GeesGuud Media

GeesGuud Media GeesGuud Media waa bog warbaahineed oo u heellan soo bandhigidda warar sugan, xaqiiqo ku salaysan, iyo dhacdooyinka ugu waaweyn ee gudaha iyo dibadda.

Guddoomiyaha Ku Xigeenka Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ahna Wasiirka Deegaanka XFS Xil...
16/06/2025

Guddoomiyaha Ku Xigeenka Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ahna Wasiirka Deegaanka XFS Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Guddoomiyay Kulanka Guddiga oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Kulanka uu martagliyay Wasiirka Xannaanada Xoolaha XFS Xildhibaan Xasan Xuseen Maxamed(Eelaay) ayaa looga hadlay muhiimadda maalmahan qaran, weyneyntooda, sidii looga xusi lahaa dal iyo dibad, iyo guud ahaan dardargalinta hwolaha qabanqaabada Munaasabadahan ay qeyb ka yihiin hey’adaha Kala duwan ee dowladda.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Dhalinyarada XFS, Wasiirka Beeraha XFS XFS, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada XFS, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga XFS iyo Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta XFS.

Wasiirka Shaqada XFS oo La Kulmay Ergadii Soomaaliya ee Ka Qayb Gashay Shirka ILO, Kana Hadlay Eedeymo Been Abuur ahMuqd...
16/06/2025

Wasiirka Shaqada XFS oo La Kulmay Ergadii Soomaaliya ee Ka Qayb Gashay Shirka ILO, Kana Hadlay Eedeymo Been Abuur ah
Muqdisho, Juun 2025 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta la kulmay 12-ka xubnood ee ergada Soomaaliyeed ee ka qaybgalay shirkii sanadlaha ahaa ee Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO) ee ka dhacay magaalada Geneva.

Tirada ergada loo oggolaaday dal-ku-galka Switzerland waxay ahayd 16 xubnood, balse 4 ka mid ah ma aysan safarin sababo la xiriira howlo shaqo oo degdeg ah.

Kulanka ayaa lagu xaqiijiyay in dhammaan xubnihii safarka galay ay si buuxda dib ugu soo laabteen dalka, kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay warar been abuur ah oo sheegayay in qaar kamid ah ergada aysan soo noqon. Wasiirka ayaa si cad u cambaarreeyay eedeymahaas, isagoo ku tilmaamay dacaayado raqiis ah oo ay faafinayaan dad leh dano gaar ah oo doonaya inay wax u dhimaan magaca dowladda iyo matalaadeeda caalamiga ah.

“Dowladdu waxay masuul ka tahay ilaalinta sumcadda dalka. Wararka noocaas ah ma saameynayaan dadaalladeenna ku aaddan matalaadda Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay qodobbadii muhiimka ahaa ee kasoo baxay shirka ILO, oo ay kamid yihiin:

✅ Badqabka shaqaalaha (Biological Hazards)

✅ Shaqada ka jirta Platform Economy

✅ Bedelka dhaqaalaha aan rasmiga ahayn looguna guuro dhaqaale rasmi ah

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa adkaysay go’aankeeda ah inay difaacdo sumcadda matalayaasha qaranka iyo kor u qaadista xiriirka shaqo ee caalamiga ah.

Is^ra’iil oo diyaaradaha rakaabka ku amartay in aysan muwaadiniinta dalka ka qaadi karinAmarka dawladda ayaa loo arkay m...
16/06/2025

Is^ra’iil oo diyaaradaha rakaabka ku amartay in aysan muwaadiniinta dalka ka qaadi karin
Amarka dawladda ayaa loo arkay mid lagu baajinayo in dalka laga wada cararo.

Madaxweyne Erdogan oo ku dhawaaqay qorshe cusub oo milatariMadaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in d...
16/06/2025

Madaxweyne Erdogan oo ku dhawaaqay qorshe cusub oo milatari
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dalkiisu uu bilaabay qorshe ballaadhan oo ku aaddan wax-soo-saarka gantaallada, si kor loogu qaado tirada hubka noocyadiisa ridada dhexe iyo kuwa masaafada fogba ee Turkigu haysto.
Erdogan wuxuu yidhi: "Waxaan galnay marxalad cusub oo aan ku soo saarno nidaamyo difaac oo tiro ahaan ku filan in ay sare u qaadaan awooda cabsigelinteena."
Wuxuu intaas ku daray " Hadafkeennu waa in aan gaadhno heer difaac oo ay cidina ku dhiiran karin in ay naga hortimaado. Qof aan xoogganayn siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo ciidan ahaan wuxuu luminayaa awood kasta oo isdifaac ah."
Ugu dambayn, Erdogan wuxuu hadalkiisa ku sii adkeeyay:
"Waxaan nahay qaran dhimashada ka doorbidaaya nolol bilaa sharaf ah in uu noolaado. Waxa waxwalba ka wanaagsan in aad ku noolaato dhulkaaga adoo sharfan, intii aad si duli ah ugu noolaan lahayd."

