Haala News

Haala News Breaking news, politics, sports, and community happenings

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, ...
19/04/2026

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, iyo Xoghayihii h**e, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Xoghayihii h**e shaqadii iyo dadaalkii uu soo qabtay muddadii uu xilka hayey, isaga oo ku ammaanay sida hufan ee uu uga soo baxay waajibaadkiisa shaqo.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa Xoghayaha cusub faray in uu sii xoojiyo shaqada Wasaaradda, korna u qaado hufnaanta, wada-shaqaynta iyo dardargelinta howlaha hortebinta u leh Wasaaradda Gaashaandhigga.

Munaasabadda xil-wareejinta, oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaa goobjoog ka ahaa sanatarro iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal iyo hawlwadeennada Wasaaradda.

Mareykanka ayaa kordhiyay muddada cunaqabateynta laga qaaday shidaalka Ruushka oo si xor ah suuqyada looga iibsan karo, ...
18/04/2026

Mareykanka ayaa kordhiyay muddada cunaqabateynta laga qaaday shidaalka Ruushka oo si xor ah suuqyada looga iibsan karo, taasoo bil kale oo dheeraad ah si aamusnaan leh loogu kordhiyay, sabab la xiriirta inay wali jirto shidaal yari suuqyada caalamka, oo ka dhalanaysa muddada uu xirnaa marinka Hormuz iyo dagaalka Iiraan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in “arrimuhu u muuqdaan inay si wanaagsan ula socdaan Iran.”Wuxuu sidoo kale sheega...
18/04/2026

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in “arrimuhu u muuqdaan inay si wanaagsan ula socdaan Iran.”
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu helay “war wanaagsan qiyaastii labaatan daqiiqo ka hor,” isla markaana ay “wax walba si fiican u socdaan dhinaca Iran.”
Sidoo kale, madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay in laga yaabo inuusan kordhin xabbad-joojinta haddii heshiis la gaari waayo maalinta Arbacada, balse uu sii wadi doono go’doominta (blockade-ka) dekedaha Iran

Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Haaretz ayaa ku warramay inuu Netanyahu ka wajahayo Trump xaalad uusan h**ey uga arag...
17/04/2026

Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Haaretz ayaa ku warramay inuu Netanyahu ka wajahayo Trump xaalad uusan h**ey uga arag , ka dib markii la sheegay Trump inuu ku qasbay Netanyahu inuu qaato xabbad-joojinta Iiraan iyo Lubnaan, iyadoo uusan wax door ah shuruudaha xabbad-joojinta ku lahayn.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Galmudug, i...
16/04/2026

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Galmudug, iyadoo oo uu goobjoog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Daahir Ciid.

Ugu horreyn shirka ayaa looga dhageystay wasaaradda Amniga Gudaha warbixino ku saabsan xaaladda guud ee amniga deegaannada Galmudug.

Intaas kaddib Golaha ayaa bogaadiyay dadaalka hoggaanka Galmudug ee suurtagaliyay in saddexda ceel ee ugu horreysa ee shidaalka Soomaaliya laga qodayo Galmudug, taas oo ku timid ammaanka la isku halleyn karo ee deegaanada Galmudug ka jira iyo Xasilloonida sisayaasadeed.

Ugu dambeyn; Goluhu wuxuu ka hadlay dardargelinta doorashada Galmudug taasoo ku dhici doonta nidaam qof iyo cod ah muddo nus qarni ka badan kaddib, isaga oo soo saaray hagayaasha iyo tusaalooyinkan:

b) In dhammaan shacabka reer Galmudug u diyaar garoobaan doorashada, kuna wajahaan firfircooni.

T) In dhammaan ururradu u diyaar garoobaan doorasho Xor Iyo Xalaal ah oo loosiman yahay iyaga oo u hoggaansamaya xeerarka iyo shuruucda amni iyo habraacyada doorashada.

J) In xukuumadda Galamudug iyo hoggaankeedu yahay jihada kaliya ee Ururka talada haya ee JSP uga masuulka ah howlaha doorashada Galamudug, maadaama uu hooggaankeedu kamid yahay Golaha sare ee JSP.

15/04/2026

Dalka Turkiga labo maalin gudahood labo iskuul oo kala duwan ayay ka dhacday toogasho.

Maanta, arday Turki ah ayaa qaatay hubka aabbihiis, wuxuuna weerar ku qaaday iskuul ku yaalla magaalada Kahramanmaras. Weerarkaasi wuxuu sababay dhimashada 4 qof oo uu ku jiro macallin,waxaana ku dhaawacmay 20 kale.

Shalay , sidan oo kale arday ayaa weerarray dugsi sare , wuxuuna dhaawacay 17 qof.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaar...
14/04/2026

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray magaalada Washington DC oo lagu qabanayo shirarka xiliga Gu’ga (Spring Meetings) ee Bangiga Adduunka iyo IMF ayaa waxa uu kulan miro-dhal ah la yeeshay Mr. Ndiame Diop oo Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray saameynta dhaqaale ee ka dhalatay xaaladaha cakiran ee caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, isbeddelada juqraafiyeed (geopolitical) iyo saameynta isbeddelka cimilada, kuwaas oo si toos ah u taabanaya dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta dakhliga gudaha horumarinta maamulka maaliyadda guud iyo kobcinta dhaqaalaha dalka si loo gaaro horumar waara.

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka , JD Vance, ayaa maanta Fox News u sheegay; “ Waxaan rabnaa dagaalka Iiraan in lagu so...
14/04/2026

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka , JD Vance, ayaa maanta Fox News u sheegay; “ Waxaan rabnaa dagaalka Iiraan in lagu soo afjaro heshiis weyn oo guuleysta, madaxweyne Donald Trump ma doonayo in ay muddo dheer uu sii socdo…. Waxaan ognahay in qiimaha tamartu kacday, isla markaana shacabka Mareykanka ay saameyn ku yeelatay. Sidaas darteed, waxaan wadnaa dadaallo wada-hadal oo adag si arrintan si dhow loo xalliyo.”

Warbaahinta Bloomberg ayaa  ku warrantay inay socdaan wadahadallo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan si loo qabto wareeg k...
14/04/2026

Warbaahinta Bloomberg ayaa ku warrantay inay socdaan wadahadallo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan si loo qabto wareeg kale oo wada-hadallo toos ah, loona gaaro xabbad-joojin waqti dheer ah.

Warbixintan ayaa lagu sheegay ujeeddadu inay tahay in la qabto wareeg cusub oo wada-hadallo ah ka hor inta aanu dhammaan heshiiska xabbad-joojinta, iyadoo mar kale la soo jeediyay wareegga labaad ee wada-hadallada inay martigeliso Islamabad,oo wareeggii h**e lagu qabtay.

154 saraakiil iyo askarta Israa’iil isugu jirta ayaa lagu dhaawacay dagaalladii ka dhacay koonfurta Lubnaan tan iyo Kham...
14/04/2026

154 saraakiil iyo askarta Israa’iil isugu jirta ayaa lagu dhaawacay dagaalladii ka dhacay koonfurta Lubnaan tan iyo Khamiistii la soo dhaafay. 34 ka mid ah ayaa qaba dhaawacyo culus, halka tirada guud ee lagu dhaawacay tan iyo markii ay dib Israa’iil u bilowday duullaanka Lubnaan ay gaartay 565 saraakiil iyo askarta Israa’iil ah,sida lagu sheegay warsaxaafadeed maanta ka soo baxay ciidanka Israa’iil oo aan lagu soo qaadin saraakiisha iyo askarta dagaalladaa uga dhintay Israa’iil.

Address

Islii
Nairobi

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Haala News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share