09/06/2026
Qanyare, Bootaan iyo Cabdi-Waal oo ka baxay Jowhar
Xubnihii Isbahaysigii la dagaallanka argagixsada ee ku sugnaa Jowhar ayaa magaalada ka baxay sida ay sheegeen dad goob joog ah.
Babuur fara badan, oo u badan kuwa hubeysan, ayaa ka amba baxay guriga martida ee magaalada Jowhar.
Maxamed Qanyare Afrax, Botan Ciise Caalin oo labaduba ah Wasiirradii la casilay iyo Cabdi Nuurre Siyaad ayay wararka qaar sheegayaan in ay baabuurtaas la socdaan.
Dad jooga magaalada Jowhar ayaa BBC-da u sheegay in malliishiyadii nimankaa la socotay ay sheegeen in ay magaalada isaga tageen, hase yeeshee, lama hubo meesha ay aadeen.
Dadka qaar ayaa maalmahanba is weydiinayay sababta ay malliishiyada Maxkamaduhu u daba joogaan Nimanka ilaa Jowhar baqada ku tegey, iyada uu ubno kale oo isbahaysiga ka tirsani ay Muqdisho ku sugan yihiin.
Xaaladda Jowhar
Magaalada Jowhar ayaa difaaceedu sii wiiqmay maaddaama ay malliishiyadii nimankaa gelbineysay ay ka wada baxeen.
Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed-Dheere)ayaa ka maqan magaalada Jowhar tan iyo markii Muqdisho ay la wareegeen Midowga Maxkamaduhu.
Maxamed-Dheere oo markii h**e u amba baxay Nairobi, ka dibna la sheegay in uu u gudbay Ethiopia, maqnaashahiisa dheeraaday xilligan xasaasiga ah waxaa uu dhaliyay tuhun.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in aaanuu khiyaarkiisa ku maqnayn.
Dadka qaar waxay saadaalinayaan in ay halis ugu jiraan in ay isku dhacaan malliishiyaadka Maxkamadaha iyo kuwa Maxamed-Dheere oo isku hor fadhiya meel aan ka fogeyn magaalada Jowhar.