02/08/2024
Cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Jamhuuriyadda ee Uruguay ayaa sheegay in electromagnetic radiationka ka baxa video cableska la qaban karo oo la akhrin karo iyadoo la adeegsanayo AI.
Waa sidan sida ay u shaqeyso: 🧐
1. Video cableska, sida HDMI, waxay sii daayaan radiation yar marka ay xogta gudbinayaan.
2. Cilmi-baarayaashu waxay adeegsadaan AI si ay u fahmaan oo u turjumaan signals-kaas, taasoo u ogolaaneysa inay abuuraan sawirro muujinaya waxa ku qoran shaashadda. 🖥️
3. AI wuxuu awoodaa inuu dib u dhiso qoraalka laga xado HDMI signals qiyaastii 70% si sax ah, taasoo fududeynaysa in tuugadu fahmaan xogta sida numberada sirta ah. 🔐
Weerarkan waxaa loo isticmaali karaa siyaabo kala duwan:
- Tuugadu waxay dhigi karaan deviceyo yar oo qarsoon si ay u qabtaan signalska. 🕵️♂️
- Ama, waxay isticmaali karaan anteeno raadiye si ay u qabtaan radiationka marka ay dhacayso. 📡
Inkastoo hay'adaha waaweyn ay ilaalin karaan xogtooda, isticmaalaha caadiga ah weli waxaa laga yaabaa inuu halis ugu jiro weerarkan. Ma aha inaad iska tuurto video cables-kaaga HDMI, laakiin waa muhiim inaad feejignaan dheeraad ah yeelato, gaar ahaan marka aad isticmaalayso macluumaad xasaasi ah. 👀
That is why waxa loo dhaho u isticmaala crypto hal computer oo gaar ah.
Source : TechSpot
Post owner Ibraahim Ahmed