Mayre Online Media

Mayre Online Media Kuxirnaw Pagekan oo kahel Muuqaallo kuxiiso geliya 50k gaarsiiya page Ka walaalayaal

BREAKING NEWS: Eid Al Fitr 1446/2025 is tomorrow: Sunday, 30 March 2025The Crescent for the month of Shawwal 1446 was SE...
29/03/2025

BREAKING NEWS: Eid Al Fitr 1446/2025 is tomorrow: Sunday, 30 March 2025

The Crescent for the month of Shawwal 1446 was SEEN in Saudi Arabia today subsequently tomorrow is the beginning of the month of Shawwal 1446

Saameynta Türkiye ee Bariga Dhexe iyo walwalka Israel.Jonathan Adiri, oo h**ey la-taliye ugu ahaa madaxweynihii Israel S...
29/03/2025

Saameynta Türkiye ee Bariga Dhexe iyo walwalka Israel.

Jonathan Adiri, oo h**ey la-taliye ugu ahaa madaxweynihii Israel Shimon Peres, ayaa ka digay suurtagalnimada iska horimaad u dhexeeya Israel iyo Türkiye. Wuxuu sheegay in Türkiye aysan mar dambe u baahnayn saamaynteeda Bariga Dhexe, balse ay hada noqonayso albaabka laga soo galo bariga dhexe.

Erdogan wuxuu dadaal ugu jiraa in uu saldhigyo militari ka sameysto gudaha Suuriya, taasoo halis gelin karta amniga Israel. Adiri wuxuu tilmaamay in Türkiye uusan la mid ahayn Iran, maadaama uusan go’doonsaneyn dhaqaale ahaan ama siyaasadeed kaliya ahayn balse uu yahay awood goboleed weyn. Turkey waxa uu xiriir adag leedahay Reer Galbeedka, Midowga Yurub, iyo Bariga.

Ciidanka Türkiye waa mid aad u xoog badan, iyagoo ah kuwa labaad ee ugu badan NATO, isla markaana 70% hubkooda gudaha ku sameeya. Waxaa intaa dheer, Türkiye waa dalka afraad ee adduunka ugu horreeya wax-soo-saarka drones-ka. Si kastaba ha ahaatee, awoodda ugu badan ee Türkiye kuma salaysna ciidan keliya; dhuumaha gaaska dabiiciga ah ee mara dhulkeeda ayaa ka dhigaya mid muhiim u ah tamarta Yurub.

Adiri wuxuu ku baaqay in Israel ay si degdeg ah uga hortagto dagaal suurtagal ah oo ay la gasho Türkiye. Wuxuu xusay laba isbahaysi oo Israel la sameyn karto: mid ay la yeelato dalalka Sunniyiinta dhexdhexaadka ah sida Masar, Imaaraadka iyo Sucuudiga, ama in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Greece iyo Cyprus. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku taliyay in Israel ay raadiso dano ay la wadaagto Türkiye, loona guuro iskaashi halkii laga sii wadi lahaa iska horimaad.

27/03/2025

Waxa jira qorshe ay dejiyeen Sacuudiga iyo Israa'iil tobon sano kahor,qorshahaas oo ahaa in somalia iyo Jabuuti la hoos geeyo itoobiya .

Waxaa la sheegaa in lixidii sano ee la soo dhaafay Imaaraadku wakiil uga ahaa in Soomaaliya la hoosgeeyo Itoobiya, oo ay markaas Itoobiya noqoto dawladda lagala Heshiinayo kheyraadka Soomaaliya.

Qorshahaas ayay dawadda Sucuudigu si toos ah ugu soo bandhigtay shir Israaiil ka dhacay sanadkii 2015-kii,Ciwaanka kulanka ayaa ahaa - Caqabadaha Gobolka iyo Fursadaha: Aragtida Sucuudiga iyo Israa'iil .

Sucuudiga ayaa qorshahaas uu ugu yeeray “Geeska Afrika Hala hoos geeyo hoggaanka Itoobiya hana la isku xiro Geeska Afrika iyo Gacanka Carbeed .

