saqaawe diin

saqaawe diin SAQAWE DIIN content creator

Afartii sano ee udambeysay ilaa hadda waxaa hawada naga haysata AI (Garaadka macamalka ah).Doodaha qaar waxay soo gaaree...
10/03/2026

Afartii sano ee udambeysay ilaa hadda waxaa hawada naga haysata AI (Garaadka macamalka ah).

Doodaha qaar waxay soo gaareen heer ay dhahaan “Shaqo walba AI ayaa khadka ka saari doonta iwm”.

Aragtideyda shakhsiga ah ee ku aaddan doodan si kooban waa:
Kalkuleetarka xisaabta markii ugu horreysay dadka caadiga ah waxay bilaabeen adeegsigiisa horaantii 1960-yadii ilaa 1970-yadii, waqti aan xiligaas ka dheerayn macallimiin iskuul baa banaanbaxyo soo abaabulay iyaga oo ku doodaya in uu mashiinkaani ardeyda ka dhigayo kuwa caajis badan oo aan maskaxdooda ku tiirsanayn (Xigasho: Washingtonpost, faallad hoose ka eeg).

Kalkuleetarkaas in la helay marnaba meesha k**a saarin baahidii loo qabay aqoonyahanno xisaabta ku xeel dheer. Kaliya Kalkuleetarka wuxuu fududeeyay saacaddo badan oo lagu xisaabin lahaa jajabka isku qaybtinta : 0.0263736 / 0.00987 iwm.

Sanadadii xigay ee 1985 waxaa soo baxay Microsoft Excel oo loo adeegsado taxliilinta xisaabaadka maaliyadeed iwm, barnaamijkaas isagana waxaa caqabad weyn u arkay aqoonyahanaddii ku shaqaysan jirnay book-keeping-ka ama dajinta xisaabaadka shirkadaha sida xisaab xirka sanadka iwm.

Sidaas oo ay tahay MS Excel shaqadii dadkaas wuu fududeeyay mooyee cidna shaqo la’aan ma dhigin.

Si kale haddii aan udhigno, Kalkuleetarka & MS Excel labadaba ciddii markaas lajaanqaaday way ka hor tilaabsatay asaagood markaas ku mashquulsanaa eedaynta iyo ka hor imaanshaha horumarkaas ilbaxnimada aadanuhu ku tilaabsatay.

Henry Ford oo ahaa aasaasihii shirkadda gawaadhida soo saarta ee Ford ayaa lahaa oraahdii caanka baxday ee ahayd “Haddii aan macaamiishayda weydiin laha waxa ay rabaan, waxa ay idhihi lahaayeen ‘noo samee fardo aad udheereeya’”

Hadda aan usoo laabta doodii ahayd “Shaqo walba AI ayaa khadka ka saari doonta iwm”, sida aan h**ey 3da tusaale ugusoo qaatay si la mid ah, ma aaminsani in ay “shaqooyinka oo dhan” meesha ka saari doonto AI, balse cid walba oo la jaanqaada adeegsigeedda way ka hor tilaabsan kartaa cid walba oo markaas dhanka eedaynta ku mashquulsan.

AI waa wado cusub oo aan kula hadli karno kumbuutaradda, haddii aad shalay 5 saac ku bixin jirtay inaad presentation ku samayso maanta Google NotebookLM ayaa 10 daqiiqo kuugu diyaarinayo presentation qoraal ahaan iyo naqshad ahaanba qani ah, waliba kuu dheertahay cod iyo muuqaal sharaxaad wata intaba.

Haddii aad ku shaqaysan jirtay Photoshop inaad sawiradda background-ka ka bedeshid 2 saac, hadda Photoshop AI generative baa soo baxay oo 10 ilbiriqsi ku bedelaya, sidaasna aad macaamiishii h**e macaamiil ka badan ugu shaqayn kartid.

Haddii aad code aad qortay (;) ka maqan sadarka 590aad ay kugu qaadan jirtay maalin gelinkeed inaad kusoo hesho hadda Codex iyo Claude ayaa waqti ka yar milli-ilbiriqsiyo ah kuugu saxaya.

Sanado aan fogeyn kadib waxaa suurto gal ah in Aadanuhu ku tilaabsado tilaabo hor leh oo AI-da aan hadda ka doodeyno ka dhigta wax iska caadi ah LOL.

Khulaasadu waa marnaba lagama maarmi doono in banii’aadam ku shaqeeyo kumbuyuutaradaan.

Marka adigu kala dooro ma waxaad rabtaa inaad noqoto kaas cabsida iyo eedaynta la fadhiya oo rabi lahaa Faras dheereeya badalka gaari casri ah, mise kan la jaanqaada oo teknolojiyaddaan hirkeeda ladabaasha.

