SRAJ News

SRAJ News Hadalyar iyo Howlbadan

An independent and Outlet News that covers the Truth towards the oppressed and Marginalized Somali people who were under occupied since 1954 by the Ethiopian government under the consent of the British government through the barrel of gun.

Sheekadan Odhaneysa Reer Jigjiga Ma Qabaysytaan Horta Tayari Shacab Iyo Madax Maynan Kala Qaadin Dadka Ugu Badan Ay La K...
14/12/2025

Sheekadan Odhaneysa Reer Jigjiga Ma Qabaysytaan Horta Tayari Shacab Iyo Madax Maynan Kala Qaadin Dadka Ugu Badan Ay La Kulmaysay Waxey Ahaayeen Madaxda Deegaanka Iyo Inta Ugu Dhaqaalaha Roon Jigjiga Ee Qandaraaslayda Ah.

Inta Xilalka Haysa Iyo Qandaraaslayda Ayey Sheekadani Ku Koobantahey.

Dhibaatooyinka uu gobolka Liibaan ku hayo Maxamed Shaale (Madaxa Xarunta Dhexe PP) Laanta Deeganka!Mohamed Shaale ayaa j...
14/12/2025

Dhibaatooyinka uu gobolka Liibaan ku hayo Maxamed Shaale (Madaxa Xarunta Dhexe PP) Laanta Deeganka!

Mohamed Shaale ayaa jifadiisa ku abaabula inay jabhad ka samaystaan aaga Wabiga Dawa ee dhanka Sadeey, Mohamed Shaale ayaa si cad ugu lug leh hurinta isku dhacyada bulshada gobolka Liibaan.

Wuxuu loolan adag ugu jiraa inuu
Xoog ku qaato xildhibaanada heer federaal ee ka soo baxa gobolada Dawa & Liibaan. Mar labaad si qasab ah ayuu ugu diidan-tahay in la helo xildhibaan matala beesha Gaar-mare ee degmada Dolo Ado.

Mas’uuliyiinta uu u magacaabo gobolka waa kuwo u shaqeeya danihiisa gaarka ah, kana fog danaha xisbiga, dawladnimada iyo wadajirka bulshada. Wuxuu maamulada ku amraa in qaba’iilada kale ee Soomaalida ah ee ku nool gobol-ka aan la siin xuquuq-dooda.

In adeegyada dawliga ah laga xanibo hadii aysan Dagoodi sheegan dadka ku nool gobol-ka In dhulka magaalada dolow Ado aysan iibsan karin beelaha kale.

Mar-walba Wuxuu kula dar-daarma hogaaminta gobolka Liibaan in Dagoodi kaliya leeyahay liiban, isla markaana beelaha Mareexaan, Gaar-mare iyo kuwa lamid-ka aysan ka helin wax saami hogaamineed ah gobolka.

Qabyaaladi ku qadatay kuma dhigto, qabyaalad badana wiilku!

SRAJ News

14/12/2025

Hawlaha ugu waawayn ee la fuliyay todobaad-yo gudohood Safaarada Jamhuuriyada Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya ee Abu Dhabi.

Labo Tobdobaad ayuu waxan oo shaqo ah ku qabtay Ambassador Dr. Jemal Beker. Hambalyo Ambassador dadaal-ka iyo shaqada wanagsan eed dalka u hayso.

13/12/2025

Dhibaatooyinka uu gobolka Liibaan ku hayo Maxamed Shaale (Madaxa Xarunta Dhexe PP) Laanta Deeganka! La soco Insha Allah.

Been, Bahdil iyo Hogaan Lumin Qisada Murugo-da  Leh Ee Ay Nagu keentay Tageeradi H**e Ee Mustafe Cagjar!hadaan xaqiiq-da...
13/12/2025

Been, Bahdil iyo Hogaan Lumin Qisada Murugo-da Leh Ee Ay Nagu keentay Tageeradi H**e Ee Mustafe Cagjar!

hadaan xaqiiq-da idiin sheego, mustafe cagjar waa lug baxay, in kursiga uu banayna Waa loo sheegay oo uu badal yahay caawana isaga xog walba Waa haya balse laga yaabo kuwo maamulkiisa kamid ah oo badan inuusan xogtiisa hoose u sheegin.

Been iyo maaweelo aan waxba ka jirina isku sheegayaan ninka amar lagu siiyay sida uu’u soo xuli laha xubnaha baar-la’maanka deegaanka ee hebel iyo hebel soo qor lagu yidhi iyo nin walba golaha dhexe deeganka ku jiray sida Mohamed Omer Abdi Wasac bade.