Taliye-Ku-xigeenka BooliskaDalka Kenya, Eliud Lagat, ayaa xilkiisii si ku-meel-gaar ah uga tegay inta uu socdo baaritaan...
16/06/2025

Taliye-Ku-xigeenka BooliskaDalka Kenya, Eliud Lagat, ayaa xilkiisii si ku-meel-gaar ah uga tegay inta uu socdo baaritaanka dhimashada Albert Ojwang.
Shaqo Ka tagista Ku Meel gaar ah ,Lagat waxay timid kadib kulan uu la yeeshay Madaxweyne William Ruto, oo uu ka codsaday in loo oggolaado inuu xilka si Ku meel gaar ah u d**o si loo fududeeyo baaritaanka socda.

Afhayeenka Midowga Yurub, Anouar El Anouni: “ Midowga Yurub ma oggolaan doono inuu Ruushku noqdo dhex dhexaadiyaha Iran ...
16/06/2025

Afhayeenka Midowga Yurub, Anouar El Anouni: “ Midowga Yurub ma oggolaan doono inuu Ruushku noqdo dhex dhexaadiyaha Iran iyo Israa’iil, sababtoo ah Ruushka ma aha dhexe dhexaad… waa taageeraha Iran.”

Ra'iisul wasaaraha Ciraaq, Mohammed Al-Sudani:Israa'iil waxay doonaysaa inay ballaariso baaxadda dagaalka si ay u beddes...
16/06/2025

Ra'iisul wasaaraha Ciraaq, Mohammed Al-Sudani:Israa'iil waxay doonaysaa inay ballaariso baaxadda dagaalka si ay u beddesho khariidad Bariga

Munaasabadda Mahadcelinta Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo soo dhaweynta Magacaabista Guddoomiyaha Gobolk...
16/06/2025

Munaasabadda Mahadcelinta Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo soo dhaweynta Magacaabista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi, Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiye Kuxigeenada G/Banaadir, Culuma’udiin, Dhaqanka Soomaaliyeed, Ganacsato iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

16/06/2025

WELCOM BACK🔥🔥🔥

Send a message to learn more

Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Israel iyo Itoobiya ayaa ka wada hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen dagaalka ururra...
14/03/2025

Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Israel iyo Itoobiya ayaa ka wada hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen dagaalka ururrada AS iyo Xuutiyiinta Yemen.

Gideon Sa'ar iyo dhiggiisa Itoobiya Gedion Timotheos oo ku kulmay magaalada Qudus ayaa sheegay in ay leeyihiin cadow isku mid ah ayna tahay inay si wadajir ah ula dagaallamaan.

Yacquub Macalin Axmed oo Todobo sanno ka hor Khawaarijta uga biiray deegaanka Janaale ayaa galabta isku soo dhiibay Ciid...
14/03/2025

Yacquub Macalin Axmed oo Todobo sanno ka hor Khawaarijta uga biiray deegaanka Janaale ayaa galabta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Yacquub ayaa sheegay inuu ahaa horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa deegaanka Mubaarak oo hoos taga degmada Awdheegle.

Wuxuu sheegay Khawaarijta uu soo wajahay culeys ay u dul-qaadan waayeen oo uga imaanaya duulaanka iyo go’doominta ay kala kulmayaan Ciidamada Qaranka, taasi oo ku kaliftay in maanta uu isku soo dhiibo Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Awdheegle.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay afur wada...
14/03/2025

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay afur wadareed iyo sagootin loo sameeyey cayaartooyda da'yarta qarankeenna ee 17-jirada, kuwaasi oo ka qeyb galaya tartanka Kubadda Cagta da'yarta Afcon 2025 oo lagu qabanayo dalka Morocco.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo kaashanaya Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ayaa caawa afur wadareedkaan u sameeyay Cayaartooyda, macallimiinta iyo taageerayaasha Xulka da'yarta qarankeenna.

Address

KINSASHA Road
Nairobi
00100

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when GeesGuud Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Featured

Share