Jubba Somali TV

Jubba Somali TV Jubba Somali TV Waa Warbaahin Madax Banaan oo aad ka Helayso Warar. Fadlan Fallow. Shere. Like

Warbixino iyo Wareysiyo Ku Xiiso Galiyo.waxaana Diirada Saari Doonaa Arimaha Deegaanka iyo Bulshada.

01/06/2026

WAR-SAXAAFADEED: Taliyaha Saldhigga Degmada bardhere
L/xle Cumar Ahmed dahir
Iyo ku xigenkiisa
Cismaan maxamed Axmed
oo Kormeer Amni iyo Xog-wareysi Ku Sameeyay Bulshada
​Taariikh: 1/6/ 2026
​1. Ujeeddada Kormeerka
​Habeenimadii caawa, waxaa kormeer shaqo oo lagu xaqiijinayo amniga degmada sameeyay Taliyaha Saldhigga Booliska. Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd xog-wareysi iyo u-kuurgal dhab ah oo lagu samaynayo xaaladaha guud ee amniga, si loo ogaado baahiyaha amni ee bulshada hortaagan iyo sida looga jawaabi karo.
​2. Dareenka iyo Markhaatiga Bulshada
​Intii uu taliyuhu ku guda-jiray wareysiyada, qaybaha kala duwan ee shacabka iyo dadweynaha degmada waxay sheegeen:
​Xaaladda Amniga: In amnigu yahay mid aad u wanaagsan, ayna ku ganacsadaan si nabadgelyo iyo kalsooni ah.
​Wada-shaqeynta: Waxay bogaadiyeen shaqada hufan ee Ciidanka Booliska degmada, iyagoo xaqiijiyay inay leeyihiin xiriir dhow oo joogto ah, isla markaana ay ciidanka la wadaagaan xogta amniga la xiriirta.
​3. Ballan-qaadka Joogtaynta Amniga
​Ugu dambeyntii, Taliyaha Saldhigga ayaa:
​"U mahadceliyay shacabka sida hagar-la'aanta ah ee ay ula shaqeeyaan ciidanka, wuxuuna u balan-qaaday in la sii laba-laabi doono roondooyinka iyo hawlgallada habeen iyo dhinac kasta ah ee lagu sugayo nabadgelyada degmada."

22/04/2026

Goobaha Ganacsiga iyo Suuqyada Magaalada Baardheere ayaa gebi ahaanba maanta xiran,ka dib markii markii Ganacsatada deegaanka ay diideen in la isticmaalo Lacagta Sh.so,waxaana ka dhacay saaka magaalada Dibad baxyo Rabshado wata oo looga soo horjeedo diidmada Lacagta



Jubba Somali TV

20/04/2026

Ciidanka booliska ee degmada Bardheere ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Ceel-Cleen. Howlgalkan ayaa lagu burburiyay fariisin ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaato ku hayay shacabka ku nool deegaankaas.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ujeeddadu ay ahayd in laga saaro kooxda Al-Shabaab goobaha ay ka dhibaateynayeen dadka rayidka ah, isla markaana dib loogu soo celiyo amniga iyo xasilloonida deegaanka.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Bardheere, Cumar Axmed Daahir ayaa ka hadlay howlgalka maanta, isagoo sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen burburinta fariisinkii kooxda, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.

Sidoo kale, taliyaha ayaa xusay in howlgaladan ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amniga guud ee degmada Bardheere iyo nawaaxigeeda.

11/04/2026

Sheikh Aadan Sheikh Cabdullaahi-Tafsiirka Quraanka Kariimka Ah Suuradda Ancaam Aayadda 100-117.

10/04/2026

Suldaan Gurey Xaaji Faarax oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Gedo ee W/Ameerika ayaa ka Hadley Aragtidiisa ku aadan Xaalada Is bedalada Siyaasadeed ee ka taagan Dalka Soomaaliya,gaar ahaan Saameynta ay ku yeelan karaan Gobolka Gedo.

Waxuuna ugu baaqey dhinacyada iska soo horjeeda Gobolka Gedo in ay ka feejignaadaan wax kasta oo keeni kara isku dhac Colaadeed,maadama Soomaaliya ayan waxba ku heshiinin.
Jubba Somali TV

09/04/2026

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed, oo ka qeybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub e Wasaaradda Amniga KGS.
Jubba Somali TV

01/04/2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo la kulmay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Koonfur Galbeed.

01/04/2026

Casharka Suwaru minxayaati saxaabah.
Sheekh saciid koofi
Qaybta 8aad.
Jubba Somali TV

31/03/2026

Warbixin, Kulan Xasaasi Ah oo Maanta lagu Qabtay Degmada Baardheere iyo Waxyaabihii Looga wada Hadlay.
Wariye Khadar Maxamed Siraad.
Jubba Somali TV

31/03/2026

Jawiga maanta ee degmada Balad-Xaawo
Waa mid aad u Quruxoon oo roobbeysan❤️
Xigasho
Abdalla Beer Hooyo.

Address

Nairobi
254

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jubba Somali TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share