14/09/2024
JAMAACADA TABLIIQA
Waxaan filayaa inuu jamaacada Tabliiqa ku rumoobayo hadalkii Saciid binu Musayab: "ma jiro caalim, shariif iyo qof wanaag leh oo aan lahayn iin, hase ahaatee waxaa jira birimagaydo aan la xusin xumaantooda, qofkuu wanaaggiisu ka bato xumaantiisana, iintiisa iyo ceebtiisa ayaa shiiqa."
Haddaba, anigoo aan ka tegayn caddaaladda, isla markaana dhiirrigelinaya in laga qaato wixii khayr ah, qoraalkan waxaan ku soo koobayaa labaatan sifo oo ay la gaar yihiin jamaacada Tabliiqa oo dedaal badan ku bixiya hagaajinta iyo hufidda qalbiyada, iyo u shaqaynta Islaamka.
1. Isku tashi iyo iskaa wax u qabso:
Jamaacada Tabliiqu astaamaha ay filkeed ku dhaaftay waxa ka mid ah ka maaranka wax-weyddiisiga madaxda, ganacsatada, samafalayaasha iyo dawladaha. Qodobkani waa midka keenay xorriyadda iyo sharafta ay ku naaloonayaan iyo in aanay isku qabqabsan mansab iyo maaltoona.
2. Nafhur:
jamaacada Tabliiqu waxay ku dhiirratay inay buuqato xarumaha xumaanta, dabadeeto waxay ka soo saartay dad badan oo iskugu jira ducaad iyo culimo caan ah. Badanaa xumaanfale, khamriile, taariku-salaad iyo waalid-caaq uu Alle sabab uga dhigay, kuwaad oo isku beddelay insaan sharfan oo dadka ugu baaqa wanaagga.
3. Faafinta diinta Islaamka:
Tabliiqu waxa ay sabab u noqdeen inuu Islaamku ku faafo waddammo badan oo ay ka mid yihiin: Jarmal, Faransiis, Biljam, Maraykan, Kanada, Koonfur Afrika, kaymaha Afrika, Hindiya, Nebal, Jabbaan, Kuriya iqb.
4. Manhaj cilmiya oo ay gundhig u yihiin Qur’aanka kariimka ah iyo Riyaadu-Saalixiin:
Waxa kale oo ay aad u akhristaan kitaabka Xayaatu Saxaaba oo aad iyo aad u sameeyay noloshooda!
5. Isku haynta kumannaan dad ah:
Tabliiqu waxay isku hayaan oo ay daafaha dunida u kala diraan kumannaan jamaaco oo kala af iyo dhaqan ahba, isla jeerkaasna ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada sida: culimo iyo caammo, sabool iyo hodan iyo carruur iyo cirroole. Waxaan u malaynayaa in aa la soo helayn ururro ama dawlado qaban kara shaqadan xitaa hadday ku bixiyaan malaayiin dollar.
6. Waxay qabtaan kulanno sannadle ah:
Waddamada Baakistaan, Hindiya, Bangaladhesh, Maleesiya iqb, ayay sannad kasta ku qabtaan kulanno sannadle ah oo ay iskugu yimaaddaan kumannaan kun oo qof, iyaga oo aan cidna ka helin maalgelin iyo kaalmatoona. Waxa kale oo cajiib ah inuu qof kastaa isku qabo dhaqaalaha ku baxaya safarkiisa, hungurigiisa, hugiisa iyo caafimaadkiisaba. Runtii kuma dhiirran karaan dawladuhu in ay meel qudha iskugu keenaan kumannaan kun oo qof oo kala af iyo dhaqana. Waana arrin aan goobjoog u ahaa!
7. Dhaqan wanaag:
Waxaan bartay ragga ugu waaweyn oo isku jira carab iyo cajamba. Runtii, qofkii la dhaqma ama dhexgalaa wuxuu dareemayaa dedaalka ay ku bixiyaan camallada qalbiga sida: ikhlaaska iyo abaaldoonka. Metelan kulammada waaweyn ee ay iskugu yimaaddaan kumannaanka kun ee qof, ma jirto warbaahin soo gudbisa, wariyayaal lagu casuumo iyo muuqaallo laga duubaatoona; waayo waxay aammineen in ay fadhiyadani yihiin is xusuusin iyo xus Alle oo ay ka soo qaybgasho malaa’igtu.
8. Kumannaan jamaaco ayay u kala diraan caalamka:
Tabliiqu kumanaan jamaaco ayay u kala diraan daafaha caalamka, kuwaas oo jamaca ku ooga badda, bannaanka iyo oogada sare. Sidoo kale cidna uma dabafadhiistaan muujinta astaamaha diinta Islaamka!
9. Naxariis iyo dabacsanaan:
Tabliiqu dabacsanaantooda iyo dhaqankooda suubban ayay ku soo jiiteen dareenka da’yarta, waayeelka, madaxda ka talisa waddamada Islaamka iyo kuwa aan islaam ahayn, iyo culimo iskugu jirta carab iyo cajam oo ay ugu horreeyeen Abu Xasan an-Nadawi iyo sheekh Jasaa’iri.
