Qalay Hargeysa Media

Qalay Hargeysa Media Ku xidhnow ๐—ค๐—”๐—Ÿ๐—”๐—ฌ ๐—›๐—”๐—ฅ๐—š๐—˜๐—ฌ๐—ฆ๐—” ๐— ๐—˜๐——๐—œ๐—”, oo kala soco xogaha caalamka iyo arrimaha Soomaalida Kuna xayaysiiso ganacsigaaga. ๐Ÿ“ž (messenger)

Shil Gaari oo Ka Dhacay Agagaarka Degmada Hudet Shil gaari oo nooca Toyota Land Cruiser ah ayaa maanta ka dhacay inta u ...
12/08/2026

Shil Gaari oo Ka Dhacay Agagaarka Degmada Hudet

Shil gaari oo nooca Toyota Land Cruiser ah ayaa maanta ka dhacay inta u dhexeysa Degmada Hudet ee Gobolka Dawa iyo Qabalaha Walena ee hoos yimaada isla Degmadaasi Hudet.

Alxamdulillaah, illaa hadda wax dhimasho ah lama soo sheegin. Hase yeeshee, shilka waxaa ku dhaawacmay laba qof; mid ka mid ah dhaawaciisu waa fudud yahay, halka qofka kale la sheegay inuu soo gaaray dhaawac culus. Qofka dhaawaca culus qaba ayaa hadda lagu daweynayaa Cusbitaalka Suldaan Xasan Suldaan Gababa ee magaalada Lahey ee xarunta gobolka daawa.

Waxaan Alle uga baryeynaa labada dhaawac inuu si degdeg ah oo caafimaad taam ah ugu soo celiyo. Sidoo kale, dadka gaariga lahaa iyo cid kasta oo khasaare ka soo gaaray burburka gaariga, waxaan Alle uga baryeynaa inuu khasaarehooda ugu beddelo kheyr iyo khayr ka wanaagsan.

Qalay Hargeysa Media

Waxaa heer gabo gabo ah maraya, fulinta Qorshe-hagaha Magaalada Xagar-moqor ee Gobolka liiban, Shaqadan oo ay iska kaash...
12/08/2026

Waxaa heer gabo gabo ah maraya, fulinta Qorshe-hagaha Magaalada Xagar-moqor ee Gobolka liiban, Shaqadan oo ay iska kaashadeen Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS iyo shacabka Degmada Xagar-moqor, ayaa laga fulinayaa Dhul baaxadiisu dhantahay 150 hektar kaas oo ubadan jihada ay Magaaladu ufidayso.

Qalay Hargeysa Media

WAR CUSUB oo muhiim ah: Goโ€™aamada Shirweynaha iyo qodobada la isku raacay.Waxaa heer gabagabo ah maraya Shirweynaha Wada...
12/08/2026

WAR CUSUB oo muhiim ah: Goโ€™aamada Shirweynaha iyo qodobada la isku raacay.

Waxaa heer gabagabo ah maraya Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Itoobiya, waxaana la soo gaaray goโ€™aamadii iyo gabagabadii.

Guud ahaan, shirka waxaa laga dooday 53 qodob oo isugu jiray soo jeedin iyo qodobo, balse waxaa la isku raacay 50 qodob, halka 3-da qodob ee kale la isku diiday.

Saddexdaas qodob waxaa loo gudbin doonaa guddiga isku-soo-dhawaanshaha, haddii la isku raaci waayana cod ayaa lagu goโ€™aamin doonaa.

Qodobada la isku raacay waxaa kamid ah.

1. Waxaa la isku raacay in la sii wado nidaamka federaalka, balse waxaa la soo jeediyay in federaalka laga dhigo mid ay wadaagaan qowmiyaduhu, halkii laga dhigi lahaa nidaam ku salaysan hal qowmiyad.

2. Qodobka 39-aad: Waxaa la isku raacay in la ilaaliyo xaqa is-maamulka qowmiyadaha, balse waxaa la qaatay in meesha laga saaro faqradda gooni-isu-taagga.

3. Awoodaha Federaalka iyo Deegaanada: Waxaa la isku raacay in awoodaha labada dhinac si cad loo qeexo.

4. Doodda nidaamka dowladda: Waxaa la isku khilaafay in Itoobiya yeelato nidaam baarlamaani ah ama nidaam madaxweyne.

Labadan aragti ayaa loo gudbiyay guddiga isku-soo-dhawaanshaha, haddii heshiis laga gaari waayana cod ayaa loo qaadi doonaa.

Arimaha kale een wali laysku raacin waxaa kamid ah meqaaka adis ababa iyo kuwa kale.

Waan idin soo gudbin donaa xogaha Shirwaynaha hadu alleh idmo.

