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diidday codsi uga yimid Itoobiya, kaasoo ahaa in ay ka qayb gasho dhoolatus ciidan badeed oo lagu qabanayo biyaha Soomaaliya, iyadoo arrintaas ku sheegtay ku xadgudub madaxbannaanida badda Soomaaliyeed iyo jebinta xeerarka caalamiga ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa yiri:

“Ma aqbalayno in dal aan lahayn xeeb uu ka hawlgalo biyaha Soomaaliya. Soomaaliya waxay leedahay madax-bannaani buuxda oo ku saabsan dhulkeeda, cirka, iyo badda.”

❓Su’aal:
Ma kula tahay in Soomaaliya si cad u difaacday baddeda iyo madaxbannaanideeda?
Sidee bay beesha caalamku uga falcelin doontaa arrintan?👇

🚨 DEG-DEG: Puntland oo ku dhawaaqday in markabka SEA WORLD uu si sharci-darro ah u soo galay biyaha Puntland.Maamulka Pu...
20/07/2025

🚨 DEG-DEG: Puntland oo ku dhawaaqday in markabka SEA WORLD uu si sharci-darro ah u soo galay biyaha Puntland.

Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in markab hub siday oo lagu magacaabo SEA WORLD uu muddo laba maalmood ah si sharci-darro ah ugu sugnaa xeebaha magaalada Bareeda, iyadoo aan wax dalab caawimaad ah laga helin.

Wasaaradda Warfaafinta Puntland waxay sheegtay in markabku jebiyay xeerarka caalamiga ah ee badda (UNCLOS qodobka 19aad), islamarkaana uu ku sugnaa aagga dagaalka ee lagula jiro kooxaha argagixisada, taasoo khatar hor leh gelisay xasilloonida gobolka.

Warsaxaafadeedka Puntland wuxuu si cad u tilmaamay in marka baaritaanku dhamaado, dadkii ka dambeeyay xadgudubka markabkan lala xisaabtami doono si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

❗ Maxay kula tahay?
Tallaabada Puntland ma ka hor imaanaysaa sharciga biyaha soomaaliya, yaa ma duul ka ah badda soomaaliya?



Address

London

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when CSTV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share