Sido kale lagu yidhi nin walba oo heer federal ah somali-ah ku soo dar sida ambassador Dr. Jemal Beker, Hassan mo’alim, Dr. Suldaan Wali iyo waliba rag badan oon hada shaqayn balse sanado kahor shaqaynayay, ninku bahdil iyo quudhsi u naf adkaa, ceebay tacaal.

Mustafe cagjar ma ninkii loo han-wayna balse hada ku baxaaya tariikhdii Abdi yare mid ka liidata.😭

SRAJ News

13/12/2025

Reer saleexad go’aankii 5-sano kahor ay idiin sheegen maamulka mustafe cagjar wax ka baxsan hadaad yeeshan idiinka khalad oo dhan leh, dhulkiina miyaa maalin walba la idinka durkinaya, caqligiinu ha shaqeeyo.

Talaabo Geesinimo Leh oo Gilgishay Salaxaad, Taliye Gafaydhe oo Diiday Booqasho Muran Dhalisay, Khilaafna Banaanka Soo D...
13/12/2025

Talaabo Geesinimo Leh oo Gilgishay Salaxaad, Taliye Gafaydhe oo Diiday Booqasho Muran Dhalisay, Khilaafna Banaanka Soo Dhigtay!

Taliye Gafaydhe ayaa sameeyay talaabo geesinimo leh oo taariikhi ah, taas oo si cad u muujisay mowqifkiisa adag ee uu ka qaatay booqashadii uu Salaxaad ku tagayay hogaankii xafiiska nabad-galiyada joogay ee ku shaqaynayay fikradi “suldaan Hooley.”

Taliyaha ayaa si cad u bixiyay amar ah in aan wax soo-dhawayn ah haba yaraatee loo sameyn wafdigaas, isagoo sidoo kale ku dhiirigeliyay shacabka dulman ee reer Salaxaad in ay muujiyaan diidmo cad oo ka dhan ah booqashadaas macna-la’aanta ah, ee wiilkan xambaarsan cuqdada, nacayb-ka iyo dano gaar ah.

Si kastaba ha ahaatee, maadaama meel walba hor-galo joogaan, maamulka degmada ayaa faragalin ku sameeyay arinta, isla markaana fashiliyay qorshihii saxda ahaa ee uu waday Taliye Gafaadhe, sida xog rasmi ah ay xaqiijisay.

Arintan ayaa banaanka soo dhigtay khilaaf qoto dheer oo h**ey u jiray oo u dhexeeyay labada mas’uul, khilaaf salka ku haya arimo hoose, qadiyado midan hada taagan iyo kuwo ka h**eeyay-ba oo mudo dheer la qarinayay, kuwaas oo hada si cad u soo ifbaxay.

Ugu dambayn, Taliye Gafaydhe waxaan si buuxda ugu bogaadinaynaa dadaalka, geesinimada iyo mowqifka cad ee uu kaga hortagayo ficilada wiilkan uu wado ee ay qalbigiisa ka buuxaan nacayb-ka, cuqdad-da iyo dagaal-ka uu beelaha gaar-ka ah kula jiro, een marna aan u taagnayn danta shacabka iyo midnimada guud ee bulshada, ee dad gaar ah un u adeegaya.

SRAJ News

Dhibaatooyinka uu gobolka Liibaan ku hayo Maxamed Shaale (Madaxa Xarunta Dhexe PP) Laanta Deeganka.Maxamed Shaale wuxuu ...
13/12/2025

Dhibaatooyinka uu gobolka Liibaan ku hayo Maxamed Shaale (Madaxa Xarunta Dhexe PP) Laanta Deeganka.

Maxamed Shaale wuxuu gobolka Liibaan ka hirgaliyay nidaam qabiil, isaga oo meesha ka saaray nidaamkii dawladnimo iyo sharciyadii rasmiga ahaa.

Awaamiirta iyo go’aamada dawladu wuxuu u badalay nidaam qabiil, isagoo sad-bursiga, khayraadka iyo qandaraasyada oo dhan ku koobay beesha Dagoodi oo keliya.

Wuxuu si toos ah uga shaqeeyey abuurinta iyo kicinta isku dhacya-da qabiil-da, gaar ahaan

Dagoodi & Gaar-mare
Dagoodi & Mareexaan

Sarayn sharci k**a jirto gobolka Liibaan, maadaama dambiyada lagu dhameeyo “xeer Dagoodi”, halkii la mari lahaa sharciga dawliga ah.

Xoriyadda hadalka iyo fikirka dimuqraadiga ah lama ogola dhalinyaro, odayaal iyo shacab si joogto ah ayaa loo caburiya, loona xidh-xidha maalin walba waana amarka Maxamed Shaale.

Malaha wuxu is yidhi tusbixi sixirka aha ee uu qoorta kuwatay ayaad dhul dad leeyahay ku qaadan karta, wuu is ogyahay inuusan tabar kale ku qaadan karine.!

