20/07/2026
Waxbarashada iyo Su’aalaha Ka Dhashay Qorshayaasha Cusub
Iyada oo aan weli la dhisin dugsiyadii burburay, isla markaana boqolkiiba 90% dugsiyada magaalada aysan lahayn dhismayaal wanaagsan oo ay ku shaqeeyaan, qaar badanna ay ku jiraan xaalad aad u liidata, marka aad eegto waxaad mooddaa inay ka hooseeyaan heerka faqriga.
Dugsiyadaas dowladda ma dhisto, mana kafaala qaaddo carruurta agoonta ah iyo kuwa duruufaha adag ku dhigta dugsiyadaas. Sidoo kale ma garab qabato macallimiinta mararka qaar aan helin mushaharkooda, kuwaas oo haddana xishood iyo samir ku shaqeeya iyagoo leh: “Waxaad tahay macallinkii Qur’aanka, wixii lagu siiyo qaado.”
Haddaba waxaa isweydiin mudan: maxaa keenaya qorshayaal cusub iyadoo dugsiyadii h**e ay weli u baahan yihiin taageero? Ma waxaa jira ajande lagu doonayo in canshuurta lagu kordhiyo, iyadoo dugsiyada laga raadinayo dakhli badan? Mise waxaa la doonayaa in mashruuca ay gacanta ku dhigaan shaqsiyaad gaar ah?
Ma waxaa la doonayaa in dugsiyada loo xiro macallimiin gaar ah? Mise waxaa la doonayaa in macallimiin hanti leh ay yeeshaan awood dheeraad ah oo ku saabsan dugsiyada? Ma ganacsato ayaa mashruuc ganacsi u aragtay? Mise shirkado gaar ah ayaa doonaya inay magacyo cusub ku soo galaan?
Waxaa jirta cabsi ah in magacyo Islaami ah loo adeegsado sidii loo soo jiidan lahaa waalidiinta jecel tarbiyadda Qur’aanka, iyadoo laga yaabo in hantida shacabka, gaar ahaan waalidiinta, loo maro waddo aan caddayn.
Su’aasha kale ee taagan waxay tahay: ma waxaa la doonayaa in waxbarashada Qur’aanka lagu dhex daro nidaam maadi ah oo dugsiyada loo hoos geeyo qaab cusub? Mise waa qorshe dhab ah oo lagu horumarinayo waxbarashada?
Sida Soomaalidu ku maahmaahdo: “War jiraaba cakaaruu iman.” Waqtiga ayaa muujin doona xaqiiqda ka dambaysa arrimahan.
Ilaahay ha ka dhowro diinta iyo waxbarashada in dano siyaasadeed ama dhaqaale lagu takri falo, hana ka ilaaliyo siyaasiyiinta iyo cid kasta oo masuul ah inay diinta u adeegsadaan dano gaar ah.
Fakarkaaga nala wadaag fadlan.