General Anwar Eshki Madaxii h**e sirddoonka sucuudiga oo Khudbad ka jeedinayey Golaha xiriirka dibada iyo Siyaasada - Council on Foreign Relations waxa uu yiri sidan .

" Waa muhiim in dhammaan Soomaalida ku nool Geeska Africa lagu biiriyo Ethiopia xitaa Dowlada Jabuuti .

Inta Af Soomaaliga ku hadasha oo dhan waa in dalka Ethiopia la hoos geeyo .

Marka Jabuuti iyo somalia lagu daro Itoobiya,Dowladahaas La isku daray lwaxaa loogu magacdari doonaa ”Geeska Africa .

Isku biirida dallakaas kadib, dhammaan kheyraadka dalalkaasi waxaa laga maamuli doonaa dalka Ethiopia "

Abdirizak Jubba Waxa qoray

Wararka ama warbixinada lasoo dhigo baraha bulshada aqrintooda waxaa ka xamaasad iyo Qosol badan Aqrinta Faallooyinka ay...
23/03/2025

Wararka ama warbixinada lasoo dhigo baraha bulshada aqrintooda waxaa ka xamaasad iyo Qosol badan Aqrinta Faallooyinka ay dadku ku qoraan dhanka hoose.

Maalin dhawayd nin حيدر layiraahdo oo aan filayo in uu Ciraaqi yahay baa wuxuu dhigay barta twitter-ka ama X: in Sirdoonka Ciraaq sheegeen in hoggaamiyaha cusub ee Daac!sh uu noqday Cabdulqaadir Muumin oo isku bixiyay Abu Xafsa Al-qurayshiyi oo Soomaaliya kasoo jeeda.

Intaas markuu soo qoray ayaa mid faalada waxa uu ugu qoray comment ah “Daac!sh waxay noqotay wax lagu qoslo waayo shardiga ugu muhiimsan ee khaliif lagu magacaabayo waa in khaliifku uu ka soo jeedo reer Quraysh. Soomaaligaan madoow ma nasab quraysh buu leeyahay si uu khaliif u noqdo ??” 😂😂😂😂

Xaydar oo ah kii soo qoray qormada ayaa u jawaabay oo yiri: “Cabdulqaadir, sida ay sheegeen taageerayaashiisa, wuxuu dib ugu noqonayaa (Majeerteen) oo ka mid ah qabiilada (Daarood), gaar ahaan jilibka (Cali Saleebaan), qabiilka (Daarood) sida ay aaminsan yihiin nasabkoodu waxa uu dib ugu noqonayaa ama kasoo jeedaa Caqiil bin Abii Daalib, sidaas awgeedna, C/qaadir waa Hashimi Qurayshi ah”.

Mid kalaa soo booday oo yiri: Adigu ma nasab baad leedhay Kurdiyohow? Soomaaligaan nasabkiisa, taariikhda awoowayaashiis iyo qabiilkiisa waa laga yaqaannaa Jasiiratul Carab iyo Afrikaba e, laakiin adiga yaa ku yaqaan? Waxa ugu dambeeya waa in u madow yahay taasna waa caadi waayo kaasi waa midabkii dadkii sharafta lahaa ee Reer Banii Haashim sida Cali.

Mid kaloo aan u malaynayo in u Soomaali yhay baa dooddii soo galay o yiri: Soomaaliya waxaa jira qabiillo nasabkoodu u noqonayo Cali Binu Abii Dhaalib, taasina waa aragtida nasabka ee edeb yeelo.

Markii dambe waa la isu miisay ilaa Shiica iyo Sunni loo kala baxay, anna markay ka baxeen soohdintii Cali Saleebaan baan kasoo haray, kkkkkkkkkk.

Adduunyadu waa taas !Xaaska madaxweynihii xilka laga tuuray ee Suuriya Asma Al Akhras ayaa ninkeeda markii Bishaar Al-As...
23/03/2025

Adduunyadu waa taas !

Xaaska madaxweynihii xilka laga tuuray ee Suuriya Asma Al Akhras ayaa ninkeeda markii Bishaar Al-Asad 3-aad ka dalbtay in uu furo si ay uga tagto meesha ay qaxoontiga ku yihiin ee Ruushka.

