15/07/2026
Deg deg: Xildhibaan Abdirahman Bulshaawi oo laga soo doortay Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa eedeyn culus u soo jeediyay Gudoomiye Cabdifitax.
"Gobolka Shabeellaha Hoose wuxuu u baahan yahay hoggaan mideeya, ee ma aha mid sii kala fogeeya bulshada.
Inta aan ka warqabo xaaladaha Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Degmada Marka, dhibaatooyinka isa soo tarayay waxay si muuqata u billowdeen tan iyo maalintii Guddoomiyaha Gobolka loo magacaabay Abdifatah Sayid Ahmed Waxaa habboon in dib loogu noqdo xaaladdii gobolku ku sugnaa ka hor magacaabistiisa iyo halka uu maanta marayo, si xaqiiqadu u caddaato.
Waxaa murugo iyo nasiib darro weyn ah in Guddoomiyihii laga filayay inuu noqdo astaan mideysa bulshada uu isu beddelay mas'uul lagu eedeeyo inuu ka shaqeeyo dano gaar ah, halkii uu mudnaan siin lahaa danta guud, rabitaanka shacabka iyo xasilloonida gobolka.
Waxyaabaha lagu tilmaami karo guuldarrada maamulka waxaa ka mid ah:
1. Soo noqnoqoshada isku dhacyada beelaha iyo kala fogeynta bulshada.
2. Eedeymo la xiriira dhul-boob iyo dhexdhexaadin la'aan arrimaha dhulka.
3. In intii uu xilka hayay laga hirgeliyay maamul ka hor imanaya nidaamka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo dhaawac ku ah midnimada iyo kala dambeynta maamulka.
Dhacdooyinkan iyo kuwo kale oo badan waxay gobolka dib ugu celiyeen marxalado adag oo horay looga soo gudbay, taasoo niyad-jab ku abuurtay bulshada.
Anigoo ku hadlaya codka bulshada Degmada Marka ee aan matalo, waxaan si cad ugu baaqayaa Hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya inay dib u qiimeeyaan hoggaanka Gobolka Shabeellaha Hoose. Waxaan aaminsanahay in Guddoomiye Cabdifataax Sayid Axmed uusan ahayn qofka ku habboon inuu hoggaamiyo gobolka xilligan xasaasiga ah, isla markaana uusan kasban kalsoonida qayb weyn oo bulshada ka mid ah.
Gobolku maanta wuxuu u baahan yahay hoggaan leh hufnaan, caddaalad, dhexdhexaadnimo iyo karti uu bulshada ku mideyn karo, kana shaqeyn kara nabadda, horumarka iyo wadajirka shacabka. Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa Hoggaanka Koonfur Galbeed inay qaataan go'aan geesinimo leh oo danta shacabka ku saleysan, kana hormariya badbaadinta gobolka, iyagoo magacaabaya hoggaan sumcad ku leh bulshada, kasbadayna kalsoonideeda, kana shaqeyn kara dib u heshiisiinta iyo xasilloonida Gobolka Shabeellaha Hoose.