Jilbis Brave Net

  • Home
  • Jilbis Brave Net

Jilbis Brave Net Hoorarsami socod + wajiyogabax Tuxan Cooking & Food!

11/11/2025
documentary ( Garsoorkii loo cadaalad doontay ayaa u baahan dhulka ) 28-11-2025 waxaan Baahin Doona Maqal & Muuqal banaa...
11/11/2025

documentary ( Garsoorkii loo cadaalad doontay ayaa u baahan dhulka )

28-11-2025 waxaan Baahin Doona Maqal & Muuqal banaanka usoo saari Doona Wajiga Dhabta ee Garsoor Dhul Doon ah & Document been abuur ah ee Shacabka ku dhacaan. !!!

Muwaadin Somaliyeed la Dulmiayay !
document's been abuur ah & cida Sameysay !
Maqal: Hanjabaad Garsoore ! x²
Xukuno aan Laheyn Sal Sharci !

Muuqaal Faahfaahsan & Cadeymo Fadeexad Weyn Xambsaarsan, Waji Gabax ku noqon doona Garsoorka filo 28/11/2025

⌛️⌛️

Shirkada Favori Airports oo Ah Shirkad ee leeyihiin Ajaanib Turkey Gacantana ku Heysa Airportka Magalada Muqdisho ( aden...
11/11/2025

Shirkada Favori Airports oo Ah Shirkad ee leeyihiin Ajaanib Turkey Gacantana ku Heysa Airportka Magalada Muqdisho ( aden ade airport )

Favori ayaa Shaqaale Somaliyed oo gaaraya 15 sabab la'aan uga Ceyrisay Shaqadii Taas badalkeed waxey 15 shaqaale u dhashay Turkwy ku badashay Booskoodi iyadoo Mushaar kuwii h**e ee somalida ka badan u qortay shqaalahan Cusub,

Magacyadaa Shaqaalaha la dulmiyay Hoos ka Aqriso

1. Bashir Cabdullahi Xirsi – ID 214
2. Cawil Axmed Xasan – ID 168
3. Cabdi Cali Tuur Yare – ID 138
4. Fatxi Xasan Shidane – ID 256
5. Cabdullahi Xasan Nuur – ID 144
6. Maxamed Cali Nuur – ID 345
7. Asad Muhudin Mohamed – ID 216
8. Cabdirahman Mohamed Nuur – ID 192
9. Cabdirakiin Cali Ahmed – ID 336
10. Cabdinasir Ahmed Abdulle – ID 350
11. Asad Muhudin Mohamed – ID 216
12. Cabdirahman Mohamed Nuur – ID 192
13. Cabdirakiin Cali Ahmed – ID 336
14. Cabdinasir Ahmed Abdulle – ID 350
15. Fatxi Xasan Shidane – ID 256

Dowlada Somalia ayaa laga sugaya arintaan Masiiriga ah in ee jawaab ku haboon ka bixiso

Sidee u aragtaa ?

Astaan Qaran, Dan-Qaran
16/10/2025

Astaan Qaran, Dan-Qaran

06/10/2025

Warkan ayaa hadda kasoobaxay Madaxtooyada Soomaaliya

”Wajigii koowaad ee wadahadalladii socday oo laga sameeyay horumar, iyadoo lagu ballamay in wadatashiyadu sii socdaan, dibna la iskugu soo noqdo si loo sii ambaqaado geeddi-socodka wadahadalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Maamulka iyo shacabka Jubaland soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, isagoona ku bogaadiyey dareenkooda Soomaalinimo ee ay u muujiyeen intii uu ku sugnaa Kismaayo“.

06/10/2025

Wafdigii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhow ka soo ambabaxay Kismaayo, iyadoo uu soo sagootiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wada hadalada ayaa noqday mid lagu kala tagay oo aan wax natiijo ah laga gaarin, ilo wareedyo labada dhinac ah ayaa sheegaya inuu jiro qaab weji-dadbasho ah oo War murtiyeed uu dhinac walba soo saaro, si looga ilaaliyo in wada hadaladu burbureen laguna muujiyo in wada hadalada sii soconayaan, inkastoo arrintaas qudheeda aan la isku fahmin nuxurkiisa iyo qaabka loo dhigayo.

