Somalifair Media Group

Somalifair Media Group Get the latest from Somalifair News & Entertainment Network: breaking news, views and analysis that reshapes how we consume news, events and entertainment.

24/04/2026

Jiilka Cusub ee Jamhuuriyadda Barakaysan.💜🧡💜💎

18/04/2026

U diyaargarawga Munaasibadda barakaysan ee 18May.

12/04/2026

Doorashadii Jabuuti ka dhacday mid noocee ah ayay ahayd iyada oo Faahfaahsan Comments-ka ugu h**eeya kaga bogo.

Hanbalyo iyo Bogaadin Maalinta Qaranimada Somaliland – 18 MayAniga oo ah Abdihakim M Abdirahman, waxa aan hambalyo iyo b...
18/05/2025

Hanbalyo iyo Bogaadin Maalinta Qaranimada Somaliland – 18 May

Aniga oo ah Abdihakim M Abdirahman, waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabka sharafta leh ee reer Somaliland, munaasabadda qiimaha badan ee 18 May awgeed.

18 May waa maalin qaran oo xasuus iyo xus gaar ah leh. Waa maalin milgo iyo maamuus inoo leh, maalin ay shacabka Somaliland si midnimo iyo go’aan adag ku muujiyeen rabitaankooda ku aaddan in ay dib u xaqiijiyaan qaranimadoodii, gobonimadoodii, iyo madaxbannaanidoodii ay iska soo xoreeyeen xilligii gumaysiga.

Waa maalin aynu dib u milicsanno taariikhdeeni xanuunka lahayd ee ay la kulantay Somaliland kadib midowgii aan laga fiirsan ee lala galay Soomaaliya 1960-kii. Midowgiias oo horseeday dhibaatooyin badan, kuna dhamaaday burbur, xasuuq, iyo tacadiyo ay shacabka reer Somaliland si geesinimo leh uga soo kabteen.
18 May waa maalinta aynu si rasmi ah ugu dhawaaqnay gooni-isu-taagga Somaliland sannadkii 1991, ka dib halgan dheer oo naf iyo maalba ku baxay. Waa maalin astaan u ah adkaysiga, dulqaadka, iyo midnimada shacabka Somaliland, sidoo kalena ay ku suntan tahay horumarka, nabadda iyo dimoqraadiyadda ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan mar labaad u dirayaa dhamaan shacabka Somaliland iyo madaxda qarankaba hambalyo ku aaddan maalintan taariikhiga ah. Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu nabadda iyo horumarka inoo siyaadiyo, dawladnimadeenana adkeeyo, si loo xaqiijiyo hammiga shacabka iyo aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland mudan tahay.

Guul iyo Gobonimo!
Hambalyo 18 May!
Long Live Somaliland

30/12/2024

*11 Maalmood Oo Sawirkii Madaxtooyaddu Isku Badelay Muuqaal La Mid Ah Kii Muuse Biixi Ee 7-da Sano Soo Dhismaayey*

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland mudane, Cabdiraxmaan Cirro iyo wasiirka madaxtooyadda ee uu u cugtay hogaaminta wasaaradda ayaa durba dheeli aan loo meel eegin ku dardar geliyey nidaamkii shaqada ee madaxtooyadda. Tusaale madaxweynaha oo ah muraayadda qaranka iyo wasiirka madaxtooyadda oo ah wasiirka ugu awooda badan golaha wasiiradda ayaa isku beel ka soo wada jeeda (*Garxajis*) waxaa intaas raaca Cheif of staff-ka xafiiska madaxweynaha oo isla beeshaas ah, qofka ugu sareeya maamulka shaqaalaha oo isna ah jifada hoose ee Cabdiraxmaan Cirro, iyo maamulka iyo lacagta oo hada lala cumaamadayo isla beesha madaxweynaha ee hoose. Shaqaale cusub oo banaanka la keenay ayaa laga door biday saddex boqol oo shaqaale joogto ka ah, kuwaas oo khibrad ahaan iyo aqoon ahaan buuxin kara boos kasta oo looga baahdo madaxtooyadda.

11-ka maalmood ee la soo dhaafay waxaa jirta xukumad kale oo aan ahayn mida uu Cabdraxmaan Cirro hagaayo oo laga maamulaayo albaabo kale, waxa awooda xilalka hoos ee xukumadda ku dagaalamaya gudoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan iyo wasiirka Madaxtooyadda Khadar Xuseen Cabdi, waxay durba ku muujiyeen awoodaas, golaha wasiiradda oo xoghaynta 1aad uu keenay Xirsi, halka xisaabiyaha madaxtooyadda uu wasiir Khadar Xuseen miiska soo dhigay wiilka aynu habyntiisa xaga sare ku soo sheegnay.

Todobadii sano ee Muuse Biixi dalka haystay waxaa isku fuuqsaday saamiga indho beelka lagu qaybsanayo ee ka dhex socda aqalka waddanka looga arrimiyo. Bal waxa aad sii sawirataa iyada oo kala badh la gaadhay mudo xileedka madaxweyne Cirro waddanku sida uu u eekaan doono?
Mr. xogogaal.

06/03/2023
06/03/2023

Waa maxay Bitcoin?

06/03/2023

Sidee ayaa loo maal gashadaa cryptocurreny.

Calaf iyo Cugasho: Cashar iyo TaariikhBuugga Calaf iyo Cugasho waa taariikh cajeb leh oo ka soo bilaabantay wiil iyo gab...
19/06/2022

Calaf iyo Cugasho: Cashar iyo Taariikh

Buugga Calaf iyo Cugasho waa taariikh cajeb leh oo ka soo bilaabantay wiil iyo gabadh dhallinyaro ah oo isku fasal jaamicadeed ahaa. Waa sannadkii 1990-kii iyo jaamicadda Lafoole, Muqdisho. Isbarashadoodu mid guud oo ardaynimo ama walaalnimo ayay ku koobnayd waagaas. Ha se ahaatee, shan sano ka dib ayay mucjisooyin dhawr ahi dhacayaan; waa marxalado qaxoontinnimo, tahriib iyo dhacdooyin qariib ah oo aan midkood h**e ugu sii tashan.

Qoraha sheekadan oo ah wiilkii ardayga ahaa dhacdooyinkaa qaybta ahaa ayaa si qiiro iyo qaayaba leh innoogu warramaya. Maxamuud Ibraahim Jaamac oo “Xaaji” loo yaqaan ayaa ah qoraha iyo goobjoogaha casharkan taariikheed. Layaabku ma aha in laba qof is barteen, ka dibna xaalado jiray daraaddood waayuhu kala lumiyeen ama mar dambe ku kulmiyeen, waa se dersi weyn oo ku jira wixii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee qabriga geeyay dalkii iyo dawladdii Soomaaliya la odhan jiray.

https://www.somalifairmedia.com/calaf-iyo-cugasho-cashar-iyo-taariikh/

Address

Perivale

Opening Hours

Monday 10am - 5pm
Tuesday 10am - 7pm
Wednesday 10am - 5pm
Thursday 9am - 7pm
Friday 10am - 5pm
Saturday 9am - 5pm
Sunday 11am - 5pm

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somalifair Media Group posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somalifair Media Group:

Shortcuts

Share