Alle ayaa og xaqiiqda,
Ramadan Mubaarak Jaalle,

W/Q Mohamed azhari

Faylasuufkii waynaa, aqoonyahankii qarnida, mujaahidkii iyo maxwaynihii Muslimiinta Boosniya ayaa waxa ee qoray kitaabka...
07/02/2026

Faylasuufkii waynaa, aqoonyahankii qarnida, mujaahidkii iyo maxwaynihii Muslimiinta Boosniya ayaa waxa ee qoray kitaabka qiimaha badan ee الإسلام بين الشرق والغرب ayaa waxa uu si qurux badan oo qoto dheer u kala saarayaa labada erey ee inta badan la isku qaldo ee Civilisation (الحضارة) iyo Culture (الثقافة). Kitaabka oo aan dhawr iyo toban sano ka hor akhriyay ayaan mar kale dib ugu noqday mudooyinka danbe ee hawlaha culus iyo hubanti la'aantu aduunka kusoo korodhay. Cali Cizat Bigafisht waxa uu leeyahay:

𝐂𝐢𝐯𝐢𝐥𝐢𝐬𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 ((الحضارة) waa hayaan iyo harumar bani'aadam oo yoolkiisu yahay sidii maadadda loo cabiidin lahaa, nolosha iyo jiritaanka loo maamuli lahaa. Nuxurka civilisation waa in bani'aadamku ka adkaado, muquuniyo, kuna raaxaysto dabiicada isagoo horumarinaya agabka u suuro galinaya ujeedadaas-agabka bani'aadamku adeegsanayaa waa sayniska, tiknoolajiyada, warshadaha, dhaqaalaha iyo kobcinta maaliyada, dawladnimada iyo xeerarkeeda.

Falsafada Xadaarada lagu qiimeeyo ee lagu kala badsado isla markaana la isku tixgeliyaa waa hawl karnimo, danaysi, awood-sheegasho, iyo ka badsi, iyo horumarka maadiga ah ee sida fiican uga muuqda dunida reer galbeedka.

𝑪𝒊𝒗𝒊𝒍𝒊𝒔𝒂𝒕𝒊𝒐𝒏 𝒂𝒎𝒂 الحضارة 𝒔𝒖'𝒂𝒂𝒔𝒉𝒂 𝒋𝒂𝒘𝒉𝒂𝒓𝒊𝒈𝒂 𝒖 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝒂𝒚 𝒌𝒂 𝒔𝒉𝒊𝒅𝒂𝒂𝒍 𝒒𝒂𝒂𝒅𝒂𝒕𝒂𝒂 𝒘𝒂𝒂 𝑺𝒊𝒅𝒆𝒆𝒏 𝒖 𝒏𝒐𝒐𝒍𝒂𝒂𝒏𝒂𝒂? 𝑸𝒂𝒚𝒓𝒌𝒆𝒆𝒏𝒂 𝒖𝒈𝒂 𝒃𝒂𝒅𝒔𝒂𝒏𝒂𝒂?

𝘟𝘢𝘥𝘢𝘢𝘳𝘢𝘥𝘶 𝘸𝘢𝘺 𝘣𝘶𝘭𝘢𝘢𝘴𝘩𝘢𝘢 𝘰𝘰 𝘴𝘪 𝘣𝘢𝘳𝘸𝘢𝘢𝘲𝘢𝘸𝘥𝘢𝘢 𝘪𝘺𝘢𝘥𝘰𝘰 𝘳𝘶𝘶𝘹𝘥𝘪𝘪, 𝘢𝘬𝘩𝘭𝘢𝘢𝘲𝘥𝘪𝘪 𝘪𝘺𝘰 𝘲𝘪𝘺𝘢𝘮𝘬𝘪𝘪 𝘣𝘢𝘯𝘪'𝘢𝘢𝘥𝘢𝘮𝘯𝘪𝘮𝘢𝘥𝘶 𝘣𝘶𝘳𝘣𝘶𝘳𝘵𝘢𝘺 𝘰𝘰 𝘥𝘢𝘤𝘦𝘦𝘥𝘢 𝘲𝘰𝘥𝘬𝘶 𝘭𝘢 𝘴𝘪𝘮𝘢𝘯𝘵𝘢𝘺 𝘵𝘢 𝘹𝘢𝘺𝘢𝘸𝘢𝘢𝘯𝘬𝘢, 𝘮𝘢𝘳 𝘩𝘢𝘥𝘪𝘪 𝘸𝘢𝘹 𝘴𝘰𝘰 𝘴𝘢𝘢𝘳𝘬𝘢 𝘲𝘰𝘧𝘬𝘢 𝘪𝘺𝘰 𝘬𝘰𝘣𝘤𝘪𝘯𝘵𝘢 𝘮𝘢𝘢𝘭𝘬𝘶 𝘸𝘢𝘭𝘪 𝘴𝘰𝘤𝘥𝘢𝘢𝘯.

