Abdi wali basher

  • Home
  • Abdi wali basher

Abdi wali basher waa ayaamo duniduye
Allah hayna saamaxo
إلـهــى لاتخـيّـبـــنى رجـــاءى
لأنـت الـمـرتجىٰ مأوى الكـرام
(1)

08/05/2026

اللهم صل وسلم وبارك عليه

25/04/2026

War miyaan la dhimanayn

Ustad Amir

25/04/2026

الله أكبر

 😭👇Marka qabiilkaaga iyo qabiil kale hubka isu gurtaan tiradana lagugu darsado qoriga laguu diyaariyo waxad is waydiisaa...
23/04/2026

😭👇

Marka qabiilkaaga iyo qabiil kale hubka isu gurtaan tiradana lagugu darsado qoriga laguu diyaariyo waxad is waydiisaa su.aalahan.👉👉
👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇

1- Dagaalku waa dhacayaa adiguna waad dhimaneysaa balse muddo yar kadib labadan beel way hashiinayaan wixii dhintay oo aadka mid tahayna way isu tuurayaan si hashiiskoodu usii waarona waxay is dhaafsanayaan gabdho cadcad iyo kadimo geel yarad ah waxayna isu dhalayaan wiilal iyo gabdho cadcad.

2- Beeshaadu hadeyba ku aasaan wax amaan ah kuguma sheegayaan waayo way og yihiin in aad gacan muslim ku dhimatay ee aadan jihaad ku dhimanin.

3- Xaaskaagii xabiibta kuu ahayd iyo sirtey kuu hayseyba waxaku habsanaya wiil aan u geed fariisan geelna kala bixin gurina u dhisin gogolna u gadin

4- Caruurtaadii ayaa niyadda laga jabinayaa waxana loogu baaqayaa agoontii aabohood dagaal muslimiin dhex maray lagu diley markaas oo ay xitaa ducada kaala qajilayaan subxaan allaah!!

5- Xitaa hadiiba dagaalkoodu sii socdo waxa ayku dagaalamayaan adiga maahee waa ceel biyoodkii awelba dagaalkoodu ka bilowday adigana cidiba jaanis xasuuseed kuuma hayso.

7- Intaad taariikhda beeshaada dib u eegto bal waxad keentaa hal nin Oo ka mid ah halyeyadii dagaal qabiil ku dhintay oo mid kamid ah beesha u diinwaan gashan. Halka ay xasuusan yihiin sayid muxammad cabdule xasan xaawo taako axmed guray Dhagaxtuur kuwaaso cadow la halgamey.

8-Ugu dambayn waxad xasuusataa hadalkii rasuulka scw ee ahaa: walaalkaa u gargaaro daalim BA Ha Ahaadee , haduu wax dulmiyayo Ka jooji dulmiga,

9: iskana jooji xamaasadda qiiraysan kuna dhamaata hoogga iyo qoomamada markastana ku calcali aniga maxaa ii dan ah oon dhimasho naari ka dambayso ahayn'

10: iswaydii cida lala dagaalayo maxay yihiin ma muslimiin baa mise waa gaalo, hadii ay muslimiin yihiin ?

👉👉👉👉👉👉👉👉👉👉👉👉👉👉👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇 Laan dheere Waa ninka xabalaha kujira bilaa macno kudhintey
Xaqiiqda jirta 🎴l

Abdi wali basher

06/04/2026
05/04/2026

(Waqtiga iyo caafimaadku) waa hadiyadaha ugu qaalisan eed hasato e ka faa,dayso

03/03/2026

اللهم صل وسلم وبارك على سيدنا ونبينا وحبيبنا محمد وعلى آله وأصحابه أجمعين كلما ذكرك وذكره الذاكرون وغفل عن ذكرك وذكره الغافلون

Qoraalkaan waxaa qoray:محمد إبراهيم العشماويMaxaa la sameeyaa haddii xisaabta falagiska (astronomy) ay ka hor timaaddo a...
17/02/2026

Qoraalkaan waxaa qoray:
محمد إبراهيم العشماوي

Maxaa la sameeyaa haddii xisaabta falagiska (astronomy) ay ka hor timaaddo aragtida shareecada?

