Galool Tv

Galool Tv Dar ilaahay Noola joog

13/08/2025

Ciidanka Booliska Oo Qabtay Xashiishada Ugu Badan

13/08/2025

Xisbiga Kulmiye Ayaa Hadda Sheegay Waxii Keenay Khilaafki Ka Dhex Qarxay

13/08/2025

“Waxaan Bixinayaa Dhulkii Saxarada iyo Bilaacadaha Hargeysa Lagu Shubi lahaa” Suldaan Maxamed.

13/08/2025

"Beesha Garxajis E Aanu Tolka Nahay Waxaan Leeyahay Mushahrkii isiiyaa Aad iga Jarteen"Jaamac Hiilac

13/08/2025

4 Jaamacadood oo Hargeisa Ku Yaala Oo La Xidhay

Safiirkii dalka Jamhuuriyadda Somaliland h**e ugu fadhiyey dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya Ambassador Baashe Cawil ...
13/08/2025

Safiirkii dalka Jamhuuriyadda Somaliland h**e ugu fadhiyey dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya Ambassador Baashe Cawil Cumar, ayaa ka hadlay iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee dhexmari kara dalalka Somaliland iyo Maraykanka, isagoo rajo fiican ka muujiyey hadalkii ka soo baxay Madaxweynaha Maraykanka ee ahaa inuu eegi doono qaddiyadda Somaliland.

Ambassador Baashe Cawil Cumar oo maanta waraysi siiyey World Business Report ee BBC World Service, waxa uu yidhi; “Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu aqoonsiga madaxbannaanidiisa raadinayey ilaa sannadkii 1991-kii, taasi oo ah muddo haatan laga joogo 34 sanno oo runtii ah muddo aad u dheer in dalku uu aqoonsi caalami ah sugo.

Hadalka ka soo baxay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee uu ku sheegay inuu eegi doono qaddiyadda Somaliland, taasina qiimo weyn ayey u leedahay reer Somaliland.”

Waxa kaloo uu intaasi ku daray in dalka Somaliland uu hodan ku yahay khayraad dabiici ah oo ay ka mid yihiin shidaal iyo macdano kala duwan oo ay ka faa’iidaysigooda iska kaashan karaan dalalka Somaliland iyo Maraykanku, isagoo xusay in ka hor burburkii Soomaaliya ay shirkado laga leeyahay Maraykanku shidaal soo saaris ka wadeen qaybo ka mid ah Somaliland.

“Waxa kaloo jira in daraasado la sameeyey lagu ogaaday in Somaliland ay leedahay macdano aad u badan oo ay ka mid tahay macdanta qaaliga ah ee Lithium, fursadahaasi badan oo dhamina waxay yihiin fursado soo jiidanaya inay dalka yimaadaan shirkadaha Maraykanka iyo kuwa kale ee caalamkuba oo ay maalgashi ku samayn karaan, maadaama oo uu dalka Somaliland yahay mid nabadgelyo ah, dimuqraadiya oo degen, waana fursadaha aannu Maraykanka ku soo jiidan karno, iyadoo ay Somaliland h**e u maalgashadeen dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta oo lacag ka badan $442 milyan oo dollar ku maalgeliyey dekedda Berbera, waxaana doonaynaa in aannu helno dalal kale oo maalgashigaas oo kale ku samayn kara Somaliland.

Dalka Somaliland waxa uu bixinayaa oo uu diyaar u yahay maaha Maraykanka oo qudha, balse Beesha Caalamka in uu qayb ka noqdo xalalka mashaakilaadka jira oo dhan, taasina waa waxyaabaha aanu kula shaqayn karno Maraykanka, lagana wada-xaajoon karo. Waxa kaloo ay Somaliland leedahay xeeb dheer oo 850km, waanan ognahay inuu jiro tartan u dhexeeya Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka oo Afrika la xidhiidha, waxayna Somaliland u haysaa Maraykanka waa inuu joogitaan ammaan ah ka heli doono marin-ganacsiyeedka muhiimka ee xidhiidhsan Gacanka Caddan, Baabul-Mandab ilaa Badda Cas,” ayuu yidhi Ambassador Baashe Cawil Cumar.

