Guutada 54aad Ee Xooga soomliyeed.

Guutada 54aad Ee Xooga soomliyeed. Taliska Qaybta 54aad CXDS

02/09/2026

Jugta culus iyo Xero-Ligle.

02/09/2026

Beesha Biciidyahan ayaa caddeysay inay garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo muujisay taageero ku aaddan dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dowladnimada dalka.

Waxaan soo dhaweynaynaa cid kasta oo nagu soo biiraysa, waxaana ku faraxsanahay garab istaagga iyo taageerada ay noo muujinayaan. 🇸🇴

29/08/2026

WAR-SAXAAFADEED

GUUTADA 54AAD 00 QAYB KA QAADATAY HOWLGALKII LAGU SOO FURTAY MARKABKA MV LATUE

Garoowe 29 Agoosto, 2026: Ciidamada Guutada 54aad ee Ciidanka

Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo fadhigeedu yahay magaalada Garoowe, ayaa qayb ka ahaa howlgal wadajir ah oo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Badda Turkiga ku soo furteen markabka MV LATUE, kaas oo burcad-badeeddu afduubteen 17-kii Agoosto 2026.

Howlgalkan oo si qorsheysan u dhacay ayaa socday muddo ku dhow 10 saacadood, waxaana si guul ah loogu soo afjaray afduubkii markabka, iyadoo ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen markabka iyo xaaladdiisa amni.

Intii howlgalka uu socday waxaa lagu burburiyey afar doon on ay burcad-badeeddu adeegsantayeen, halka 14 ka mid ah burcad-badeedka la qabtay oo maxkamad la soo taagi doono.

Howlgalkani wuxuu mar kale muujinayaa iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyo dadaallada joogtada ah ee legu ciribtirayo burcad-badeedda, ilaalinta xeebaha Soomaaliya, iyo sugidda amniga marin-badda caalamiga ah.

Guutada 54aad waxay sii wadi doontaa gudashada waajibaadka qaran ee loo ligmaday, iyada oo garab taagah shacabka Soomaaliyeed ee doomaya nabad, amni iyo horumar.

WAR-SAXAAFADEED★GUUTADA 54AAD 00 QAYB KA QAADATAY HOWLGALKII LAGU SOO FURTAY MARKABKA MV LATUEGaroowe 29 Agoosto, 2026: ...
29/08/2026

WAR-SAXAAFADEED

★

GUUTADA 54AAD 00 QAYB KA QAADATAY HOWLGALKII LAGU SOO FURTAY MARKABKA MV LATUE

Garoowe 29 Agoosto, 2026: Ciidamada Guutada 54aad ee Ciidanka

Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo fadhigeedu yahay magaalada Garoowe, ayaa qayb ka ahaa howlgal wadajir ah oo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Badda Turkiga ku soo furteen markabka MV LATUE, kaas oo burcad-badeeddu afduubteen 17-kii Agoosto 2026.

Howlgalkan oo si qorsheysan u dhacay ayaa socday muddo ku dhow 10 saacadood, waxaana si guul ah loogu soo afjaray afduubkii markabka, iyadoo ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen markabka iyo xaaladdiisa amni.

Intii howlgalka uu socday waxaa lagu burburiyey afar doon on ay burcad-badeeddu adeegsantayeen, halka 14 ka mid ah burcad-badeedka la qabtay oo maxkamad la soo taagi doono.

Howlgalkani wuxuu mar kale muujinayaa iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyo dadaallada joogtada ah ee legu ciribtirayo burcad-badeedda, ilaalinta xeebaha Soomaaliya, iyo sugidda amniga marin-badda caalamiga ah.

Guutada 54aad waxay sii wadi doontaa gudashada waajibaadka qaran ee loo ligmaday, iyada oo garab taagah shacabka Soomaaliyeed ee doomaya nabad, amni iyo horumar.

26/08/2026

Taliska Guutada 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee Deegaannada Puntland, isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ilaalinta amniga, nidaamka iyo xuquuqda muwaadiniinta, wuxuu si dhow ula socdaa xaaladda murugada leh ee ka taagan magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ka billowdeen falal naxdin leh oo la xiriira dhul-boob baahsan oo lagu hayo hantidii dadweynaha iyo midda guud.

Haddaba, Talisku wuxuu digniin adag u dirayaa Maamulka iyo Dowlad Goboleedka Puntland, isagoo uga digaya cawaaqib-xumada ka dhalan karta dhul-boobkaas sharci-darrada ah ee ka billowday magaalada Boosaaso. Waxaan ugu baaqaynaa madaxda sare ee dowlad goboleedka inay si degdeg ah oo shuruud la'aan ah u soo farageliyaan arrintan, isla markaana ay si hufan ugu dhaqmaan xeerarka iyo shuruucda u degsan Puntland, si loo ilaaliyo xuquuqda asaasiga ah ee shacabka, loona hortago muran iyo xiisad dhuleed oo keeni karta ammaan-darro iyo iska-hor-imaad.

Taliska Guutada 54-aad wuxuu caddeynayaa, haddii si degdeg ah wax looga qaban waayo dhibaatadan oo aan la joojin xadgudubyada socda, inay si buuxda u garab taagan yihiin shacabka tabaaleysan iyo dadka dulman ee hantidooda la boobayo. Waxaan ku adkeysaneynaa in marnaba aan loo dulqaadan doonin in lagu xadgudbo xuquuqda iyo hantida gaarka ah ee muwaadiniinta, waxaana naga go'an inaan ilaalino nidaamka iyo cadaaladda.

Taliska Guutada 54-aad ee CXDS Deegaannada Puntland

WAR-SAXAAFADEED: BAAQ K-SAABSAN DHUL-BOОВКА КА BILLOWDAY MAGAALADA BOOSAASO.
26/08/2026

WAR-SAXAAFADEED: BAAQ K-SAABSAN DHUL-BOОВКА КА BILLOWDAY MAGAALADA BOOSAASO.

26/08/2026

53-aad ❌ 54-aad ✅

24/08/2026

Gen.jimcaale jaamac takar.

23/08/2026

Address

Xooga Dalka Soomaaliyeed
Larat
SNA

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guutada 54aad Ee Xooga soomliyeed. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Guutada 54aad Ee Xooga soomliyeed.:

Shortcuts

Share

Category