23/07/2026
🚨 | Waxka ogow macallimiinta kooxaha Premier League ee xilli-ciyaareedka soo aaddan.
Tan iyo markii horyaalka Ingiriiska magacan Premier League loo bixiyay, waa markii ay ugu da’da yaraayeen macallimiinta horyaalku. Keli ah saddex tababare ayaa gaadhay da’da 50.
Markii u horraysay muddo aad u dheer, PL ma joogo hal macallin oo ku guulaystay Champions League isaga oo macallin ah. Waana markii u horraysay ee ay sidani dhacayso tan iyo dhalashada PL.
Sida oo kale hal omacallin oo keli ah baa qaaday horyaalka PL(Arteta).
Dhanka koobabka waaweyn ee Europe iyo maxalligaba wax hal jeer ka badan ku guulaystay waxaa jira uun Unai Emery(4 Europa Leagues).
Keli ah 5 tababare ayaa kooxdooda horyaalka la jooga wax ka badan sannad. 15-ka kale waa cusub yihiin. Wax horyaalka ku cusub iyo qaar kooxdooda ku cusub.
Markii u horraysay taariikhda PL, siddeed kooxood baa horyaalka ku bilaabanaya iyaga oo wata macallimiin cusub.
Kooxo badani god madow bay gacanta galiyeen oo waxa ay qaateen khatar ah magacaabista macallimiin aan la hubin heerkooda iyo tayadooda.
Iyada oo xaqiiqooyinkaas la raacayo, tayadii horyaalku ma hoos bay u dhici doontaa mise xiisay sii yeelan doontaa maadaama oo ay tababarayaashu iska ag dhow yihiin?
Banooni Breakdown