Djabouti, China iyo Soomaaliya oo Iskakaashanaya xagaldaacinta Aqoonsiga Somaliland!Dawladaha Soomaaliya iyo Djabouti oo...
13/08/2025

Djabouti, China iyo Soomaaliya oo Iska
kaashanaya xagal
daacinta Aqoonsiga Somaliland!

Dawladaha Soomaaliya iyo Djabouti oo kaashanaya Dalka Shiinaha ayaa la sheegay in ay wadaan qorshe lagu carqaladaynayo Aqoonsiga Somaliland oo ay hormuud u tahay Dawladda Maraykanku.

Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump oo meel Fagaare ah Markii Ugu h**eysay lagu waydiiyay Qorshihiisa Aqoonsiga Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay Arrimahaasi ka shaqaynayaan.

Hadaba Dublamaasi u dhashay Dalka Maraykanka Oo La yidhaahdo Erik Durneika, ahna qoraa iyo Falanqeeye Arrimaha Siyaasada ayaa sheegay in Dawladaha Soomaaliya iyo Djabouti oo gacan ka helaya China ay ku hawlan yihiin wax Kasta oo liddi ku ah Aqoonsiga Somaliland in ay ku dhaqaaqaan “Somalia iyo Jabuuti waxay la shaqeynayaan Shiinaha si ay u wiiqaan Somaliland.

Shacabka Somaliland way iska caabin doonaan, laakiin aqoonsi la’aanta caalamiga ah waxay wadataa dhibaatooyin dheeraad ah” ayuu yidhi.

China Waxa uu la coloobay Soomaaliland, ka dib markii ay Hargeysa Iyo Taipei (Taiwan) ay heshiis ku gaadheen in ay yeeshaan xidhiidh.

Taiwan Waa dal ka go’ay China kuwaas oo Madax banaanidooda
Ku dhawaaqay 1912kii, halka Somaliland ay dib ugala soo noqotay Soomaaliya Madax banaanideeda 1991kii ka dib markii ay Dalka Ingiriiska Xornimadii ay ka qaadatay 1960 ay afar Maalmood ka dib ay isku biireen Soomaaliya oo iyana Talyaaniga ka qaadatay xorrnimada.

China Waxa uu ku eedeeyay Somaliland in ay faro gelin ku hayso dalkaasi, taas oo ay marar badan Somaliland Beenisay.

Somalia ayaa iyana weli Dabo taagan Somaliland oo dhawr iyo sodon sano gaarkeeda u taagnayd, hasayeeshee Waxa ay hada u muuqataa mid Samir weheshan doonta, maadaama ay Arrimuhu Intii h**e ka culus yihiin, Somaliland iyo Shacabkeedana uu hadda u muuqdo aqoonsigii.

Djabouti ayaa iyana u aragta aqoonsi ay Somaliland heshaa in ay tahay quwad kale oo wiiqaysa Dalkaasi, maadaama aanay siyaasadiisa iyo dhaqaaluhuba aanay ahayn kuwo furfuran, balse ku kooban gacanta Qoyska Madaxweyne Geelle oo ku dhawaad sodon sano dalkaasi Madaxweyne ka ah.

Dawladda Maraykanka ayaa iyana Markan u aragta Somaliland in ay tahay meel ay aduunka Kala socon karto, kulana tartami karto China oo isna isku balaadhinaya Afrika.

Si Kastaba ha ahaatee saddexdan dal
Ayaa ah kuwo ay isu keentay cadaawada ay caloosha ugu hayaan Somaliland iyo shacabkeeda.