Qoraagu wuxuu ka bilaabay aayadda Qur’aanka ee oranaysa:

"يسألونك عن الأهلة قل هي مواقيت للناس والحج"؛

“Waxay ku waydiinayaan bilaha (crescents), dheh: waa waqtiyo loo asteeyey dadka iyo xajka.”

Aayaddani waxay muujinaysaa in bilaha dayaxu lagu garto aragti (ru’yah), maadaama dayaxu leeyahay marxalado: marka h**e waa hilal khafiif ah, dabadeed wuu weynaadaa ilaa uu noqdo badar (dayax buuxa), markaas ayuu yaraadaa ilaa uu noqdo sidii laan qalalan, ka dibna wuu baaba’aa.

Xikmadda ka dambaysa marxaladahaas waa in dadku ku gartaan bilaha qamariyada, kuwaas oo ku xiran xukunnada shareecada sida: soonka, afurka, xajka, zakada, muddada ciddada dumarka, iyo waqtiyada deynta.

Xadiisyada ku saabsan aragtida bisha

Nebigu (NNKH) wuxuu yiri:

"لا تصوموا حتى تروا الهلال، ولا تفطروا حتى تروه، فإن أغمي عليكم فاقدروا له"، وفي رواية: "فاقدروا له ثلاثين"، وفي رواية: "إذا رأيتم الهلال فصوموا، وإذا رأيتموه فأفطروا، فإن غُمَّ عليكم فاقدروا له"، وفي رواية: "فإن غم عليكم فصوموا ثلاثين يوما"، وفي رواية: "فإن غمي عليكم فأكملوا العدد"، وفي رواية: "فإن عمي عليكم الشهر فعدوا ثلاثين"، وفي رواية: "فإن أغمي عليكم فعدوا ثلاثين".

“Ha soomin ilaa aad aragtaan bisha, hana afurinina ilaa aad aragtaan; haddii daruuro idinka qariyaan, tirada dhammaysta (30).”

Riwaayado kale waxay si cad u sheegayaan: “Haddii la idinka qariyo, buuxiya tirada 30.”

Xadiisyadan (oo ku jira Sahih Muslim iyo Sahih al-Bukhari) waxay caddeynayaan in soonka iyo afurka lagu saleeyo aragti muuqata, haddii la waayana la dhammaystiro 30 maalmood.

Macnaha: xitaa haddii dayaxu cirka ku dhashay (astronomically), haddii aan dhulka laga arag, xukun ma leh; maxaa yeelay xukunku wuxuu ku xiran yahay aragtida dhulka.

Aragtida bisha waxaa ku jiri kara indho caadi ah ama qalab casri ah sida telescope.

Aragtiyada culimada

Qaar ayaa fasiray “fa-qdiruu lahu” (qiyaasa) inay la macno tahay xisaab falagis. Laakiin:

Imam al-Nawawi wuxuu sheegay in macnaha saxda ahi yahay: dhammaystir tirada 30 maalmood, ma aha xisaab falagis.

Ibn Taymiyyah wuxuu yiri: bishu waa wax muuqda oo la arko; haddii uusan si muuqata uga soo bixin dhulka, xukun ma leh.

Ibn Hajar al-Asqalani wuxuu sharxay in shareecadu ku xirtay aragtida si looga fududeeyo dadka, loogana hortago khilaaf iyo muran.

Culimadu waxay isku raaceen (ijmaac) in haddii bisha la arki waayo, la dhammaystiro 30 maalmood, lagumana tiirsanaado xisaab falagis oo keliya.

Maxaa la sameeyaa haddii ay is khilaafaan?

Haddii:

Aragtida shareecadu (ru’yah) timaaddo,

Laakiin xisaabta falagisku tiraahdo lama arki karo,

Markaas waxaa la qaadanayaa aragtida shareecada, maadaama ay tahay tii Nebigu (NNKH) ku xukumay, culimaduna ku ijmaaceen.

