16/04/2026
GEELAA DHAC GALO EE TAARIIKHDU DHAC MA GALI KARTO
Waxaan halkan kaga hadlayaa laba kooxood oo si khaldan uga faallooda taariikhda Calanka Deegaanka Soomaalida, iyadoo la adeegsanayo aragtiyo ka fog xaqiiqda iyo sooyaalka saxda ah.
Kooxda koowaad waa haraadigii maamulkii jiray xilligii EPRDF, kuwaas oo tuuray calankii la sameeyay sanadkii 1993, xilli ay ONLF hoggaanka deegaanka lahayd. Taasi waa xilli maanta lagu faano Soomaalinimo iyo xusuus taariikheed oo qoto dheer.
Kooxda labaad waa kuwo maanta ku faana taariikh aysan goob joog u ahayn, isla markaana aan aqoon u lahayn sida uu u dhacay samaynta Calanka, cidda samaysay, waqtiga la sameeyay iyo goobta lagu sameeyay—kuwaas oo dhammaantood si cad loo ogyahay.
Calankan oo mar la tuuray mar kalena la soo celiyay, waxaa jira muran ku saabsan cidda lagu sheegayo samayntiisa iyo doorkeeda dhabta ah.
Waxaan halkan ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa, aniga oo ka mid ahaa guddigii loo xil saaray diyaarinta calanka Deegaanka Soomaalida, in aanay sax ahayn sida maanta loo soo bandhigo cid keliya oo lagu tiiriyo samaynta calanka sanadkii 1993.
Guddigii samaynta Calanka
Calankan waxaa sameeyay guddi uu baarlamaanka deegaanku magacaabay. Guddigaas waxa uu ka koobnaa shan xubnood oo ka kala socday shan urur siyaasadeed:
ONLF: Daahir Maxamed Cali (Baasto) – aniga oo qoraalkan sameynaya
DAL: Diiririye Cumar Faahiye (AUN)
DUP: Mustafe Xaaji Caddow
TADAAMUN: Sheekh Cabdul Wahaab Sheekh Cabdullaahi
WSLF: Siyaad Daa’uud Gudaal
Xubnaha iyo matalaadda
Shantaas xubnood ma aysan matalin reero gaar ah, balse waxay matalayeen ururro siyaasadeed Soomaaliyeed. Haddii si kale loo dhigo:
Daahir Baasto (ONLF) – Reer Ow Xasan
Diiririye Cumar Faahiye (DAL) – Ciise
Mustafe Xaaji Caddow (DUP) – Dagoodiye
Sheekh Cabdul Wahaab (TADAAMUN) – Ogaadeen
Siyaad Daa’uud (WSLF) – Ogaadeen
Waxaan si cad u sheegaynaa in aanan matalin dano qabiil, balse aan ka soconnay ururro siyaasadeed oo Soomaaliyeed.
Su’aalaha taariikhda la marin habaabiyay
Waxaa la yaab leh in maanta la arko marin-habaabin iyo khalad taariikheed, iyadoo si ula kac ah loo iska indha tirayo kaalintii guddiga iyo waxqabadkii maamulkii xilligaas.
Waxaa taariikhda calanka dusha looga saarayo hal qof oo keliya, taas oo aan sax ahayn, iyadoo xubnihii kale la qarinayo ama la iska indha tirayo kaalintoodii.
Hadaba waxaa isweydiin mudan: maxaa sababay in Siyaad Daa’uud kaligiis loogu tiiriyo taariikhda calanka, halka xubnihii kale la dayacay?
Aragtiyo laga leeyahay arrintan
Waxaa jira dano siyaasadeed oo lagu hagayo taariikhda si aan cilmiyeysnayn.
Waxaa la doonayaa in la tirtiro ama la yareeyo waxqabadkii maamulkii h**e ee JWXO.
Qaar ka mid ah dadka maanta hoggaanka haya ma ahayn goob joog waayihii h**e, waxayna ku soo koreen maamulkii TPLF.
Sida uu go’aanku u dhacay
Waxaan ku kulanay aqal ku yaalla xaafadda Ciise ee magaalada Diridhaba, annaga oo ka kooban shanta xubnood ee guddiga.
Waxaan isla su’aalnay: yaa guddoomiye noqonaya?
Waxaan isku raacnay in Siyaad Daa’uud noqdo guddoomiyaha, maadaama uu noogu da’ weynaa.
Markaas ayuu na weydiiyay: “Calan baa laynaga sugayaaye maxaad haystaan?”
Aniga oo ahaa wakiilkii ONLF, waxaan soo bandhigay calankii ONLF oo aan ku soo jeediyay in laga dhigo calanka deegaanka.
Siyaad Daa’uud ayaa markaas codsaday in la sharxo, waxaana si faahfaahsan u sharraxay qaybaha uu ka kooban yahay iyo micnahooda.
Kadib, Diiririye Cumar Faahiye (AUN) ayaa taageeray soo jeedintayda.
Siyaad Daa’uud ayaa mar kale hadal qaatay, isagoo yiri:
“Calankan aad ayuu u qurux badan yahay, sharaxaaddiina waa ku filan tahay. Waxaan soo jeedinayaa in lagu daro xarriiq cad oo nabad u taagan, maadaama calanku u taagnaa xaalad dagaal oo markaas jirtay.”
Soo jeedintaas waa la taageeray, dhammaan xubnihii guddigana way ku heshiiyeen.
Ma jirin wax soo jeedin ah oo ka horreeyay kulankaas—wuxuu ahaa kulankeennii ugu horreeyay.
Gunaanad
Sidaas darteed, Calanka Deegaanka waxaa sameeyay guddi uu baarlamaanka magacaabay. Wixii intaas ka baxsan waa marin-habaabin taariikheed iyo been abuur shaqsiyeed oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Qore: Daahir Baasto