Hiil Media

Hiil Media Hiil Media

Iiga dhigan oraahdaadu Jawi aan ku jiifsado'eMaqnaantu ii daraneIla joog intii nolola. 🤔
03/09/2025

Iiga dhigan oraahdaadu
Jawi aan ku jiifsado'e
Maqnaantu ii darane
Ila joog intii nolola. 🤔

Marba hadadan ku kalsoneyn  shaqsiyada rabbi ku siiyay, Udiyar garow in lagu dulleysto..... "
03/09/2025

Marba hadadan ku kalsoneyn
shaqsiyada rabbi ku siiyay,
Udiyar garow in lagu dulleysto..... "

Ka dhaqaaq danaystahaQalbigaaga dhaawacayBoqol baa ku dhawrteeQof ku dhibay ha xiisayn,Waxba ruux dhibaatiyoDhafar iyo k...
03/09/2025

Ka dhaqaaq danaystaha
Qalbigaaga dhaawacay
Boqol baa ku dhawrtee
Qof ku dhibay ha xiisayn,

Waxba ruux dhibaatiyo
Dhafar iyo ku baday ciil
Ha is dhihin ka goosee
Gobonnimo kusii dhaaf,

Dhiso nolol la raadiyo
Qayrkaa ka dheeree
Dhexda xidho itaalkaa
Guushaada dhaantee❤️🔐

Qofka suuratul Baqara akhriya maalin walba, wuxuu helayaa barakooyin badan iyo nafis,caafimaad, daganaan, waxaana uu ka ...
03/09/2025

Qofka suuratul Baqara akhriya maalin walba, wuxuu helayaa barakooyin badan iyo nafis,caafimaad, daganaan, waxaana uu ka faa'iidaystaa dhowr faa'iido oo ruuxi ah. Joogteynta suuratul Baqara kuma badaleyso adiga oo kaliya balse waxay sidoo kale badaleysaa dadka kugu hareereysan

Qofka akhriya Suuratul Baqara maalin kasta:

➡ waxa uu Ka helayaa barakooyin badan: Waxaa kuu barakoobi doona waqtigaaga nolashaada maalkaaga gurigaaga iyo ehelkaaga.

➡ waxa uu Ka helayaa ilaalin shaydaanka isha sixirka: Nebiga (SCW) ayaa yiri, "Qof kasta oo akhriya Suuratul Baqara maalin kasta, shaydaanku ma soo galo gurigaas." (Muslim). Tani waxay ka dhigan tahay in shaydaanka uu ka fogaado guriga qofka akhriya Suuratul Baqara, taasoo ka dhigaysa guriga mid xasilloon oo nafi leh.

➡ waxa uu ka helayaa Kaalmo iyo taageero Ilaah: Suuratul Baqara waxay ka mid tahay suuradaha ka caawiya qofka inuu ku guuleysto cibaado, isku dayga iyo hawlaha nolosha. Akhriskeeda waxay sare u qaadaysaa xiriirka Alle, waxayna ka dhigaysaa qalbiga mid xasilloon oo Alle u dhow.

➡ Sabar iyo dulqaad: Suuratul Baqara waxa ku jira aayado badan oo ku saabsan sabarka iyo dulqaadka, kuwaas oo qofka ka caawinaya inuu si wanaagsan uga gudbo caqabadaha iyo imtixaanaadka nolosha.

➡ waxaa ka helaysaa qofkii ku dhibayey dhibka waa kaa joojin doona qofkii ku dulmin jiray ku dulmin maayo. qofkii kugu mashquuli jiray waa kaa mashquuli. Waxaa Alle kuugu rumeynayaa riyooyinkaaga iyo ducadaada. Waxay noqoneysaa sabab aad aakhiro jannada ku gasho oo waxaa ku jira aayatul kursi oo haddii aad aqriso salaad walba kadib janna laguu balan qaaday.

➡ Waxad ka heleysaa xaraf walbood aqrisay ajar waxaadna noqoneysa qof ka fogaada macaasida iyi dunuubta. waxaad heli doontaa caafimaad jismi iyo qalbi ahba haaad joogtayso suuradaan.

