Feysal Geelle

Feysal Geelle Artist

Waa Xildhibaan ka tirsan BFS😳🫢
03/01/2026

Waa Xildhibaan ka tirsan BFS😳🫢

Waa Sawirka madaxweynihii Venezuela🇻🇪 Nicolas Maduro oo jeebaysan.Sharcigii reer galbeedku awalba ayagu qorteen is ay ad...
03/01/2026

Waa Sawirka madaxweynihii Venezuela🇻🇪 Nicolas Maduro oo jeebaysan.

Sharcigii reer galbeedku awalba ayagu qorteen is ay aduunka ugu gumeystaan, isla ayagii ayaa maantayna cagta hoosteeda dhigay oo ka tegey.

Xaajadu hada waxay joogtaa Jungle Law, Dalba dalka uu ka xoog iyo quwad weynyahay inuu qabso kheyraadkiisana gurto ayey u muuqataa in si dadban loogu heshiiyey.

02/01/2026

Bal eeg heerka uu maraayo ka dhaadhicinta Yuhuuda ee shacabka soomaaliyeed.

Markaana waxay rabaan inay shaati samafal iyo caawin soo xirtaan ayaga oo isku muujinaya bad baadiye yaal.

Sideedaba mid ogaada gumeystuhu marka h**e si toosa kuuguma dhaho waxaan rabaa inaan ku qabsado ee xeelado kale ayuu adeegsadaa

Waxaa kamida xeeladaha uu gumeystuhu adeegsado, inuu marka h**e shaar dowlad wanaag iyo walaaltinimo iyo wax wada qabsi soo xirto, marna humanity gargaar iyo banii aadantimo kugu soo galo, markii aad is dhigato oo aad aamintana uu kugu noqdo mas qoorta kaaga duuban oo aadan iska dejin karin.

02/01/2026

Madaxweyne Hassan Sheikh: Israa||L iyo somaliland waxay ku heshiiyeen 3 qodob oo muhiim ah.

1-In shacabka falastiin ee Gasa laga soo baracinaayo la dejiyo somaliland.

2- In Israa||L base malateri laga siiyo gacanka cadmeed.

3- Iyo in somaliland ay kusoo biirto heshiis diimeedka Abraham Accord.

01/01/2026

BAAQ: Waxaan Ugu Baaqayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed Inay Iskugu Yimaadaan Shirweyne Ay Uga Tashanayaan Aayahooda Iyo Aayaha Umadda Soomaaliyeed.

Shirkaas Oo Lagu badbaadinaayo Isirka Ruuxa Soomaaliga Ah Iyo Guud Ahaan Dalka Soomaaliya Oo Wajahaya Khatar Weyn Iyo Hubanti La'aan Mustaqbal.

26/12/2025

“Nabar aad fileysey naxdin maleh”.
Wax walba sidii loo qorsheeyey ayey u Socdaan.

26/12/2025

Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, Bogaadin iyo dhalillo wada socda.

25/12/2025

Amniga muwaadiniinta ayaa muuhiim noo ah ee fadlan halaga taxadaro amniga muwaadiniinta codeyneysa.

24/12/2025

Natiijada shirkii Kismaayo waxa uu noqday, 2026 SOMALIA waxa ay yeelanaysaa laba dowladood Parallel Government Sida LIIBIYA, YEMAN IYO SUDAN.

11/12/2025

Waa feker aan aaminsanaa 10 sano hor in Somalia waxa hayaa oo ay u kici ladahay mudo ka badan 34 sano ay tahay hogaan xumo.

Waxaa jira wadamo badan oo aan isku xilli burburnay iyo kuwa gadaasheen burburay oo hadana inta ka soo kabtay burburkaas aduunka ugu h**eeya dhanka dhaqaalaha iyo hurumarka.

Sabatuna waa kaliya waxaa kala duwan hogaanka, ayaga hogaankooda ayaa u sabab ah inay dalkooda dib u dhisaan hormarna ku hogaamiyaan, anagana hogaankeena ayaa ah mid aan aragti lahayn, musuq iyo qabyaaladi indhatiray, oo aan wax ahmiyada aan siineyn horumarinta dalka iyo mideynta shacabka walaalaha ee soomaaliyeed.

08/12/2025

Saraakiisha barooraneysa maantay, maxay ugarab istaagi waayey maatadii shalay cagafta la dulmarinaayey.

Dulmiga marka h**e hadaadan diidin oo aadan u hiilan dulmanaha maalinta koobaad, Waxaad sugtaa waa inuu gurigaaga kugu soo booqdo, cid kuu soo bixi doontaana majirto maalintaas.

08/12/2025

Hadii aad cooshad ama jiingad degantahay amni xumada ayaad qayb ka tahay.

Waasida uu aaminsanyahay wiilkaan ku maaleystay burburinta iyo barakicinta shacabka danyarta ah.

Kaligiisna maahan ee dhamaantood ayaa sidaas aaminsan, in shacabka danyarta ah ee cooshadaha iyo jiigadaha degani ay amni xumada qayb ka yihiin maalkooduna uu xalaal u yahay inay dhacaan.

Address

Nairobi

Telephone

+252618040123

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Feysal Geelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Feysal Geelle:

Share