Somali News & Trends

Contact the business

Somali News & Trends Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somali News & Trends, Media/News Company, jam Street eastleigh, Nairobi.

28/02/2026

𝗪𝗮𝗿 𝗱𝗲𝗴𝗱𝗲𝗴 𝗮𝗵: Diyaarahad drone iran ayaa ku dhismaha burj al arab sida muqaalka hoose ka muuqata.

27/02/2026
27/02/2026

𝗪𝗮𝗿 𝗱𝗲𝗴𝗱𝗲𝗴 𝗮𝗵:Diyaaradaha Dagaalka paakistan ayaa duqeymo Aargudasho ah ka geystay caasimadda Afganistan .

Telefishinka Ruushka ee RT, ayaa hadda baahiyay hadalka taliyaha guud ee ciidanka Iiraan, Jen. Abdolrahim Mousav oo shee...
13/01/2026

Telefishinka Ruushka ee RT, ayaa hadda baahiyay hadalka taliyaha guud ee ciidanka Iiraan, Jen. Abdolrahim Mousav oo sheegay ; “ Ciidanka Iiraan waxay ku jiraan heegan buuxa , weerar kasta oo Iiraan lagu soo qaado, wuxuu yeelanaya jawaab xooggan.”

04/01/2026

Madaxweynaha dalka Cuba, Miguel DĂ­az-Canel ayaa maanta hoggaamiyay bannaanbax ka dhacay bannaanka h**e ee safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Havana , kaasoo looga soo horjeeday howlgalkii Mareykanka ka fuliyay Venezuela.

Díaz-Canel , wuxuu ku eedeyay Trump inuu ku kacay fal argagixiso iyo jedin sharci, isagoo intaa ku daray ; “Venezuela darteed, waxaan diyaar u nahay inaan xitaa dhiiggayaga ku bixinno.”

Madaxweyne Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka kasoo qabteen gudaha Venezuela madaxweynihii dalkaas Nic...
03/01/2026

Madaxweyne Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka kasoo qabteen gudaha Venezuela madaxweynihii dalkaas Nicolas Maduro iyo xaaskiisa. Waxaa loo qaaday gudaha Mareykanka.

Somali Report

03/01/2026

Mareykanka ayaa duullaan rasmi ah ku qaaday dalka Venezuela, iyadoo duqeymo culus ay ka geysteen diyaaradaha dagaalka , kuwa aan duuliyaha lahayn iyo kuwa qumaatiga u kaca ee Mareykanka — saldhigyada ciidanka milatariga Venezuela iyo xarumo muhiim ah, sida ay werisey CNN.

Telefishinka Al Jazeera , ayaa sidoo kale ku warramay in diyaaradaha Mareykanka ay duqeeyeen guriga wasiirka difaaca Venezuela, ma jirto wax faahfaahin ah oo xaaladda wasiirka laga helay , waxaana sii socda duqeymaha uu Mareykanka ka wado caasimadda Caracas iyo magaalooyinka muhiimka ah ee Venezuela.

Wasaaradda arrimaha dibadda Jordan ayaa waxyar ka hor baahisay warsaxaafadeed ay wadajir ula soo saartay dalalka; Egypt,...
27/12/2025

Wasaaradda arrimaha dibadda Jordan ayaa waxyar ka hor baahisay warsaxaafadeed ay wadajir ula soo saartay dalalka; Egypt, Algeria, Comoros, Jabuuti, Gambia, Iiraan, Ciraaq, Kuwait, Liibiya, Maldives, Nigeria, Cumaan, Pakistan, Falastiin, Qatar, Sacuudiga, Soomaaliya, Suudaan, Turkiga, Yemen iyo ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) , waxayna si wadajir ah u caddeeyeen qodobadan soo socda:

1- Diidmo buuxda oo aan shaki ku jirin oo ay ka muujiyeen go’aankii ay Israa’iil soo saartay 26 December 2025, kaas oo ay ku sheegtay aqoonsiga Somaliland ee ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tixraacaya saameynta halista ah ee tallaabadan aan h**e loo arag ku yeelan karto nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyo sidoo kale saameynteeda khatarta ah ee nabadda iyo amniga caalamiga ah, taas oo muujinaysa iska indho-tir cad oo Israa’iil ku hayso sharciga caalamiga ah.

2- Waxay si aad u kulul u cambaareeyeen aqoonsigan, oo ay ku tilmaameen xadgudub bareer ah oo ka dhan ah xeerarka sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo si cad u adkaynaya ilaalinta madax-bannaanida dalalka, midnimadooda iyo wadajirka dhuleed.

3- Waxay muujiyeen taageero buuxda oo ay u hayaan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada Soomaaliya, wadajirka dhuleed, iyo xukunkeeda buuxa ee dhammaan dhulkeeda.

4- Waxay carrabka ku adkeeyeen in aqoonsiga madaxbannaanida qaybo ka mid ah dhulka dalalka uu yahay tusaale khatar ah oo halis gelinaya nabadda iyo amniga caalamiga ah, isla markaana wiiqaya mabaadi’da sugan ee sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

5- Waxay si cad u diideen isku day kasta oo tallaabadan loogu xiriirinayo qorshayaal lagu doonayo in lagu barakiciyo ama lagu masaafuriyo shacabka Falastiin meel ka baxsan dhulkooda, kuwaas oo si buuxda loo diidan yahay.

Address

Jam Street Eastleigh
Nairobi

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali News & Trends posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somali News & Trends:

Shortcuts

Share