12/08/2025                                                                            
                                    
                                                                            
                                            Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku yimid Al-Amal College, Garoowe
Xarunta Waxbarashada ee Al Amal - مجمع الأمل الخيري التعليمي    waxa booqasho rasmi ah ku yimid wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya. Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd indha-indhayn ku saabsan adeegyada waxbarasho iyo horumarka uu college-ku ku tallaabsaday mudada uu jiray, gaar ahaan taageerada ardayda iyo horumarinta tayada waxbarashada.
Intii lagu jiray booqashada, maamulka College-ka ayaa soo bandhigay shaqooyinka iyo qorshayaasha mustaqbalka, iyagoo uga mahadceliyey WFP kaalinta ay ku leedahay horumarinta waxbarashada iyo fursadaha dhalinyarada Soomaaliyeed. Labada dhinac ayaa isku afgartay muhiimada iskaashi joogto ah oo lagu dhisayo jiil aqoon iyo xirfad leh, kana qayb qaata horumarinta bulshada.
Ugu dambayntii, sidii caadada ahayd, Wakiilka WFP ee Soomaaliya ayaa geed ku beeray ardaaga college-ka, taas oo noqon doonta xusuus iyo booqasho taariikhi ah oo lagu xardhi doono taariikhda College-ka, isla markaana astaan u ah koboca iyo iskaashiga labada dhinac.
-Dhamaad-
Al-amal College, Garoowe