01/05/2025
DEG DEG: Wiilkan yar oo lagu magacaabo Rango Tenge Tenge wuxuu ka soo jeedaa qoys sabool ah oo ku nool miyiga dalka Uganda, Beer yar oo ay halkaas ku lahaayeen ayey noloshoodu ku tiirsaneyd.
Si kastaba noloshiisa haba ahaatee, Rango wuxuu noqday mid kamid ah dadka ugu caansan dunida kadib markii uu bilaabay inuu muuqaalo ku sameeyo Aalada TikTok dhamaadkii sanadka 2023, isagoo isku duubaya heesta Tenge Tenge.
Inta badan dadka ku xirmay bilowgii h**e, waxay ahaayeen kuwo ku jees-jeeesaya muuqaalka wajigiisa, laakiin taasi waxay u noqotay fursad uu ku helo malaayiin taageerayaal ah, Muddo gaaban gudaheed, wuxuu kasbaday followers aad u badan oo doonaya inay si maalinle ah ula socdaan muuqaaladiisa.
Hadda, isagoo 13 jir ah Rango wuxuu ka mid yahay xiddigaha caanka ah ee ugu saamaynta badan adduunka, waxaana uu booqday waddamo kala duwan oo caalamka ah isagoo si diiran loogu soo dhoweeyo meel walba oo uu tago.
Shirkadaha waaweyn ee caalamiga ah ayaa sidoo kale ku tartama inuu xayeysiis u sameeyo.
Hantidiisa hadda waxaa lagu qiyaasaa inay tahay 10 Malyan oo dollar, iyadoo bishiina uu qaato 40 kun oo dollar mushaar ahaan.
In kasta oo uu caan baxay, Rango maadaama uu ka soo jeedo qoys Muslim ah k**a tagin dhaqankiisii islaamka ahaa ee Qur'aanka kariimka ah ayuu ku dedaalaa oo akhriyaa sidoo kale dhowr jeer ayuu xaramka tegay oo soo cumreystay.
Dulucda Sheekada Wiilkan yar waxay tusaale u tahay in qof walba noloshiisu si fudud isku beddeli karto, waa haddii aanad niyad jabin oo kuwa horumarkaaga ka xun aad dhaliishooda ka dhigato jaranjar aad meel sare ku gaarto.
W/Q: Mustaf Awil.