26/08/2024
Mashruuc laga dul sameeynayo macaash-dhaqaale laguna dhiibaateeynayo dadkii soomaaliyeed ee dalka India arrimaha caafimaad ugu socdaali jiray ayay Thailand la galeen safiirka sii baxaya ee daalkeenna u fadhin jiray Kenya Jibril Abdulle (Jibril-Jaajuus) iyo wiil ay dhashay madaxweynaha dalka walaashii oo hadda maamula isbitaalka madaxtooyada.
Dadkeenna tabaaleeysan ee caafimaad darrida la ildaran ayaa markii h**e u socdaali jiray dalka India sababo la xariira maciishadda iyo qarashka isbitaallada oo ka jaban dalalka kale.
Sida caadiga ah dalku-galka dalka India waxaa laga qaadaj jiray Nairobi, iyada oo la sii marayo safaaraddeena, balse nasiib darro wixii hadda ka danbeeya kooxdaan macaashka ka dul sameeyneeysa bukaannadu uma fududeeyn doonaan habraaca helitaanka fiisada India, maadaama ay iyagu safaaraddii joogaan, taas bedelkeeda waxay ku qasbi doonnaan bukaannada soomaalida ah in ay dalku-galka Thailand la fududeeyaan.
Ujeedadada qura ee laga leeyahay ayaa ah; in shirkad iyagu sameeysteen ay tahay tan kali ah ee fiisada caafimaad ee Thailand laga dalban karo.
Markii damiirku dhinto, masuuliyada lagu kaadsho, xishoodkana laga tago, danqashada aadmiga ahna la beelo sida kooxdaan qaraabada ah ee qaraabka uu u soo jeestay ayaa nacfi laga raadiyaa Aabe soomaaliyeed oo waayeel ah oo cancer la tacaalaya, hooyo ilmaheedu ay kalli u badalayaan agoon indhoole ah oo qaaraan loo soo aruuriyay ku raadsanaya bal inuu mar uun India kula soo quusto iyo qaar kuwaas la xaaladda ah.
Hadde ogoow kooxaha ilaa heerkaas yaqyaqsiga leh dadka dhibban dhaqaalaha uga raadinaya ee Villa Somalia iyo Nairobi kala jooga, mar ayay noo ahaan jireen halyeeyo xuquuqda aadanaha u dooda iyo hoggaamiyayaasha bulshada rayidka ah ee xuquuqda dadka dhibban dooda maantana dadkii dhibbanaa ayay dheef ka baadigoobayaan.