Xusuus haye

Xusuus haye Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xusuus haye, News & Media Website, Nairobi.

20/02/2026

JACEYLKA NABIGA SCW IYO SAXAABADA KA DHEXEEYEY..

08/11/2025

SIDEE GARAADKA LAGU HORMARIN KARAA

Hayaan waxaan u galayHarsi waxaan u diiday Waa himilo igu jiriyo Yool aan hiigsanaayaHayeeshee ayaantanHadimada aduunyaa...
05/11/2025

Hayaan waxaan u galay
Harsi waxaan u diiday
Waa himilo igu jiriyo
Yool aan hiigsanaaya
Hayeeshee ayaantan
Hadimada aduunyaa
Hormarkeygu diidee
Amar alle waa halkiiye
Haddaan mowd ii iman
Halbowlaha aan u go'e
Halbeeggu waan gaari

Nolol Barako Leh.Waxaynu u halgamaynaa sidii aynu u heli lahayn nolol barako, badhaadhe, nabad iyo naruuro leh. Barakada...
05/11/2025

Nolol Barako Leh.

Waxaynu u halgamaynaa sidii aynu u heli lahayn nolol barako, badhaadhe, nabad iyo naruuro leh. Barakadaa kaliya laguma helo ismashquulin, xooggaaga, xeeladdaada iyo shaqo badnaantaada. Habkaasi waa hab dhaqanka dadka hankooga iyo aragtidoodu ku koobantahay dhaldhalaalka adduunyada. Waxaynu ka bogan doonnaa habka aynu ku heli karno barako.

1. Ilaahay SWT aqoon u yeelo. Baro magacyada Ilaahay iyo macnohooda, qur'aanka kariimka ah iyo tafsiirkiisa. Si aad cibaadadaadu u noqoto mid qaayo leh oo sare loo qaado. Markaad Ilaahay SWT barato wuxuu noqon doonaa wehelkaaga aad dhib oo dhan ka hoos gasho, fure ayuu kuu noqon culaysyada nolosha kuu sahla, Cafiye weeyaan danbi kastood gashay kaa dhaafaya haddii aad si dhab ah u towbad keento... Ilaali Ilaahay swt, llaahaybaa ku ilaalinaya'e.

2. Nebi Muxammed SCW ku dayo.

Suubanneheena waxa innoogu sugan kudayasho.

Salaantiisa iyo hadal hayntiisana waxa ku jirta

BARAKO. Haddii aad halmar ku sallido Nebiga SCW waxa llaahay SWT kugu sallinayaa toban jeer. Malag gaar ahbaa qaadaya salaantaa aad salaantay Nebiga NNKH oo u geynaya isagoo ku dhawaaqaya Hebel, hebel ayaa kusoo salaamay yaa Nebiyallah. Hadalhaynta nebiga culayskata oo ku haystabaa lagaaga kor qaadayaa, daynta ayaa lagaaga gudayaa, muraadkasta oo aad leedahaybuu salligu kuu furfurayaa. Yeelo wardi maalin leh ah oo salliga Nebiga Sallallahu Calayhi Wasallam oo noqon kara 100 Jeer, 500 Jeer, 1000 jeer ilaa 5,000 oo jeer maalintii. Qofba, qofka uu ka salli badan yahay waa uu ka barako badanyahay, siiba habeenka iyo maalinta jimcaha oo fadli gaar ahi kusoo arooray.

