17/05/2025
SIYAASAD XUMADA IYO FIKIR LA’ANTA HEYSATA SHACABKA GEDO.
Bimillah raxmaani raxiim.
Dhuhur wanaagsan.
15 kii sana ee oogu dambeysay shacabka gedo wuxuu la kulmay hagardaamooyin aad u badan.
1. Shabaab iyo khawaarij ayaa wada walba isbaaro dhigatay. Reer miyi k**a nabad galin oo mid ey xoog u sheegtaan iyo takfiiriyaan oo ciyaalka kawataan ayey kadhigeen, beeraleyda tabcasho uma ogalo, hormar iyo warshado in la sameeyo warkeed iska daa, wadooyiinka iyo buundooyin in la dhiso dagaal ayey ka xigaan, miyi iyo magaalana isbaaro ayaa utaalo baad canshuur ( madax furasho) ayey kaqaadaan, haldoorki shacabkana mid dhuma iyo mid dhaan raaca ayey ka dhigeen ( aaway gadoomiye barkuus, aaway suldaan idiris, …)
2. Dowlada federaalka waxey u isticmaasha si turub ay digaal ku gasho.
Xasan sheeq waaki boqolaalka wiil ku dilay intuu dabaabadka kenya ka horgeeyey oogu dambeyna axmad madoobey kaarka ooga iibsaday.
Farmaajo wa kii boqolaalka wiil balad xaawo ku laayey.
Xasan sheeqa hada waakan colaada hurinaayo siduu doorasho iyo kursi noogu fuuli lahaa falankeeda kujira.
3. Jubaland iyo axmad madoobe wuxuu u arkaa mashruuc beecshiro oo malaayiin doolar ku lunsado sanakiiba. Waxaa igu maqaal ah in sanadkii dhawar boqol oo malyan uu kafaaido, haduu xasrad ka abuurin uu kabaqaayo isla xisaabtan iyo gadood sidaa awageed uu mar walba shaati cusub usoo gashadaa oo daba dhilif noolasha kadhacay soo diraa (divide and rule)
4. Dawladaha dariska ah.
-kenya waxey u aragtaa argagiso ka daran shabaab arima qabiil iyo ganacsi owgood
-Ethiopia aarsi ayaa ka jo’an iyo iney mustaqbalka la wareegto gobolka.
5. Siyaasiyiinta ree gado.
Fedaraalka hal ruux oo qiima leh ooguma jidho. Waxey u badanhiin kuwa Nairobi noolasha ooga dhacay iyo kuwa farta loogu yeedho. Qof caqli leh oo hormar kifikiraayo kuma jidho, badankood waan aqaana.
6.shacabka.
Shacabka waa la kala irdeeyey, isma arki karaan cadawgooda ma arkaan.
Maskaxda ayaa laga qabsaday ninki talaabo isku dayo shabaab ayaa dilaayo. Ninki fikrad la imaada walaalkiis ayaa laga adeejiya.
Isku socod dagmooyinka dhaxdooda wuu banadanyahay, meelna shabaab ayey isbaaro utaala meelna Ethiopian iyo mooryaan ayey u taala.
GUNAANUD.
Chacabka GEDO cidna uma maqno ceelna Una qodno.
Hadeysan isku tashan mar aan dheereyn wey dhaxal wareegaayaan.
Nala wadaag dhibaato siyaasadeed ood goob joog u aheyd??
Wa bilaahi tawfiiq.