01/10/2026
Duulimaadyada Maxaliga ah ee u kala bixi jirey Puntland iyo Gobalada Koonfurta Soomaaliya ayaa saaka baaqday, kadib markii Dowladda Soomaaliya amartay in rakaabka gudaha dalka u kala safraya ay khasab ku tahay haysashada Kaarka Aqoonsiga ee ay bixiso Hay’adda NIRA.
Diyaaradda Freedom Airlines oo saaka lahayd duulimaad Garowe---Muqdisho Ilaa Nairobi ah ayaa dadkii raaci lahaa kasoo noqdeen garoonka Diyaaradaha ee Garoowe.
Puntland lagama qaadan kaarka aqoonsiga maadaama hay’adda bixisaa aysan xafiisyo ku lahayn.