16/08/2026
Gorod Jare:
ayaa sidatan yiri Imaatinka Xasan Sheekh
ee Gaalkacyo waxa uu dan u yahay Puntland
sababahaan awgood:
1. Waxa caddaanaysa in aan Xasan madaxweyne u ahayn dal la yiraahdo Soomaaliya oo uu tegi karo meel walba oo ka mid ah. (dunida iyo dalalka deriska ahba taa waa ay xaqiiqsanayaan).
2. Waxa soo baxaysa in ay jirto xudduud ku-meelgaar ah oo kala qaybisa Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya, taa oo ah halka uu ku eg yahay taliska Xasan Sheekh oo hadda ah cirifka yar ee koonfurta magaalada Gaalkacyo (Baraxley).
3. Waxa uu Xasan Sheekh si dabiici ah u waayi
doonaa haybaddii awalba afka ahayd ee ahayd in uu Soomaalida Soomaaliya madaxweyne u yahay, waayo labada xaafadood ee Faluuja iyo Baraxley isku si uma uu tegi karo.
4. Dadka reer Puntland waxa ay fahmi doonaan in uusan jirin dal la yiraahdo Soomaaliya oo ay hoos-joogaan, cidda talo, nabadgalyo iyo masuuliyadba ka saaran tahayna ay Puntland tahay, Xasan Sheekhna uu yahay nin dadka Koonfureed madax u ah oo aan iyaga qusayn.
lyo arrimo kale.
Aniga dhankayga socdaalkaan Xasan Sheekh ee
Gaalkacyo wax badan oo Mudnaanta Puntland ah baa liga dhex-muuqda, macnena waxa ii samaynaya ii uu markii koowaad muuqanayo kala-soocanka Puntland iyo Koonfur, xudduudda, bulshada iyo siyaasadda.
Waa guul weyn.
Adigu sidee U aragtaa