Qalay Hargeysa Media

๐—ค๐—”๐—Ÿ๐—”๐—ฌ ๐—›๐—”๐—ฅ๐—š๐—˜๐—ฌ๐—ฆ๐—”
12/08/2026

๐—ค๐—”๐—Ÿ๐—”๐—ฌ ๐—›๐—”๐—ฅ๐—š๐—˜๐—ฌ๐—ฆ๐—”

Ugu Dambeyn, Sacdiyo Bajaaj Xorriyaddeedii Dib Ayay U Heshay ๐Ÿ™ŒQalay Hargeysa Media
12/08/2026

Ugu Dambeyn, Sacdiyo Bajaaj Xorriyaddeedii Dib Ayay U Heshay ๐Ÿ™Œ
Qalay Hargeysa Media

๐—•๐—จ๐—ฅ๐—ง๐—” ๐——๐—”๐—š๐—Ÿ๐—œ-๐—š๐—”๐—Ÿ๐—”๐—กBurta DAGLI-GALAN waxay ku taallaa duleedka Magaalada Qalay Hargeysa, ee Gobolka Daawa, Dowlad Deegaank...
11/08/2026

๐—•๐—จ๐—ฅ๐—ง๐—” ๐——๐—”๐—š๐—Ÿ๐—œ-๐—š๐—”๐—Ÿ๐—”๐—ก

Burta DAGLI-GALAN waxay ku taallaa duleedka Magaalada Qalay Hargeysa, ee Gobolka Daawa, Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS).

Waa mid ka mid ah goobaha dabiiciga ah ee quruxda badan ee ku xeeran Magaalada Qalay Hargeysa.

Qalay Hargeysa Media

Koxda Caafimaadka Wareegta iyo Daaweynta Nafaqadarada (Mobile Health and Nutrition Team) ee Ka Hawlgala Degmada Mubaarak...
11/08/2026

Koxda Caafimaadka Wareegta iyo Daaweynta Nafaqadarada (Mobile Health and Nutrition Team) ee Ka Hawlgala Degmada Mubaarak ayaa Shacabka Barakaciyaasha IDP Gaadhsiyey Adeega Iskudhafka ee Daaweynta

Qalay Hargeysa Media

Itoobiya, tobanka shirkadood ee cashuurta ugu badan bixiyay sanadkan dhamaanaya ee 2018 T.I1) Shirkada Isgaadhsiinta Ito...
11/08/2026

Itoobiya, tobanka shirkadood ee cashuurta ugu badan bixiyay sanadkan dhamaanaya ee 2018 T.I

1) Shirkada Isgaadhsiinta Itoobiya. 65.8 bilyan oo birr.

2) Bangiga ganacsiga Itoobiya. (CBE) 36.8 bilyan.

3) Shirkada diyaaradaha Itoobiya. 30.8 bilyan.

4) Shirkada Heineken 26.1 bilyan.

5) Shirkada saadka iyo maraakiibta Itoobiya. 22.2 bilyan.

6) Shirkada Korontada Itoobiya. 18.3 bilyan.

7) Bangiga Awash. 15.7 bilyan.

8) Shirkada adeega Korontada Itoobiya 13.5 bilyan.

9) Shirkada BGI 12.5 bilyan.

10) Wakaalada jidadka Itoobiya. 12.3 bilyan.

Qalay Hargeysa Media

๐—ž๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—Ÿ๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐——๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ซ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ. Kulan lagu dardargalinayo hawlaha waxbarashada xagaaga, laguna q...
11/08/2026

๐—ž๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—Ÿ๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐——๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ซ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ.

Kulan lagu dardargalinayo hawlaha waxbarashada xagaaga, laguna qiimaynayo geeddi-socodkii labadii toddobaad ee la soo dhaafay ayaa ka qabsoomay Xafiiska Hormuudka Kulliyada.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen hoggaaminta Kulliyada iyo madaxda waaxyaha kala duwan ee waxbarashada ayaa si qoto dheer loogu lafa-guray hawlihii shaqo ee socday, natiijooyinkii laga gaadhay iyo caqabadihii la la kulmay.

Sidoo kalena, diiradda lagu saaray qorshayaasha iyo hawlaha mudnaanta leh ee mustaqbalka dhow, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa tayada waxbarashada xagaaga.

Ugu dambaynna, kulanka ayaa lagu soo gunaanaday in maalmaha soo socda la sii xoojiyo ku shaqaynta qorshayaasha la dajiyay, isla markaana caqabadaha soo baxa si wadajir ah looga arrinsado, loogana doodo shirarka dambe.

โ€ŽShirkii Diyaarinta iyo Qorshaynta Miisaaniyadda Sannadka 2019-ka ayaa ka furmay xarunta gobolka Daawa ee Ley.โ€ŽShirkan o...
11/08/2026

โ€ŽShirkii Diyaarinta iyo Qorshaynta Miisaaniyadda Sannadka 2019-ka ayaa ka furmay xarunta gobolka Daawa ee Ley.

โ€ŽShirkan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin heer deegaan ah, maamulka gobolka, hogaaminta degmooyinka iyo dawladaha hoose ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo diyaarin lahaa qorshe miisaaniyadeedka sanadkan 2019-ka, taasoo ay soo jeediyeen xubnaha ka socda Xafiiska Maaliyada DDS si miisaaniyada loogu saleeyo meelaha waxtarka uleh bulshada waxna ka taraya baahiyaha aasaasiga ah.

Qalay Hargeysa Media

Address

Mandera
Mandera

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qalay Hargeysa Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share