10. Daacadnimo iyo dedaal:
Si aan nasasho lahayn oo ay ku dheehan yihiin dedaal, daacadnimo iyo firfircooni ayay uga hawlgalaan goob kasta oo kulmisa dadweynaha sida: guryaha, gaadiidka dadweynaha, garoomada, maqaaxiyaha, huteellada iyo beeraha dalxiiska!
11. Khuruujka:
Ragga qaar baa kaxaysta xaasaskooda. Sidoo kale, qof kasta waxay u diraan halkuu ku habboon yahay!
12. Isku soo dhowaynta qaybaha kala duwan ee bulshada:
Waxa ka tirsan jamaacada Tabliiqa qaybaha kala duwan ee bulshada sida: barayaasha, bahda caafimaadka, injineerrada, ganacsatada, xirfadlayaasha, aqoonyahanka iyo caamada, da’yarta iyo waayeelka, qaybaha kala duwan ee ciidamada, cuqaasha iyo ubadka hodanka iyo saboolka. Shaqadanna waxay u arkaa shaqada ugu wanaagsan ee lagu mashquulo.
13. Cidna ma colaadiyaan:
Cidda mucaaridda shaqadooda, iskuma hawlaan, waxaanay ka soo qaadaan in ayna aqoon buuxda u lahayn dhabnimadooda. Waxay ka sii qaadaan firfircooni iyo dedaal ay ku bixiyaan fidinta dhaqanka islaamka, ruuxdiisa iyo qiyamkiisa sare. Runtii waa astaan ina tusaysa wanaagga ay hayaan, iyo in aanay isku hawlin sidii ay uga guulaysan lahaayeen mucaaridkooda!
14. Dhaqan Islaam:
Jamaacada Tabliiqu waxay leedahay dhaqan suubban oo ay kaga duwan tahay kooxaha kale. Metelan, xumaanta, jahliga iyo aflagaadada, waxay ku beddelaan samafal, adkaysi iyo hadalsan. Sidoo kale, waxay u dulqaataan, qalbi furanna ku soo dhoweeyaan cidda la baxda. Waxaa iyana dheeraad iyo sharaf ah maamuusidda iyo u khidmaynta dadka.
15. Waxaa laga dhaxlaa dhaqan suubban:
Qof kasta oo ku biir Tabliiqu wuxuu ka dhaxlaa dhaqan wanaagsan. Tusaale arki maysid qof tabliiqa ah oo cid xamanaya, aflagaadaynaya, ka digaya ama nacdalaya. Warka oo kooban waa jamaaco afkooda iyo addinkoodaba laga ammaan helay. Shaqadoodu waa sidii dadka loogu xidhi lahaa abuurahooda, waana shaqadii anbiyada CS!
16. K**a barakaystaan qabriyada, madaxda iyo hantidoodana uma hanqaltaagaan:
Arrinkaa lidkiisa, waxay u arkaan addoomo baahan oo ay u wada baahan yihiin naxariista Alle.
17. Meel kasta oo ay joogaan waxay kala kulmaan ixtiraam iyo qadarin. Arrinkanna waxaa loo aanayn karaa dhaqan wanaaggooda iyo astaamaha diinta ee ka muuqda. Sidaas aawadeed, waxaad arkaysaa xitaa gaalada oo qaddarinaysa!
18- Waxay soo nooleeyaan kaalintii masjidka:
Tabliiqu waxay boodhka ka jafeen kaalintii uu masjidku ku dhex lahaa bulshada; waayo ma seexdaan huteellada qaaliga ah. Waxa kale oo ay bixiyaan hadiyado yaryar sida: kitaab Qur’aan ah, timir, caday iqb. Waxaan isna meesha ka madhnayn qaddarinta, kalgacalka iyo jacaylkay u muujiyaan dadka kale!
19. Cammiridda masjidka:
Shaqooyinkooda ugu waaweyn ee Tabliiqa waxaa ka mid ah in ay soo celiyaan cammiriddii masaajidda. Waxaad arkaysaa iyaga xidhiidho la samaynaya muslinka caasiga ah iyo ka toosan, isla markaana ku dhiirrigelinaya camallada masjidka sida: ictikaafka, xalqadaha Qur’aanka iyo ku dhex sugnaanta masjidka.
20. Usuub hagaagsan:
Dacwadda iyo la hadalka waxa ay u maraan hab deggan oo dabacsan oo ay saldhig u yihiin tusaalayn iyo sheekooyin murti badan oo soo jeedasho leh.
Guntii iyo gunaanadkii, waxaan u malaynayaa in ay tahay dacwad waxtar leh oo uu Alle siiyay qabuul, isla jeerkaasna uu reedkeedu ka muuqdo dad badan oo caan ku ahaa xumaanta iyo Alle ka fogaanshaha.
Alle ayaa run sheegay markii uu lahaa: “wixii dadka anfacaya ayaa hadhaya.”
Waa tan dacwadda tabliiqu kii diidaya iyo kii doonayooba!
W/Q: Dr Saciid binu Naasir oo maaddada caqiiqada h**e uga dhigi jiray jaamacadda boqor Khaalid, ahna xoghaya guud ee naadiga culimada.
W/T: ObsiiyeJAMAACADA TABLIIQA

W/T: Obsiiye