SRAJ News

13/12/2025

Dacaayad, Tuhun iyo Siyaasad Qarsoon, Stalin Gebreselassie oo Weerar Afka ah ku Qaaday Getachew Reda kadib Waraysigii London!

Weriyaha TPLF ee Stalin Gebreselassie ayaa dhaliil iyo tuhun cusub ka sameeyay waraysigii uu Getachew Reda dhawaan uu ku bixiyay London, isaga oo ku eedeeyay inuu waraysigaasi dhaawacay xiriirkii siyaasadeed ee u dhexeeyay Getachew iyo Abiy Ahmed.

Stalin, oo mudooyinkii dambe si cad uga soo horjeeday go’aankii Getachew uga baxay hogaanka TPLF, ayaa sheegay in uu “xog” ka helay xubno ka tirsan xisbiga Simret, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ka baqayaan saamaynta waraysigaasi ku yeeshay xaaladooda siyaasadeed.

Warbixinta uu baahiyay Stalin ayaa sheegaysa in dadkii la shaqayn jiray Getachew ay wajahayaan cadaadis iyo hanjabaad, isaga oo soo xigtay hadal la sheegay in loogu diray fariin ah, “Hadii aad halgan wadaan, Mekele ku noqda-Addis Ababa wax idiinma yaale.”

Si kastaba ha ahaatee, hadalada uu baahiyay Stalin-kuwaas oo qaab ahaan u eg dacaayado h**e loogu arkay kooxaha Ethiopian-ka ee xagjirka ah qaarkood, sida Fano-waxay khubaro siyaasadeed ku tilmaameen kuwo aan badali karin xaqiiqda ah in xiriirka Abiy iyo Getachew uu ku salaysan yahay dano siyaasadeed oo ka balaaran sheegashooyinka la faafinayo.

SRAJ News

13/12/2025

Dhibaatooyinka uu gobolka Liibaan ku hayo Maxamed Shaale (Madaxa Xarunta Dhexe PP) Laanta Deeganka Somoalida La Soco Saacad Kadib Insha Allah.

Qaybta-2aad!

Maalmahan waxa si wayn u taagan khilaaf iyo qalalaase dhanka xuduuda Berdaaley degmada dollow Addo, halkaas oo shacabka ...
13/12/2025

Maalmahan waxa si wayn u taagan khilaaf iyo qalalaase dhanka xuduuda Berdaaley degmada dollow Addo, halkaas oo shacabka iyo dowlada ay isku horfadhiyaan arin ka dhalatay gudoomiyaha qabalaha oo lagu soo magacaabay si aan sharciga waafaqsanayn.

Ninka la sheegay inuu gudoomiyaha noqonayo waa shaqsi aan shacabku aysan rabin, balse isku dayaya inuu xil ku helo dano gaar ah iyo sad-bursi siyaasadeed uu mohamed Shaale ka shaqaynaayo.

Shacabka Bardaaley si cad ayay u sheegeen in aysan marnaba ogolayn magacaabistaas sharci-darada ah, iyagoo ku adkaystay in amniga xuduudu uu yahay waajib ay iyagu ka dhabaynayaan.

Dadka beesha Garemare oo ah shacab nabada jecel, xaqoodana raadinaya, waxa ay ku nuuxnuuxsadeen inaan la aqbali karin in lagu xad-gudbo xuquuqdooda ama lagu caburiyo codkooda.

Waxaa nasiib daro wayn ah in dhibaatooyinkan uu hurinayo Mohamed Shaale, madaxa xisbiga PP ee laanta deegaanka Soomaalida, oo dadka deegaanka ku cadaadinaya qorshe dhul-balaarsi iyo asaga oo wata danihiisa gaar-ka ah.

Waxaan leenahay Shacabku waa ka dhiidhiyeen, mana aqbalayaan wax ku yimid cabsi-galin, qabiil ku takri-fal ama dano kooxeed. Xaqa dadka bardaley waa lama taabtaan, xuduudahana iyaga ayaa u taagan difaaceeda.

Ina Shaale dhul-balaarsiga ha joojiyo sidaas laandheere ku noqon mahaye.!

SRAJ News

Tolow Reer Awaare Ma Udiyaariyeen Xildhibaan Ragii Tunka Markale Ku Qaadi Lahaa?Goob Doorashada Xuseen Qasim (Dhaxal Sug...
13/12/2025

Tolow Reer Awaare Ma Udiyaariyeen Xildhibaan Ragii Tunka Markale Ku Qaadi Lahaa?

Goob Doorashada Xuseen Qasim (Dhaxal Sugaha) intaad Ku Mashquulsaneydeen Ayaad Shaqadiina Ilowdeen Walalayaal.

Address

Kindaruma Road
Nairobi

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SRAJ News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category