29/08/2025
Qiso Dhab Ah: Abaal-gud Ilaahay oo Degdeg Ah
Habeen anigoo socda suuqii ayaan waxa arkay wiil Soomaali ah oo aad rafaad uga muuqdo oo dhulka fadhiya ooyaayo. Laba gabdhood oo ila socday waxay igu dheheen: “Na, wuxu yahay ma ogin, ee soo bax.”
Laakiin qalbigaygu wuu i siin waayay inaan wiilkaas anigoo ogaanin waxa uu u ooyaayo aan meesha ka tago.
Kadib markaan u imaaday ayaan wareystay, wuxuuna i sheegay inuu Isiolo magaalada la yiraahdo, uyimaaday walashii oo nairobi lagu qabo oo ku tiri: “Iimow.”
Waligay Nairobi ma arag, hadda ayaa igu horreysa. Kadib maanta dhan isaga oo gaari kusoo jiray safar dheer ayuu soo galay. Markuu yimid Nairobi, telefoonki walashi wu ka damsana #.
Wuxuu yiri:
“Magaalada ayaan iska dhex wareegay bal inay daarato telefoonka oo ay ii soo wacdo, balse ma dhicin”. Waqtiga aan wiilka wada hadleyno waa 11 habeenimo, walaashay arooskeeda u adeegeynay, markaan suuq ku daahnay.
Hadalka aan ilaawi la’ahay wuxuu ahaa: Markaan weydiiyey, ‘Marka maxaa u ooyeysaa?’
Wuxuu yiri:
‘Magaaladan intaas oo dad socda, intaas oo dabaq ku taalo, caawa aniga afar darbi bay ii tahay iney aaydo bannaanka igu cuntan. Ka yaabanahay. Ma haysan magaaladeydii inaan ku laabto wax lacag ah. Saaka gurigaygii markaan kasoo baxay baa igu dambeysay wax aan cuno. Tabar aan ku socdo xitaa ma haysto.’
Markaasaan naxay, walwalay, waxaanan weydiiyey: ‘Maxaan kuu qaban karaa hadda?’
Wuxuu yiri:
‘Lacag aan ku cunteeyo, meel aan seexdo aan ku radsado ayaa hadda ii daran. Bari waxa ku bixi lahaa Ilaahay umbaa ka sugaaya.’
Waqtigaas lacag sidaas ah ma haynin, 5,000 oo gacantayda ku jirtay ayaan u dhiibay. Wiilkii aad ayuu u farxay wuxuuna igu yiri:
‘Haddad sadaqadan noloshaada ka arki waydo, Muslim quman ma maihi.’
Aad iyo aadna wuu igu duceeyay.
Wiilkii waan ka soo tagnay. Gaariga markaan saaranahay ayaa la i soo wacay, waxa la igu yiri:
‘Ilmahaagii yara aya kasoo dhacay stairs-ka guriga ku dhex yaalla meesha ugu koreysa, dhiigna wuu ka daadanaayaa.’
Anigii naxdin aminki aya dhakhtar loo geeyay. Markaan u tagay dhakhtarka wuxuu yiri:
“Maba dhici karto ilmahan inuu stairs-ka kasoo dhacay, sababtoo ah meesha jexan waxay u egtahay in la xagtay
Diiga badan waxa keenaayo wilka digiisan xinjir leheen.”
Markaas ayaan soo xasuustay wiilka hadalkiisii iyo sadaqadii aan bixiyay, abaal gudkii Ilaahay igu soo dagdagay. Subhanallah!
Qisadani waxay xasuusin inoo tahay in sadaqadu aysan waligeed lumin. Waxay noqon kartaa sabab barako, badbaado iyo ilaalin Eebbe kuugu soo dejiyo markaad ugu baahan tahay. Mararka qaarkood abaalgudka Alle wuu soo degdegayaa.