
18/05/2025
Hanbalyo iyo Bogaadin Maalinta Qaranimada Somaliland – 18 May
Aniga oo ah Abdihakim M Abdirahman, waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabka sharafta leh ee reer Somaliland, munaasabadda qiimaha badan ee 18 May awgeed.
18 May waa maalin qaran oo xasuus iyo xus gaar ah leh. Waa maalin milgo iyo maamuus inoo leh, maalin ay shacabka Somaliland si midnimo iyo go’aan adag ku muujiyeen rabitaankooda ku aaddan in ay dib u xaqiijiyaan qaranimadoodii, gobonimadoodii, iyo madaxbannaanidoodii ay iska soo xoreeyeen xilligii gumaysiga.
Waa maalin aynu dib u milicsanno taariikhdeeni xanuunka lahayd ee ay la kulantay Somaliland kadib midowgii aan laga fiirsan ee lala galay Soomaaliya 1960-kii. Midowgiias oo horseeday dhibaatooyin badan, kuna dhamaaday burbur, xasuuq, iyo tacadiyo ay shacabka reer Somaliland si geesinimo leh uga soo kabteen.
18 May waa maalinta aynu si rasmi ah ugu dhawaaqnay gooni-isu-taagga Somaliland sannadkii 1991, ka dib halgan dheer oo naf iyo maalba ku baxay. Waa maalin astaan u ah adkaysiga, dulqaadka, iyo midnimada shacabka Somaliland, sidoo kalena ay ku suntan tahay horumarka, nabadda iyo dimoqraadiyadda ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan mar labaad u dirayaa dhamaan shacabka Somaliland iyo madaxda qarankaba hambalyo ku aaddan maalintan taariikhiga ah. Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu nabadda iyo horumarka inoo siyaadiyo, dawladnimadeenana adkeeyo, si loo xaqiijiyo hammiga shacabka iyo aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland mudan tahay.
Guul iyo Gobonimo!
Hambalyo 18 May!
Long Live Somaliland