Waxay taagan tahay " War inkaar qabe anigu qaxoonti kula ahaan maaye i fur dunida nolol raadsadee oo aan ciriiriga nolosha Ruushka ka raystee "

Asma Al Akhras waa Suuriyaanad ku dhalatay, waxna ku baratay, haysatana dhalashada dalka Ingiriiska .

Waxay dawladda Ruushka ka codsatay in laga furo Bishaar Al-Asad oo ay hadda nacday ka dib markii ay ka wayday noloshii madaxnimada, raaxadii iyo ladnaantii ay ku qabtay Qasrigii madaxtooyada Dimishiq .

Waxay ku doodaysaa in aanay sii joogi karin Ruushka oo ay doonayso inay inta nolosheeda ka hartay inay ku nooaato London iyo dhulkii ay ku soo qaadatay nolosheedii caruurnimada .

Arrinkan sidoo kale waxa dabada ka riixaysa hooyadeed oo qayb ka ah qorshaha ay ku doonayso inay iska furto madaxweynaha qaxoontiga noqday.

Soddohdu waxay qudheedu leedahay gabadhayda nin qaxoonti noqday ma sii qabi karo ee madaxdeeda halloo fasaxo!

Waxay xoguhu tibaaxayaan in dawladda Ruushku aad u diiddan tahay in la kala furo Bishaar iyo Asma .

Sababta uu Ruushku u diiddan yahay in labadan qof la kala furo ayaa ah cabsi laga qabo in ay hadhow afka furato oo ay bixiso sir badan oo Asad ku saabsan.

Waayo qofta markay dhalaalkii iyo ladnaantii Adduunyo wayday furrriin dalbatay sir ma sii hayn doonto.

Sidaas oo ay tahay Asma waxa saaran cuna qabtayn ay Midowga Yurub iyo Ingiriiskuba ku soo rogeen balse haddii la soo furo oo ay Garoob noqoto waa mid meesha ka bixi lahayd. Macnaha waa layska cafinayaa .

Dumarow in ragga xiliga baraaraha laysku dhejiyo marka la waayana laga cararaa maaha xaajo wacane bal halkaas dib ugu laabta LOL.

By - Cabdullahi xasan .

23/03/2025

"Markii aan Musharaxa ahaa MW Xasan Sheekh waa madaxweynihii ugu h**eeyey ee taageero ii fidiyey,Soomaaliyana mar dhaw dhibka way ka baxaysaa"

Gudoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf.

23/03/2025

Madaxweyne Xasan Sheekh "Midowga Africa wuu na garab taagnaa, Soomaaliya waxaa loo huray dhiigag badan waxaa loo horay nafaf badan oo Africaan

Xog dheeri ah oo ku saabsan Diyaaradda T129 ATAK ee lagu xoraynayo gayiga Soomaaliya.T129 ATAK waa mid ka mid ah Diyaara...
22/03/2025

Xog dheeri ah oo ku saabsan Diyaaradda T129 ATAK ee lagu xoraynayo gayiga Soomaaliya.

T129 ATAK waa mid ka mid ah Diyaaradaha qumaatiga u kaca (helicopter) oo loogu talagalay dagaallada iyo howlgallada weerarka ah, gaar ahaan taageerada ciidamada dhulka. Waa nooc casri ah oo laga horumariyey "Agusta A129 Mangusta", taasoo asal Talyaanigu sameeyey.

Diyaaraddan waxaa soo saaray Türkiye, waxa farsameeyay shirkadda Turkish Aerospace Industries (TAI) iyadoo dganka kale kaashaneysa Leonardo S.p.A ee Talyaaniga.

