
17/07/2025
Warbaahinta Caalamka oo maalmahan hadal haysay Caafimaadka Donal Trump kadib calaamado lagu arkay gacmaha iyo cagaha oo bararary ayaa caawa Aqalka cad warkan ka soo saaray
Waxaan ogahay in warbaahinta badideeda ay ku mashquulsan yihiin ka hadalka nabarro iyo barar laga arkay gacanta Madaxweynaha iyo lugihiisa hoose. Sidaa darteed, si aan loo qarin xogta caafimaadka Madaxweynaha, Madaxweynaha wuxuu ii sheegay inaan idinla wadaago warqad uu qoray dhakhtarkiisa gaarka ah.
Toddobaadyadii u dambeeyay, Madaxweyne Trump wuxuu dareemay barar yar oo lugihiisa hoose ah. Si caadi ahna ah oo taxadar leh, dhakhaatiirta Aqalka Cad ayaa si buuxda u baaray arrintaas. Baaritaanno dhameystiran ayaa lagu sameeyay, oo ay kamid ahaayeen sawirro gaar ah oo lagu eegay xididdada dhiigga. Waxaa la sameeyay baaritaan la yiraahdo ‘Doppler ultrasound’ oo lagu eegay labada lug ee hoose, waxaana lagu ogaaday xaalad la yiraahdo ‘chronic venous insufficiency’ taas oo ah xaalad aan khatar lahayn oo badanaa ku timaadda dadka ka weyn 70 jirka.
Waxaa muhiim ah in la sheego in aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya xinjiro dhiig ah (deep vein thrombosis) ama cudur ku dhacay xididdada dhiigga. Waxaa sidoo kale la qaaday dhiig si loo sameeyo tijaabooyin badan, oo ay ku jiraan: tirada unugyada dhiigga, baaritaanka maadada jirka (metabolic panel), hab-dhiig-istaagga (coagulation), D-dimer, hormoonka wadnaha (BNP), iyo calaamadaha cudurrada wadnaha. Dhammaan natiijooyinkaas waxay ahaayeen kuwo caadi ah.
Waxaa kale oo la sameeyay baaritaan ‘echocardiogram’ ah oo lagu eegayo qaab-dhismeedka iyo shaqada wadnaha, waxaana la xaqiijiyay in wadnuhu yahay mid si fiican u shaqaynaya. Ma jirto calaamad muujinaysa in uu jiro xanuun wadne ah, kilyaha ama cudur guud oo jirka ah.”