31/10/2025
Xubnaha JWXO Ee Gaalkacayo oo Bayaankii Ururka ONLF Tageeray.
Xubnaha Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenia ee kadhisan magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug ee dalka Somalia oo ayaa kulan balaadhan isugu yimid maanta oo Jumce ah.
Xubnaha ayaa kulankooda ku taageeray Bayaankii dhawaan kasoo baxay Ururka ONLF ee lagu difaacayay Khayraadka iyo karaamada shacabka Soomaalida Ogadenia.
Xubnaha JWXO ee Gaalkacayo ayaa sheegay in ay diyaar uyihiin difaaca iyo ilaalinta Khayraadka Ogadenia, kaas oo ladoonayo in lagu dhaco sifo sharci daro ah.
Xubnaha ayaa dhanka kale shacab waynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay midoobaan korna loofikiro.