Faa’iidooyin-ka T129 ATAK:

◦ Weerar Xoog leh – Waxay leedahay gantaallo iyo qoryo waaweyn oo ay ku beegsan karto bartilmaameedyada cadowga.
◦ Dhaqdhaqaaq Sare – Waxay aad ugu habboon tahay dagaalka buuraha iyo dhulka qallafsan.
◦ Tiknoolojiyad Casri ah – Waxay haysataa qalab sirdoon iyo weerar isugu jira, sida radar-ka aragga habeenka iyo nidaamyada la dagaallanka cadowga.
◦ Dagaalka Habeenkii & Maalintii – Waxay shaqeyn kartaa xilliyada habeenka iyo maalinta, iyada oo adeegsaneysa qalabka aragga infra-red-ka.
◦ Difaac Wanaagsan – Waxay leedahay dhismo adag iyo nidaamyo ka caawinaya inay iska difaacdo weerarrada lidka diyaaradaha.

Khatarteeda Dagaalka:

T129 ATAK waa diyaarad aad u halis badan oo si gaar ah ugu habboon:
◦ Weerarada bartilmaameedyada gaarka ah sida saldhigyada cadowga, gawaarida gaashaaman, iyo dhismayaasha militari.
◦ La dagaallanka taangiyada iyo gaadiidka ciidan iyadoo adeegsaneysa gantaallada lidka taangiyada.
◦ Taageerada Ciidamada Dhulka si ay ciidamada lugta ah uga caawiso weerarka iyo difaaca.

Wadamada ay ka howl-gashay:

T129 ATAK waxaa loo adeegsaday dagaallo iyo howlgallo kala duwan, gaar ahaan:
◦ Türkiye – Waxaa loo adeegsaday la dagaallanka kooxaha hubeysan sida PKK iyo howlgalada amniga gudaha oo looga guul gaaray.
◦ Azerbaijan – Waxaa loo qorsheeyay in la geeyo si ay u xoojiso awoodda militariga Azerbaijan.
◦ Pakistan – Waxaa Pakistan ay qorsheysay inay iibsato diyaaradan si ay u xoojiso awooddeeda dagaalka.
◦ Filibiin – Waxaa loo dhoofiyey ciidanka cirka ee Filibiin si ay uga caawiso howlaha militari ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Ugu danbayn:

T129 ATAK waa diyaarad dagaal oo la isku halleyn karo, laguna dhisay tiknoolojiyad casri ah. Waxay khatar weyn ku tahay cadowga, gaar ahaan taangiyada, gaadiidka ciidan, iyo ugaarsiga bartilmaameedyada muhiimka ah.

Isbuucaan waxa ay soo gaareysaa dalkeenna Soomaaliya si ay u soo af-jarto mashaqada iyo is maqiiqda kooxaha Argagaxisada ah ee aafeeyay kuna dabada dheeraaday dalka iyo dadkeenna.

Khartuum: Millateriga Suudaan oo horumar ka samaynaya dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka RSF ayaa sheegey in la wareeg...
22/03/2025

Khartuum: Millateriga Suudaan oo horumar ka samaynaya dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka RSF ayaa sheegey in la wareegeen gurgii Hoggaamiyaha kooxda, Maxamed Dagalo Xameeti.

Ar Lacagaaaa!! 😂
22/03/2025

Ar Lacagaaaa!! 😂

Amiin Yare “ Ramadaantii H**e Waxaan ku Soomay Magaalada Muqdisho, oo si weyn laygu soo dhaweeyey, Muqdisho Waxaa ku Noo...
21/03/2025

Amiin Yare “ Ramadaantii H**e Waxaan ku Soomay Magaalada Muqdisho, oo si weyn laygu soo dhaweeyey, Muqdisho Waxaa ku Nool Dad Gob ah oo Aan Jeclahay Maalmo Dhaweyd bay Waxna kala Gaareen, 10 Kii dambe ee Bisha Barakeysan ayaa lagu jiraa waxaan Reer Muqdisho ka Codsanayaa Cafis "

Fanaanka Amiin Yare oo ka mid ahaa Fanaaniintii Qaaday Heestii “ Ma Lihin Cadow Xamar ka Daran” ayaa cafis weydiistay Muqdishaawiyiinta.

Farmaajo ❤️. Hassan 😮.
21/03/2025

Farmaajo ❤️. Hassan 😮.

Address

Nairobi

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mayre Online Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share