3. Kallahaadda h**e.

Kallahaadda barako badan ayaa ku jirta, sacado dheeriya oo badi dadku iska dayacaan ayaa ku jira kallahaadda h**e. Haddii aad qur'aan akhris, digri, buug akhris, tababar qaadasho, jimicsi iyo dedaal wakhti aad sameyso h**e u wayday salaadda subax ilaa wakhtiga shaqada 1,2 ama 3 saac baa ku jira oo qofku waxbadan kaga faa'idaysan karo. Jawiga oo degan, maskaxda oo soo jeeda, jidhkaagii oo nastay iyo diirad saaristaada oo sareysa ayaad kaga faa'idaysanaysaa. Mashaariicda ugu muhiimsan noloshaa ka shaqee kallahaadda h**e.
Wardi Qur'aan ah (akhriska joogtada ah) Ma ogtahay qofka qofka uu ka qur'aan akhris badan yahay inuu ka barako badan yahay? Ka shafar
badan yahay? Sababtu wax kale ma aha: Qur'aanku dereda barakada wuxuu ku mutaysay waa hadalkii
Ilaahay oo inna hagaya. Nebi Muxammed SCW ayaa lagu soo dejiyey oo wuxuu noqday Nebiga
midka ugu fadliga badan. Umaddaha Ilaahay abuuray umadda Nebi Muxammed SCW ayuu kusoo degay oo waxay noqotay midda ugu fadliga badan ummadaha, bisha Ramadan oo uu soo degay waxay noqotay bilaha midda ugu fadliga badan, 10 ka
habeen ee Ramadan u danbeeya ayuu soodagay oo waxay noqdeen habennada ugu fadliga badan sidoo
kale habeenkuu sooday wuxuu noqday habeenka ka khayr badan kun bilood oo u dhiganta 83 sannadood. Allahu Akbar. Maxaad u malaynaysaa qur'aanka derejadaa leh qofka xidhiidh la yeeshaa barako intee leeg ayuu helayaa? Akhris joogto ah yeelo oo maalintii Juz, laba ama 3 juz akhri.Si aad u fahamtana macnihiisa baro. Tafsiirkiisa maalintii 1 saac ama 30 daqiiqo dhigo ama dhagayso adiga oo xataa soconaya ajarkii waad leedahay adigoo waliba qur'aankiina fahmaya. Maantaba bilow oo sheekhan dhagayso
ama culimada kale ee aad xiisaynayso:

5. U samafalka waalidka

Ilaahay SWT wuxuu innagu dhiirigeliyey u samefalka waalid, hadal wanaagsan inaad ku tidhaahdo, hadal xun ka ilaaliso oo aad u ixsaan fasho siday kuugu naxariisteen markaad yarayd. Ilaahay SWT wuxuu intaa ku daray markay dhintaanna inaad u ducyaso: Ilaahayow ugu naxariisto siday iigu naxariisteen markaan yaraa. Qisaska u samefalka waalidka lagasoo weriyo haddii aad dhagaysato ama aad akhrido cibro weynbaa kaaga kordhaysa.

Badi hantiilayaasha ugu waaweyn dunida ee Islaamka inta waalid koodnool yihiin intaanay shaqo teginbay booqdaan waalidiintood maalin kasta si ay wakhti ulasoo qaataan, kaddib ayey u jiheystaan shaqooyinka iyo mashaariicda u yaala ka shaqayntooda. Qofkii bixiya inyar oo wakhtigiisa kamid ah siu u u booqdo, u caawiyo, u xanaaneeyo, u daryeelo, ka farxiyo, baahidooda daboolo labadiisa waalid wuxuu helayaa barako aan xad lahayn. Ha dhayalsan xataa $1 ee aad kaga farxinayso waalidkaa waxay kuu buuxinaysaa boos wayn iyo duco. Haddii waalidkaa aad ka ducaysato, albaab kaa xidhmayaaba ma jiro. Ducada waalidku waxay kuu toosinaysaa noloshaada idamka Alle.
Ha mooganaan haddii ay ku agjoogaan ducada waalidka.

6. Xadhiga Ilaahay

Ilaahay SWT wuxuu tilmaamay inaan la inoo abuurin ciyaar. Jin iyo insiba waxa loo abuuray inay Ilaahay SWT caabudaan. Arrimaha Ilaahay SWT kugu waajibiyey haddii aad raacdo oo aad kasoo baxdo, Isla jeerkaas aad ka tagto waxkasta oo Ilaahay SWT innala nacay oo uu innaga reebay. Noloshaadu way barakoobaysaa. Dadka Ilaahay SWT rumeeyey, camal suubanna layimid. Ilaahay agtiisa waxay helayaan ajar wayn ayuu Ilaahay SWT innoo tilmaamay.

Salaadaha ku dedaal

Salaadaha sunnaha ah ku dedaal

Sadaqada ku dedaal

Soonka ku dedaal

Xajka ku dedaal

Cimrayso haddii aad awoodo (Cumradu way ka jabantahay xajka)

Dadka caawi

Samaha ka shaqee

Xuma ka reeb intii awooddaada ah

Dadka isku soo dhawee, intii is khilaafsan.

