09/07/2026
Maktabadaan xilli waxa jirtay aan loo ogolayn dadka afrikaanka ah, waa maktabadda labaad ee ugu da'da weyn ee ku taala wadanka Kenya.
Waxaa si rasmi ah loo furay 5 Juun 1931, magaca maktabadaan waa haweeney magaceeda la dhihin jiray Lady Lucie McMillan, sababay ay u dhistay waxay ahayd si ay u xusto ninkeeda Sir William Northrup.
Xilligii gumeysiga Ingiriiska, maktabaddan waxaa isticmaali jiray dadka caddaanka ah oo keliya. Ka dibna waxaa loo furay dhammaan shacabka, ka hor xorriyaddii Kenya.