Galool Media

Galool Media Dar ilaahay Noola joog

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ๐Œ๐. ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐’๐š๐ฅ๐ž๐ž๐›๐š๐š๐ง, oo uu weheliyo Agaa...
27/09/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ๐Œ๐. ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐’๐š๐ฅ๐ž๐ž๐›๐š๐š๐ง, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda ๐Œ๐. ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฑ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐‚๐š๐›๐๐ข, ayaa guddoomiyey kulan laba-geesood ah oo ay labada Wasaaradood ku yeesheen Xarunta-dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta iyo kor-u-qaadista adeegsiga nidaamka ๐จ๐ง๐ฅ๐ข๐ง๐ž-๐ค๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ช๐š๐›๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐จ๐จ๐๐š ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐ง๐จ๐จ๐ญ๐š๐š๐ฒ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š, si loo horumariyo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo fududaynta habraacyada la xidhiidha dakhliga nootaayooyinka.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta hayโ€™addaha, loona horumarin lahaa nidaamka dijitaalka ah ee lagu maamulayo dakhliga nootaayooyinka, gaar ahaan marka la kala wareejinayo ๐ก๐š๐ง๐ญ๐ข๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฆ๐š-๐ ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐๐š ๐š๐ก.

Gabagabadii kulanka, labada Wasaaradood ayaa kala saxeexday ๐‡๐š๐›๐ซ๐š๐š๐œ ๐–๐š๐๐š-๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐ฒ๐ง๐ž๐ž๐ oo qeexaya sida loo maaraynayo loona hirgelinayo nidaamka online-ka ah ee qabashada dakhliga nootaayooyinka. Habraacan ayaa muhiim u noqon doona xoojinta isku-xidhka labada Wasaaraddood, hufnaanta dakhli-qabashada iyo casriyeynta adeegyada la xidhiidha kala-wareejinta hantida guurtada iyo ma-guurtada ah.

26/09/2026

Maxay Tahay Fariinta Warsangeli ee Shirkii Ceerigaabo

26/09/2026

DEG DEG: "Boqor Dhulka wixii nagu dheeraad ah waa idinku soo dhaweynaynaa" Boqor Maxamed Nuux

26/09/2026

DEG DEG: Goaankii Shidan iyo Waqderiya ee Beelaha Warsengeli iyo Muuse ismaaciil oo Guurtidu ku dhawaaqday.

26/09/2026

Ugaaska Samaroon Wuxuu Nagu Yidhi Anigu Dagaalka Kumaan Baaqin Ee Markuu Walaalkay ........

23/09/2026

Ciidanka Waqooyi Bari oo Fariin Hanjabaada U Diray Ganacsade Maxamed Jabuutaawi

23/09/2026

Maxamed Jabuutaawi oo U Gardhigtay Dhulbahante Yaa U Garqaadi Doona Labadooda

23/09/2026

Goobta Lagu Mudaharadaayo Ee Dalka Maraykanka Ayaa Haddal
Xisbiga Waddani Shaaciyay

Waxaad Muqaalkan Ka Daawata Dhacdadan
22/09/2026

Waxaad Muqaalkan Ka Daawata Dhacdadan

Unveiling Ceelsheekh News: Unraveling the Hidden Stories Welcome to...

Edna Aadan Ismaaciil waa kalkaaliso iyo umuliso caan ah oo reer Somaliland ah, sidoo kalena h**e uga soo shaqaysay Ururk...
21/09/2026

Edna Aadan Ismaaciil waa kalkaaliso iyo umuliso caan ah oo reer Somaliland ah, sidoo kalena h**e uga soo shaqaysay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO). Shaqadeeda iyo dadaalkeedu waxay si gaar ah diiradda u saareen horumarinta daryeelka caafimaadka hooyada iyo Dhalaanka
Kadib markii ay soo gabagabaysay shaqadeedii WHO, waxay iibisay hantideedii gaarka ahayd, waxayna dhaqaalaheeda u isticmaashay sidii ay uga qayb qaadan lahayd aasaaska Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Edna Aadan ee Hargeysa, Somaliland. Isbitaalku wuxuu furmay sannadkii 2002, waxaana markii dambe la ballaariyay hawlihiisa, iyadoo lagu daray tababarka xirfadlayaasha caafimaadka, oo ay ka mid yihiin kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo umulisooyinka.
Isbitaalka ayaa la sheegay inuu adeegyo daryeelka hooyada siiyay kumannaan haween ah. Sida lagu sheegay warbixin uu bixiyay Templeton Prize, in ka badan 30,000 carruur ah ayaa si nabad ah loogu dhalay isbitaalkaas.

Address

9 North Twelfth Street
Milton Keynes Village
MK93BS

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Galool Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share