Wada hadaladii ayaa mar kale saaka la isku laabtay, kaddib kulamadii xalay oo aan wax natiijo ah laga gaarin.Illaa hadda...
06/10/2025

Wada hadaladii ayaa mar kale saaka la isku laabtay, kaddib kulamadii xalay oo aan wax natiijo ah laga gaarin.

Illaa hadda wax horumar ah lagama gaarin wada hadalada, dadaalada diblomaasiyadeed ee Kenya waday ayaa sii socda, iyadoo labada dhinac u kala dabqaaxdyso

Dhanka wafdigii Kenya ka socday ayay u badan tahay inay gelinka h**e ee saaka ka ambabaxaan Kismaayo, halka wafdiga Madaxweynaha ay geeddi yihiin, sidoo kalena diyaaradahooda ay fadhiyaan garoonka.

Xaalku wali waa adag yahay, in wada hadalada burburaan waa suura gal ama in la soo saaro war murtiyeed weji dad-basho ah, si wada hadalada loo dhaho waa sii soconayaan, haddii aanay labada dhinac midna tanaasul dhab ah la imaan.

Original photo © Jilbis Brave Net 2025 — All rights reserved.
05/10/2025

Original photo © Jilbis Brave Net 2025 — All rights reserved.

XOG: Telefeshinka Qaranka Somaliya ayaa baahiyay sawirkaan kaaso lagu sheegay in uu yahau Gaarigii shalay isku qarxiyay ...
05/10/2025

XOG: Telefeshinka Qaranka Somaliya ayaa baahiyay sawirkaan kaaso lagu sheegay in uu yahau Gaarigii shalay isku qarxiyay Xabsiga Godka Jilaccow.

Maxey kula tahay ?

Cajiib !!! Dowlada Federalka Somalia Ayaa ka gaabsatay in Warbaahinta qaranka Lagu daabaco Magaca & Jagada Axmed madoobe...
05/10/2025

Cajiib !!! Dowlada Federalka Somalia Ayaa ka gaabsatay in Warbaahinta qaranka Lagu daabaco Magaca & Jagada Axmed madoobe kaaso ee horay DFS kala laabatay Aqoonsiga,

Hadaba Dad badan oo ka falceliyay arintaan ayaa ku Tilmaamay in Wali DFS Ku taagantahay Go'aankeeda ahaa in eysan aqoonsaneen Maamulka Axmed Madoobe, waxaana laga warsugaya Natiijada kaso bixi doonta Wada'hadalada ku dhax mari doona Magalada Kismaayo.

Sidee u Aragtaa

Falanqeyn: Axmed Madoobe hadii uu aqbalo inuu la heshiiyo Xasan Sheekh, uu ka laabto doorashadii uu qabsaday November, w...
05/10/2025

Falanqeyn:

Axmed Madoobe hadii uu aqbalo inuu la heshiiyo Xasan Sheekh, uu ka laabto doorashadii uu qabsaday November, wuxuu luminaya Siciid Deni oo qura.

Mucaaradka Xamar, iyaga u baahan Axmed Madoobe ee isagu uma baahna,

halka Xasan Sheekh hadii uu aqbalo doorashadaas uu lumin karo ra'iisul wasaare Xamse, sidoo kalana uu ku qasbanaan doono inuu doorasho deg deg ah galiyo maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Maxey kula Tahay ?

XOG: Labadii weerar ee ugu dambeysay ee Muqdisho ka dhacda mudo bill Gudaheed.24kii September: Mucaaradka ayaa sagaal ti...
05/10/2025

XOG: Labadii weerar ee ugu dambeysay ee Muqdisho ka dhacda mudo bill Gudaheed.

24kii September: Mucaaradka ayaa sagaal tikiniko ah ku weeraray saldhiga degmada Warta Nabadda.

Shalay 4ta October: Argagixisada ayaa gaari ay soo mariyeen rinjiga iyo sumadda ciidanka Dowladda ku weeraray saldhiga Jilacoow.

Labaddaas weerar waxay khasaaro kasoo gaartay ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana labada weerarba la isku dayay in maxaabiis xoog lagu sii daayo laakiin ma suurtoobin.

Address

Kilimani

001290

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jilbis Brave Net posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Jilbis Brave Net:

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share