Dhanka kale, waxa dhinac yaal 𝐂𝐮𝐥𝐭𝐮𝐫𝐞 (الثقافة) waa wax kasta oo la xidhiidha caalamka ruuxda, qiyamka toosan ee ku bannaan fidrada aadmiga ee saliimka ah, damiirka, nolosha danbe iyo u raasamaal samaysashadeeda, raadinta dhamaystirnaanta ruuxiga ah- waa in magaca iyo ruuxda qofku xasilooni ku waarto xataa iyadoo jidhkiisu baaba'ay. Nuxurka Saqaafadu waa raadinta macnaha nolosha waxaana u agab ah diinta, akhlaaqda, fanka, suugaanta, falsafada, qaayasoorada bani'aadamnidama iyo damiirka.

Falsafada Saqaafadu ay ka shidaal qaadataa waa fahanka macnaha dhabta ah ee jiritaanka, qiyamka- Maxaa khayr ah? Maxaa shar ah? Hamigeedu waa su'aasha ah Maxaynu u noolnahay? Xagee ayaan ku soconaa? Maxaa inaga danbeeya? Maxaynu la tegaynaa?

𝐂𝐮𝐥𝐭𝐮𝐫𝐞 -الثقافة- waa wax nolosha qiimaha u yeela, bani'aadamkana ka sooca xayawaanka.

Si kasta oo bani'aadamku u horumaro, ma awoodo inuu Saqaafo toosan yeesho waxyiga la'antiis. Waana halka maanta ay kasoo fufayso qudhunka reer galbaadka laga soo sheegayo.
W/Q dr abdikarim hassan

Kuma ihi adiga, balse waxan aniga ahay – Cabdiraxmaan BashiirMa ihi mid kaa wanaagsan, balse anigu adiga oo kale ma ihi....
26/01/2026

Kuma ihi adiga, balse waxan aniga ahay – Cabdiraxmaan Bashiir
Ma ihi mid kaa wanaagsan, balse anigu adiga oo kale ma ihi.
Ma ihi mid kaa cilmi badan, balse ma ihi mid ku raacsan adiga.
Ma ihi mid gaf la’aan ah, balse sidoo kale ma ihi shaydaan.
Kuma raacsani wax kasta, balse sidoo kale kuma diidani wax walba.
Ma ihi sida aad rabto, balse sidoo kale ma ihi sida aan anigu keliya rabo.

Ma ihi qof aan lahayn midab fikir, si aad u beddesho midabkayga.
Laakiin sidoo kale ma ihi qof maskax la’aan ah oo diida dhammaan midabbada nolosha.
Ma ihi qof aan lahayn aqoonsi si aan nolol ugu noolaado anigoon lahayn jihayn,
laakiin sidoo kale kuma koobna hal aqoonsi oo kaliya.
Ma ihi qof aan lahayn mashruuc si aan u raaco qof kasta oo qaylinaya,
laakiin sidoo kale ma ihi qof ka baqa mashruuc kasta oo cusub.
Ma ihi qof aan lahayn taariikh si aan nolol uga bilaabo eber,
laakiin sidoo kale k**a baqo wax cusub.
Ma ihi qof ku jira madhnaan sugaya cid buuxisa,
laakiin sidoo kale ma ihi koob buuxsamay oo aan meel faaruq ah lahayn.
Ma ihi qof sugaya cid iga badbaadisa halaag,
laakiin sidoo kale ma ihi qof danayste ah oo ku nool qafiskii naftiisa.
Wax badan waan kugu khilaafsanahay, shaki la’aan,
laakiin sidoo kale waxyaabo waaweyn ayaan kugu raacsanahay, shaki la’aan.

Waxaan ku khilaafsanahay anigoo ku salaynaya caqiido aan ka dhisay baaris,
aragti aan ka helay akhris,
mabda’ aan ku qancay baaritaan,
iyo dugsi fikir oo aan ku biiray dood iyo daraasad kadib.
Haddana, waan diyaar u ahay dood,
laakiin ma ihi makhluuq ku nool qafis bir ah.
Waxaan leeyahay maqalka, aragga, iyo qalbiga,
waxaan leeyahay garasho iyo fikir,
waan ku dhegaysan karaa,
laakiin diyaar uma ihi inaan aqbalo qalabka qasabka siyaasadeed.

