23/08/2026
Heshiisyada Wadatashiga Qaran: Itoobiya Wax Ma Ka Badali doontaa?
Itoobiya maanta waxay joogtaa meel ay su’aal ka wayn tahay in la yiraahdo “waa la heshiiyey” ay taagan tahay.
Heshiisyadan iyo is-afgaradyadan dhab ahaan Itoobiya wax ma ka badali doonaan?
Waa su’aasha ay tahay in qof kasta oo Itoobiya danaynaya uu is waydiiyo.
Todobaadyadii lasoo dhaafay, Itoobiyaanku waxay isugu yimaadeen hal miis, waxayna ka wada hadleen arimo mudo dheer sababay khilaaf, kala-qaybsanaan iyo xiisado siyaasadeed. Dhamaan sideedii ajande ee waawaynaa ee Wadatashiga Qaranka ayaa la sheegay in laga gaaray is-afgarad iyo talooyin la isku raacay.
Laakiin halkan ayay su’aashu ka bilaabanaysaa:
Heshiis la saxiixay iyo talo la isku raacay ma ku filan yihiin inay Itoobiya badalaan?
Jawaabtu waxay ku xirnaan doontaa waxa xiga.
Hadii qodobadii la isku raacay ay ku ekaadaan waraaqo, khudbado iyo sawiro laga qaaday miiska wada-tashiga, shacabka Itoobiya wax wayn k**a dareemi doonaan. Laakiin hadii talooyinkaas loo badalo sharci, siyaasado, hay’ado iyo talaabooyin dhab ah oo la fuliyo, markaas Wadatashiga Qaranku wuxuu noqon karaa mid ka mid ah dhacdooyinka siyaasadeed ee ugu saamaynta badan taariikhda casriga ah ee Itoobiya.
Waxaa laga wada hadlay arimo taabanaya qaab-dhismeedka dawlada, nidaamka siyaasadeed, matalaada, doorashooyinka, dhismaha hay’adaha, xukunka sharciga, xuquuqda aadanaha, nabad-dhisida, dhaqaalaha iyo arimo kale oo salka ku haya mustaqbalka dalka.
Sidaas darteed, waxa maanta la sugayaa ma aha oo kaliya in la sheego in Itoobiyaanku “wada tashadeen”.
Waxa la sugayaa waa in Itoobiya ay wax ka badasho waxa ay Itoobiyaanku isku afgarteen.
Hadii shacabka lagu yiraahdo “waan idin dhagaysannay”, laakiin talooyinkii ay bixiyeen aan loo badalin wax la taaban karo, kalsoonidii shacabka waxay mar kale dhaawacmi kartaa.
Hadii se heshiisyadaasi noqdaan kuwo lagu hago dib-u-habayn siyaasadeed, dhismaha hay’adaha, xoojinta sharciga iyo xal u helida khilaafaadka soo noqnoqda, markaas waxaa la oran karaa wada-tashigu wuxuu ka gudbay miis iyo shir, wuxuuna galay nolosha dhabta ah ee dalka.
Itoobiya ma isu diyaarinaysaa bog cusub?
Su’aashan ayaa ah tan ugu muhiimsan.
Itoobiya ma rabto oo kaliya heshiis kale oo taariikhda lagu daro. Waxay u baahan tahay natiijo ay shacabka ku arkaan nolol maalmeedkooda.
Waxay u baahan tahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xaliyo miiska wada-hadalka.
Waxay u baahan tahay hay’ado dadku ku kalsoon yihiin.
Waxay u baahan tahay nidaam siyaasadeed oo dhinacyada kala duwan ay dareemaan inay qayb ka yihiin.
Waxay u baahan tahay in xuquuqda muwaadiniinta iyo xukunka sharciga la xoojiyo.
Waxay u baahan tahay in nabada laga dhigo wax ka badan eray siyaasadeed.
Hadii arimahaas laga shaqeeyo, heshiisyada maanta la gaaray waxay yeelan karaan qiime ka wayn kan warqada lagu qoray.
Laakiin hadii aan la fulin, waxaa jiri doonta su’aal adag oo jiilalka danbe ay is waydiin doonaan:
“Maxay ahayd sababta kumanaan qof loo isu keenay, hadii aan talooyinkoodii waxba laga badalin?”
Waxaa jira farqi wayn oo u dhaxeeya in la wada hadlo iyo in natiijada wada-hadalka la fuliyo.
Wada-tashiga Qaranku wuxuu hada marayaa meesha ugu adag: fulinta.
Miiskii wada-hadalku wuu shaqeeyay; hada waxaa la doonayaa in natiijadii miiska laga dhigo ficil.
Hadii taas la sameeyo, Itoobiya waxay dhab ahaan gali kartaa marxalad cusub.
Hadii kale, heshiisyadu waxay halis ugu jiraan inay noqdaan bog kale oo taariikhda lagu qoro, balse aan wax badan ka badalin nolosha dadka.
Markaa su’aashu ma aha: “Itoobiya ma heshiisay?”
Su’aashu waa:
“Itoobiya ma ku dhaqmi doontaa wixii ay ku heshiisay?”
Jawaabta su’aashaas ayaa go’aamin doonta in Wadatashiga Qaranku noqdo guul taariikhi ah-ama uu ku ekaado shir taariikhi ah.