Muktar Hassan Ibrahim

Muktar Hassan Ibrahim Waga Cusub Channel is to Establish Reports News Worldwide. We Presents Our News.

30/04/2024
Deg deg duledka Magalada Dadaab MeelUdhow warta Egay Gari loori ah ayay Miino lakacday Garigan aad ujedaan oo ka imaday ...
23/04/2024

Deg deg duledka Magalada Dadaab Meel
Udhow warta Egay Gari loori ah ayay Miino lakacday Garigan aad ujedaan oo ka imaday Dhanka xeryaha Qaxotiga ee Dadaab kuna sii jeeday Magalada Garissa ayaa la kacday Minada Dhulka lagu aaso waxaana Gariga Soo garay Burbur xoogan wax qasaaro nafeed ah lama soo sheegin Dhimasho iyo dhawac majiraan lamaha amaanka ayaa Hada wada Baritaano culus waana bartamaha jidka isku xira Garissa iyo Dadaab

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 10 ka mid ah shaqaalaha waaxda duullimaadka ee dalka Malaysia.Tani ayaa timid ka dib mark...
23/04/2024

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 10 ka mid ah shaqaalaha waaxda duullimaadka ee dalka Malaysia.
Tani ayaa timid ka dib markii ay saaka iyagoo hawada sare ku jira ay isku dhaceen labo diyaaradood kuwaasi oo burburay oo dhulka ku soo dhacay.
Diyaaradahan oo ah kuwa qummaatiga u kaca ee Helikobtarka ayaa waxaa leh waaxda ciidamada badaha ee Malaysia .Qaybta badaha ee militariga dalkaasi ee The Royal Malaysian Navy ayaa bayaan ku sheegtay in labada diyaaradood ee shilka galay ay tababarro ka sameynayeen Waqooyiga magaalada Lumut oo ay ku taallo xarunta dhexe ee waaxdan.
7 ka mid ah shaqaalaha shilka ku nafwaayay ayaa saarnaa diyaaradda Agusta Westland AW139 halka saddexda kalena ay saarnaayeen diyaaradda labaad ee Eurocopter Fennec.Waaxda badaha ee militariga Malaysia ayaa sheegtay in ay dhacdadaasi baaritaan ku sameynaysa si loo ogaado sababta keentay in diyaaradu ay isku dhacaan.

Muqdisho (Banllywood) –Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ...
02/02/2024

Muqdisho (Banllywood) –Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in xabsi la’aan heysto Soomaaliya, isla markaana la weysan yahay meel lagu xiro, dambiilayaasha, askarta qaladaadka gasha iyo xubnaha argagixisada ah ee nolosha lagu qabto.
Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in Xabsiga Dhexe ee Xamar uu buuxsamay, iyadoo ay ku xiran yihiin dad ka badan 1,600 oo qof.

Sida caadiga ah wuxuu sheegay in Xabsiga Dhexe ee Xamar loogu tala galay in lagu xiro 800 oo qof, balse hadda tiradaas la u jibaarkeed lagu xiray, isla markaana ay weli taagan tahay baahida xabsiyada.

“Xabsiga Dhexe ee Xamar wuxuu noqday xabsiga Soomaaliya oo dhan, deegaanadii la xoreeyey iyo kuwii xorta ahaa isaga ayaa xabsi u wada ah, waa in deg deg xabsiyo waaweyn loo helaa, si loo xakameeyo dembiyada dhacaya,” ayuu yiri Shuute.

Address

Dadaab
Dadaab

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Muktar Hassan Ibrahim posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share