Qoraagu wuxuu ku soo gabagabeeyay:

Xisaabta falagiska waxaa loo adeegsan karaa in lagu diido (nafyi) marka la caddeeyo in aragti suurtagal ahayn.

Laakiin laguma caddeyn karo bil cusub (ithbaat) iyada oo aan aragti dhab ah jirin.

Qof falagis yaqaan ahi hadduu ku shaqeeyo xisaabtiisa, waa arrin isaga u gaar ah, lamana saaro bulshada inteeda kale.

Gunaanad

Marka ay is khilaafaan xisaabta falagiska iyo aragtida shareecadu:

Waxaa la hormarinayaa aragtida shareecada,
Haddii la arki waayo, waxaa la dhammaystirayaa 30 maalmood,
Tani waa aragtida jamhuurta culimada iyo ijmaaca muslimiinta.

Ilaahay baa og waxa saxda ah.

Waxa tarjumay
hassan Abdi

wali

 😭👇Marka qabiilkaaga iyo qabiil kale hubka isu gurtaan tiradana lagugu darsado qoriga laguu diyaariyo waxad is waydiisaa...
13/03/2024

😭👇

Marka qabiilkaaga iyo qabiil kale hubka isu gurtaan tiradana lagugu darsado qoriga laguu diyaariyo waxad is waydiisaa su.aalahan.👉👉
👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇

1- Dagaalku waa dhacayaa adiguna waad dhimaneysaa balse muddo yar kadib labadan beel way hashiinayaan wixii dhintay oo aadka mid tahayna way isu tuurayaan si hashiiskoodu usii waarona waxay is dhaafsanayaan gabdho cadcad iyo kadimo geel yarad ah waxayna isu dhalayaan wiilal iyo gabdho cadcad.

2- Beeshaadu hadeyba ku aasaan wax amaan ah kuguma sheegayaan waayo way og yihiin in aad gacan muslim ku dhimatay ee aadan jihaad ku dhimanin.

3- Xaaskaagii xabiibta kuu ahayd iyo sirtey kuu hayseyba waxaku habsanaya wiil aan u geed fariisan geelna kala bixin gurina u dhisin gogolna u gadin

4- Caruurtaadii ayaa niyadda laga jabinayaa waxana loogu baaqayaa agoontii aabohood dagaal muslimiin dhex maray lagu diley markaas oo ay xitaa ducada kaala qajilayaan subxaan allaah!!

5- Xitaa hadiiba dagaalkoodu sii socdo waxa ayku dagaalamayaan adiga maahee waa ceel biyoodkii awelba dagaalkoodu ka bilowday adigana cidiba jaanis xasuuseed kuuma hayso.

7- Intaad taariikhda beeshaada dib u eegto bal waxad keentaa hal nin Oo ka mid ah halyeyadii dagaal qabiil ku dhintay oo mid kamid ah beesha u diinwaan gashan. Halka ay xasuusan yihiin sayid muxammad cabdule xasan xaawo taako axmed guray Dhagaxtuur kuwaaso cadow la halgamey.

8-Ugu dambayn waxad xasuusataa hadalkii rasuulka scw ee ahaa: walaalkaa u gargaaro daalim BA Ha Ahaadee , haduu wax dulmiyayo Ka jooji dulmiga,

9: iskana jooji xamaasadda qiiraysan kuna dhamaata hoogga iyo qoomamada markastana ku calcali aniga maxaa ii dan ah oon dhimasho naari ka dambayso ahayn'

10: iswaydii cida lala dagaalayo maxay yihiin ma muslimiin baa mise waa gaalo, hadii ay muslimiin yihiin ?

👉👉👉👉👉👉👉👉👉👉👉👉👉👉👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇 Laan dheere Waa ninka xabalaha kujira bilaa macno kudhintey
Xaqiiqda jirta 🎴l

𝗔𝗯𝗱𝗶 𝘄𝗮𝗹𝗶 𝗯𝗮𝘀𝗵𝗲𝗿

Address

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdi wali basher posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share