12/08/2026
Maxkmadda Racfaanka ee Soomaaliya ayaa guud ahaanba meesha ka saartay xukunkii maxkamadda gobolka Banaadir ka soo baxay ee lagu riday Sacdiya Macallin Cali Sacdiya Bajaaj taas oo sadddex sano lagu xukumay.
Maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo xorriyadeedna la siiyo Sacdiyo Bajaaj oo muddo afar bilood ah ku xidhnayd magaalada Muqdisho.
Sii deynta Sacdiya Bajaaj ayaa timi markii haayadda xaquuqda Aadanuhu culays saareen dawladda Soomaaliya iyaga oo dawladda Soomaaliya ku cadaadiyey in ay xorriyadeeda siiso Sacdiya Bajaaj.