13/04/2025
– 13 Abriil 2025
Nabadoon Mukhtar Ahmed Ibraahim, nabadoonka beesha Baadicade ee Gugundhabe, iyo Nabadoon Abdi Ali Hassan, nabadoonka beesha Jidle ee Gugundhabe, ayaa si wadajir ah digniin culus ugu diray Guddiga Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo kan maamulka Hirshabelle, iyaga oo ka digay in mar saddexaad si sharci-darro ah loogu celiyo kursiga beesha Jidle Xildhibaan Mohamed Abdullahi Hassan - Nuux
Nabadoonada ayaa xusay in doorashadii ugu horreysay ee 2016 uu Xildhibaan Nuux si rabshado watay uga helay kursiga, taasoo ka dhacday magaalada Jowhar. Waxaa doorashadaas lagu dilay dad rayid ah, waxaana markaas Guddigii Doorashooyinka Qaranka go’aan ku gaaray in laga saaro tartanka. Balse isagoo iska indha tiray go’aankaas ayuu ugu dambeyn isku caleema saaray magaalada Muqdisho.
Doorashadii labaad oo ka dhacday magaalada Muqdisho, Xildhibaan Nuux wuxuu kusoo baxay isagoo aan la tartamin cid kale. Waxaa la sheegay in uu ergadii beeshiisa uu hormuud uga dhigay walaashiisa la yar iyo malxiis uu dhalay, taasoo uu markale ugu suurtagashay in uu isku caleemo saaro si sharci-darro ah, iyadoo aan la helin tartan dhab ah ama ergay matala beesha si waafaqsan habraaca doorashada.
“Beesha Jidle si cad ayay u diiddan tahay in mar saddexaad la khiyaaneeyo oo kursigooda lagu celiyo qof aan beesha matalin, kana yimid laba doorasho oo muran, xadgudub iyo shirqool ku dhisan,” ayuu yiri Nabadoon Abdi Ali Hassan.
Nabadoon Mukhtar Ahmed Ibraahim ayaa dhankiisa yiri: “Waa in la joojiyaa damaca siyaasadeed ee lagu xadgudbayo sharafta beelaha. Ma aqbaleyno in mar kale la iska indha tiro xaqa beesha Jidle.”
Ugu dambeyntii, labada nabadoon waxay si xooggan ugu baaqeen madaxda dowladda federaalka, Madaxweynaha Hirshabelle, iyo guddiyada doorashooyinka in si dhab ah loo dhegaysto cabashada beesha Jidle, lana sugo caddaaladda si looga fogaado khilaaf bulsho
Racdheere community