➡Hadaad doonayso inaa inaa suuratul baqara isku dawayso xiliga ugu fiican ee aad iskugu dawayn karto waa habeenkii xiliga danbe intaad kacdo wayso qaadato tukato baad akhrinteeda bilaawi oo suuradu ufiirfiirso khushuucna ku akhri oo joogteyna la imaaw.

🌷ma malaysan kartit kadib joogteynta aad joogtayso faaidooyinka xad dhaafka ah aad ka heli doonto nolashaadi oo dhan ayaa wada noqon doonta mid qurux badan daganan badan nolal rabigaa raali ku yahay adigana raali katahay baad ku noolaan doontaa.😊 waxaadba moodi dontaa in dadka dhan adiga ilaahay kuuso wada direy oo arin walba qof ugu baahato way kuu fudidaani. wax kudhibaya arki maysid dadkaa kuwada jeclaanaya.

🌷kaliya usamir maalmaha h**ey way kugu adkaan doontaa, hajoojinin sii wad salaad walba kadib bage uqorshayso inaad akhriso ugu danbeyn waxaad arki doontaa hal fadhi oo dhawr daqiiqado ah inaa ku dhamayn doonto.

Waxaa jira kitaab la dhaho علمتني سورة البقرة kitaabkaas baa si fiican ugu baran wax walboo suuratul baqara quseeya. Hadaad u baahan tahayna waa ila soo xariiri kartaa waa kuu diyaar meesha joogta laguugu keeni qeybta comentiga iigu reeb hadaa rabto saan kugula soo xariiro.

"Masjidku wuu ina fashiliyay."Waxaan ku tukaday masjid salaaddii ka dib ayaa nin waayeel ah oo iga dambeeyay igu yidhi i...
03/09/2025

"Masjidku wuu ina fashiliyay."

Waxaan ku tukaday masjid salaaddii ka dib ayaa nin waayeel ah oo iga dambeeyay igu yidhi isagoo hoos iila hadlaya:

"fiiri safafka h**e ee masjidka oo eeg wejiyada dadka."

Waan fiiriyay, markaas ayaan ku iri: "Maxaad ula jeeddaa?"

Wuxuu yidhi:

"Ma Ku aragtaa qof ka mid ah dadka taajiriinta ah, dadka mansabka sare ama dadka sumcadda leh?"

Waxaan ku iri: "Tiro aad u yar ayaa Ku jirta."

Wuxuu yiri: "Intooda badan waa shaqaale: ama darawal, ama farsamo yaqaan, ama shaqaale hoose."

Waxaan ku iri: "Waa run."

Wuxuu yiri:
"Sidaas oo kale ayay Ka yihiin Alle agtiisa.

Anigana fiiri meesha aan ku jiro iyo adiga oo ku jira safka afraad ama shanaad. Sidaas oo kale ayay noqon doontaa maalinta Qiyaamaha."

Markaas ayuu yiri:

"Masaajidku wuu ina fashiliyay, wuxuu muujiyay booska aan kaga jirno Alle agtiisa."

Hadalkiisii aad buu iiga yaabiyay, wuxuuna i siiyay cashar culus. Waxaan xusuustay hadalka Eebbe:

" والسَّابِقُونَ السَّابِقُونَ (۱۰) أَوْلَئِكَ الْمُقَرَّبُونَ (۱۱)

> "Kuwa horreeya (ee camalka wanaagsan ku hormara), waa kuwa Alle agtiisa ugu dhow."

Sidoo kale waxaan xusuustay hadalkii Rasuulka SCW.

> "Haddii dadka ay ogaan lahaayeen waxa ku jira (ajarka) codka eedaanka iyo safka koowaad, waxay ku imaan lahaayeen iyagoo gurguuranaya"
Tani waa xusuusin ku saabsan kuwa dib u dhiga salaadda safafka dambe.

Haddaba maxaa laga yidhi kuwa aan salaadda tukan gabi ahaanba, ama keliya Jimcaha tukada?

11/08/2025

Xaqiiqo 👇🏼

Address

Nairobi

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hiil Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share