
14/08/2025
Dagaal u dhexeeya dadweynaha ku dhaqan xaafadda Tarabuunka ee magaalada Muqdisho iyo ciidanka dawladda Soomaaliya ayaa saaka ka qarxay aagga garoonkii Horseed ee degmada Hodan halkaas oo xukuumadda Xasan Sheekh ay doonayso in ay ka rarto dadkii degganaa dhulka danta guud.
Dagaalkan oo qarxay saaka subaxdii h**e ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac iyada oo laysu adeegsaday hubkaa noocyadiisa kala duwan.
Xukuumadda Xasan Sheekh ayaa bilowday in dadka xoog lagaga raro xaafadaha ay deganayeen ee dhulka danta guud iyada oo dhulkaas laga iibinayo dad ganacsato ah iyo xubno ka mid ah dawladda Soomaaliya.