15/10/2025
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Jubaland, Mudane Caydiid Sulaymaan Xaashi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Mashruuca CFSP ee hay’adda GIZ, Ms. Rabeka iyo wafdi ay hogaaminayso.
Kulankan ayaa qayb ka ahaa xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhexeeya Wasaaradda iyo Hay’adda GIZ.
Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga dhow ee u dhexeeya Wasaaradda iyo GIZ, si loo gaaro natiijooyin muuqda oo waara.
Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar kamid ah Agaasime Waaxeedyadiisa, kuwaas oo iyaguna warbixin kooban ka bixiyay horumarka iyo caqabadaha ku saabsan fulinta hawlaha deegaanka ee socda.
Dhankiisa, Wasiir Caydiid Sulaymaan Xaashi ayaa ku ammaanay hay’adda GIZ kaalinta muuqata ee ay ku leedahay taageerada iyo horumarinta arrimaha deegaanka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibaaraan dadaalladooda, gaar ahaan dhinacyada deegaanka iyo ka hortagga saameynta cimilada.
Dhinaca kale, Ms. Rabeka ayaa faahfaahin ka bixisay kormeer ay ku tagtay qaar ka mid ah xarumaha Wasaaradda, halkaas oo ay ku aragtay in howlaha mashruuca ay si wanaagsan u socdaan, iyadoo balanqaadday in GIZ ay sii wadi doonto taageerada joogtada ah ee ay siiso Wasaaradda si loo xaqiijiyo yoolalka deegaanka ee Jubaland.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad guud oo ku saabsan xoojinta wada-shaqeynta, dardargelinta hirgelinta mashruuca CFSP, iyo kor u qaadista dadaallada iskaashiga ee lagu ilaalinayo deegaanka Jubaland.