Mr D Y

Mr D Y Content creator, Graphic designer, Web Developer and Storyteller.
(693)

19/07/2025
18/07/2025
18/07/2025

ِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ

Aniga oo ah Maxamed Cali Cumar (Abwaan sharlaawe) waxaan halkan si rasmi ah uga caddeynayaa in aan u taaganahay tartanka kursiga xildhibaanimo ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kursiga tirsigiisu yahay HOP071.

Go’aankeyga ku aaddan in aan u tartamo kursigaan waxa uu ka tarjumayaa damiir iyo daacadnimo aan u qabo danta guud, horumarka dadka iyo deegaanka aan metelo, iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed. Waxaan aaminsanahay in bulshadeennu ay mudan tahay cod sare, matalaad cadaalad ah, iyo horumar taabagal ah.

Waxaan ku ballanqaadayaa in haddii la igu aamina matalaadda kursiga HOP071, aan si hufan, xilkasnimo iyo daahfurnaan ah ugu adeegi doono bulshada, anigoo ka shaqeyn doona nabadda, cadaaladda, shaqo-abuurka, iyo horumar waara.

Waxaa ila gudboon in aan idiin furo albaabka wada-hadalka, talo-wadaagga, iyo in aad igu garab istaagtaan sidii aan u noqon lahaa codkiinna dhabta ah.

Waad mahadsan tihiin.

20/06/2025
20/03/2025
18/03/2025
21/02/2025
20/02/2025
18/02/2025

Soomaaliya oo Dekedda Baraawe iyo Dhul 200KM ah u saxeexday Shirkad laga leeyahay dalka Kuwait muddo 25 sano ah.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Lafta-Gareen, ayaa saxeexay heshiis muddo 25 sano ah oo uu la galay shirkadda Arabi Holding Group Company. Heshiiskan ayaa dhigaya in shirkaddaasi la wareegi doonto Dekedda magaalada Baraawe iyo dhul cabirkiisu gaadhayo 200KM isku wareeg ah.

Heshiiskan waxa uu dhigayaaa in shirkaddu ay maalgashato dhulkan, iyadoo la horumarin doono dekedda Baraawe, isla markaana lagu maalgelin doono ka faa’iideysiga macdanta ku jirta dhulka, sida shidaalka.

Qiimaha maalgelinta ee mashruucan ayaa lagu qiyaasay $500 milyan.

Intaa waxaa dheer oo heshiiska ku jirta in la dhisi doono hoteello, aag cashuuraha laga dhaafo (Free Zone), warshado, horumarinta waxsoosaarka badda, iyo fursado shaqo oo kale. Waxaa sidoo kale heshiiska lagu daray muddo 5 sano ah oo loogu tala galay dhismaha mashruuca. Dhismaha mashruuca waxa qaadatay shirkadda Waadi Al Misri oo laga leeyahay dalka Masar.

Mashruucan ayaa la sheegay in uu adeeg u fidin doono dalal badan oo gobolka ka tirsan, sida Itoobiya, Koonfur Suudaan, Kenya, Afrikada Dhexe, Uganda, iyo Congo DRC.

13/02/2025

Address

Kakuma

Telephone

+254713476732

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mr D Y posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mr D Y:

Share