Ma Aqbalayno In Degmada Macalin Haaruun loo Soo Rarao Saxarada Hargeysa!"Qoraal kooban oo aan kaga hadli doono warshada ...
13/08/2025

Ma Aqbalayno In Degmada Macalin Haaruun loo Soo Rarao Saxarada Hargeysa!

"Qoraal kooban oo aan kaga hadli doono warshada qashinka qoyan ee baryahanba hadalkeedu taagnaa"

Waxa aynu is yara dul_taagaynaa ama yara qodobayn doonaa sidda ay ku timi iyo cidda waday,

Qodobka:
1aad qolo jarmal ah oo wakaalada biyaha kala shaqaynaysay biyo balaadhinta Hargeysa ayay (proposal) ku saabsan qashinka magaalada waxa u gudbisay dawladda hoose oo wakhtigaa uu maayir ka ahaa Soltelco, ka dib dawladda hoose waxa ay wakhtigaa bixisay dhulka, ka dib maayir soltelco oo ah maayirkii wakhtigaa iyo maxamed cali darood oo ah mareeyaha wakaalada ayaa hawshii h**e ka dhagax dhigay iyagoo wata qoladii mashruuca fulinaysay,

Qodobka: 2aad
waxa sidda hadda ina soo gaadhay mashruucan laga soo raray laba meelood oo h**e oo sidda la sheegay kala ah galbeedka magalada hargeisa iyo waqooyiga magalada hargeisa,
Iyadoo goobihii laga soo raray loogu bedalay,
Biyo xidheeno waa wayn oo lagu sheegay in ay kayd u yihiin wakaalada biyaha,

Qodobka:3aad
Waxa si badheedh ah loogu asteeyay in mashruucii intaas oo meelood laga soo raray in laga dhigo degmada axmed macalin haruun badhtankeeda oo walibana ah bilicdii magalada iyo tii xaafada intaba,
Ku darsoo degmada axmed macalin haaruun iyada iska daa in kaydad laga sameeyee waxa aan la gaadhsiin kuwa qasabada oo waa oomane ay booyaduhu is waydaranayaan,

Qodobka:4aad
Inanka wakaalada iyo inankii wakhtigaa maayirka ahaa,
Waxa ay dagaal badheedh ah ku soo qaadeen degmada Macalin Haaruun oo ah degmooyinka magalada hargeisa kaalinta 1aad ama labaad kaga jira koriinka magalada Hargeisa,
Si uu koriinkeedu u joogsado halkii ay ku fidaysay ayaa warshada waxyeelada ay leedahay la wada ogyahay ka sameeyeen si ayna xaafadaasi u korin inta hadda la deganyahana looga guuro,

Qodobka:5aad
Gabagabada imaka iyo haatanna hawshaasi waa mid aan soconayn oo bulshadii deegaankaasi ku baraarugtay,

Xukumaddan hadda joogta oo uu hogaaminayo madaxwayne cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi Cabdiraxmaan Cirro
Oo ah madaxwayne hayin ah oo bulshadiisa wixii waxyeelo u keenaya aan u ogolayna, waxa aan kalsooni buuxda ka qabaa in uuna inagu sii daynahayn oo uu sidda aynu rabno uu uga jawaabayo,
Bulshada deegaankaasna waxa aan leeyahay
Waynu ka guulaysanaynaa qof kasta oo isku daya in uu deegaankeena dalxiiska ku wacan u soo tafaxayta in uu fool_xumeeyo." Axmed Maxamud Xirsi

13/08/2025

Libaan Caddaala Walaashii Oo U Dharatay Cismaan Cumar Dool

12/08/2025

Siyaasiinta Somaliya Yaaney Noqon Tukihii Caanaha Uu Cabi Karaayey Daadiyey

12/08/2025

Maxaa ka soo Kordhay Dagaalkii Balad Xaawo

11/08/2025

Xogtii Ugu Danbaysay Ee Dagaalkii balad Xaawa

Address

Milton Keynes

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Galool Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share