Faylasuufkii Faransiiska ahaa wuxuu yiri:
“Waan fakarayaa, sidaas darteed waan jiraa” (Je pense donc je suis).
Ereygaas wuxuu ka dhashay cilmi, baaris iyo marxalado nololeed.
Wuxuuna la mid yahay, dhinacyo badan, Imaam Al-Gazaali (Raximahullaah),
sida uu ku sheegay kitaabkiisa Al-Munqidh min ad-Dalaal.
Noloshu waa marxalado,
marxaladahana waxa ugu muhiimsan waa isbeddelka manhajka.
Imaam Shaafici (Raximahullaah) wuxuu beddelay labo-meelood saddex meel madhabkiisa,
markuu hal dal ka guuray mid kale.
Laakiin maanta waxaan aragnaa dad dunida daafaheeda u safra,
haddana aan isbeddelin.
Sidaas darteed waxaan oran karaa:
Waan akhriyaa maalin kasta, sidaas darteed waan isbeddelaa.
Haddii uusan isbeddel jiri lahayn,
noloshu dhadhan ma yeelan lahayn,
way qudhmi lahayd,
taasina waa ka soo horjeedda sunnada Ilaahay ee nolosha.
Waxaan akhriyay kutubtii Caqaad, wuxuuna ahaa nin weyn,
laakiin xilligii uu noolaa awgiis.
Markii aan akhriyay kutubtii Masiiri (Raximahullaah),
waxaan arkay maskax ka duwan Caqaad fikir iyo manhajba.
Labadooduba waxay lahaayeen maskax nidaamsan,
waxayna raadinayeen wixii luntay,
mana ku celcelin jirin wixii qarniyo h**e la yiri.
Mid walbana wuxuu lahaa aqoonsi u gaar ah oo uusan ka tanaasulin,
isagoo haddana ka raadinaya cusboonaysiin asalka iyo tixraaca.
Sidaas bayna ku gaareen hal-abuurnimo.

Ha noqon sida lagu rabo,
laakiin ha ka bixin naftaada ilbaxnimada leh.
Ha ku noolaan nolol aan miisaan lahayn,
laakiin ha u dhiibin miisaankaaga dadka kale.
Qaado wax kasta oo cusub oo faa’iido leh,
laakiin ha diidin wax kasta oo cusub adigoon ka fiirsan.
Ha raacin xoolo-raac, adigu maskax baad leedahay,
laakiin sidoo kale ha ku noolaan waddo keli ah.
Ha ku fakarina maskaxda dadka kale, adigu waad karaameysan tahay,
laakiin sidoo kale ha ka fogaan cilmiga culimada iyo fikirka mufakiriinta.

Noloshu ma aha goob caajis maskaxeed,
mana aha madal majaajillo aan manhaj lahayn,
kuwaasina way baaba’ayaan,
sida ay u baaba’een kuwii ku xukumay Imaam Axmad bin Xanbal gaalnimo,
iyagoo aan laga murugoon,
halka Imaam Axmad uu sii noqday buur taagan.
Noqo nin dhab ah,
hana noqon lab ama dhedig oo kaliya,
waayo raganimadu waa qiimahaaga nolosha,
ee ma aha labnimada ama dheddignimada.

Noloshu ma aha meel lagu mashquulo hadal-hadal,
ee waa goob lagu dhiso taariikh,
lagu soo bandhigo aragtiyo,
laguna dagaallamo fikrado.
Ma jiro meel u furan qof doonaya inuu qof walba hal saf ku daro,
mana jiro meel u furan qof ka baqa is-hor-imaad.
Qofku ma gaaro yoolkiisa carar ama ka baxsad,
kuwa la shaqeeya daalimiinta iyagoon lahayn jihayn way lumaan,
kuwa la dagaallama qof walbana way daalaan.
Shaqo waxay u baahan tahay qorshe,
qorshuna wuxuu u baahan yahay xaalad,
xaaladduna waxay u baahan tahay rag fikir iyo himilo wada sita.
Mustaqbal ma leh qof aan baran isbeddelka iyo dhaqso-u-dhaqaaqa
adduun si degdeg ah isu beddelaya.
Sh. Abdirahman Bashir

22/01/2026

Muxaadara shiikh mustafe xaji ismaaciil

22/01/2026

Qisadii nabi suleiman shiikh abdirashiid cali suufi

15/01/2026

Wacdi iyo waano abwaan sayidka barakeysan

15/01/2026

Wareysi shiikh abdirahman bashiir

15/01/2026

Muxaadara shiikh abdirahman bashir

15/01/2026

Muxaadara cajiib ah shiikh cabdixayi

15/01/2026

Shiikh mustafe xaji ismacil

06/01/2026

Muaxaadara kusabsan dhalinyarada shiikhmustafe

03/01/2026

Muxadara aad cajiib uah | shiikh mustafe xaji ismacil

Address

Nairobi

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when saqaawe diin posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share