7. Alle ka cabsiga iyo talo-saarashada Ruuxii Alle SWT ka cabsada wuxuu helayaa marin uu kaga baxo dhibaato kasta iyo caqabad kasta oo nolosha soo foodsaarta. Alle ka cabsigu waa in Alle SWT noqdo cidda kale ah ee aad iska eegayso ficilkasta iyo talaabo kasta oo aad qaadayso. Ka digtoonow cidda ugu liidata ee aaad iska eegayso marka aad wax wanaajinayso ama xumaynayso inuu Ilaahay SWT noqdo iska ilaali.

Haddii aynu Ilaahay SWT u talo-saaran lahayn talo saarashada xaqqa ah ee uu innagu leeyahay, wuxuu innaga arsaaqi lahaa sida uu u arsaaqo shimbirta subixii kallahda iyadoo caloosheedu madhantahay, habeenkiina soo hoyata iyadoo calloosheedu buuxdo. Ha u malayn in loo shaqeeyo mushahar kuu hayo, kuu kordhin karo, wax kaa dhimi karo ilaa xaga Ilaahaybay SWT kaag aahaatay. Ilaahay talo saaro si aad marin aad ka baxdo llaahay kuu siiyo SWT.

8. Xisaabtan

Nolosha haddii caqabado yar-yari kugu yimaadaan, haddii xanuun kulasoo gudboonaado, noloshu kugu adkaato naftaada xisaab kula noqo. Waayo waxaynu galabsanno ayuunbaa la innaga goynayaa. Malagayaaba danbi aynu faraha kula jirno ayaa dib innooga haya arsaaqdaynu rajaynayno? Caafımaadka, qaneecada iyo ku kalsoonaanta Alle SWT. Naftaada waydii nimcooyinka tiro beelka ah ee lasiiyey, Qiimee intee inleeg baad ka mahadnaqdaa. Ilaahay SWT wuxuu yidhi ii mahadnaqa aan idiin kordhiye. Carabka ku hay mahadnaqa wadar ahaan iyo gaar ahaanba. Ogow hadal haynta dadku waa xanuun, Ilaahay SWT hadal hayntiisuna waa caafimaad.Arrimahaa aynu sare kusoo xusnay waa hababka aynu ku heli karno nolol barako leh. Ku dedaal ka shaqayntooda iyo horumarintooda maalin kasta oo cad-ceedi kuu bilatoba shalay inaad ka fiicnaato idamka Alle.

Somalijobs Inc

2 bilood ka hor sanadka cusub ayaa lasi diyaarsada shidalkaaga.✅Waxyaabaha aad sii diyaarsanayso oo hadaba aad bilaaways...
03/11/2025

2 bilood ka hor sanadka cusub ayaa lasi diyaarsada shidalkaaga.

✅Waxyaabaha aad sii diyaarsanayso oo hadaba aad bilaawayso intaan haku jiraan oo marnaba haka tagin.

1⃣Quraanka: Dhamaanteena quraanka waynu akhrinaa laakiin laga yaaba dad badan inuuba jadwal u lahayn oo marwalba ay biilaawayaan hadana aan dhamaynaynin. Hadaba quraanka qorshahaaga ugu h**eeya hakuu noqdo oo ugu yaraan bishii 1jeer dhameey.

2⃣Akhriska: waa furaha aqoonta iyo horumarka nolosha. Markaad akhrido, waxaad fureysaa albaabyo cusub oo fursado ah, waxaadna kobcineysaa maskaxdaada iyo hal-abuurkaaga. Akhriska ma aha kaliya inaad wax barato, balse waa safar aad ku dhex marto caalamyo kala duwan, adigoo helaya fikrado cusub iyo dhiirigelin.

Ha iloobin in hal bog oo aad maanta akhrido uu noqon karo bilowga isbeddel weyn oo noloshaada ah! Bilaaw akhriska, maxaa yeelay qofka wax akhriyaa mar walba wuu ka sarreeyaa qof aan wax akhrin. Ugu yaraan bishii 1buug akhri ama 2buug.

3⃣Kobcinta iimaankaaga: Hadaba side u kobcin kartaa iimaankaaga. Xuska Alle (Subxaanallaah, Alxamdulillaah, Allaahu Akbar, Laa ilaaha illallaah...), Akhrinta iyo fahamka quraanka, cibaado joogta ah, la saaxibida dadka wanaagsan, Barashada diinta iyo samirka.

4⃣Ganacsiga: Tan macnaheeda ma aha mehrad weyn furo, lacag badan geli, balse waxyar bilaaw si online ah u shaqeey, xirfadaha aad leedahay ku shaqayso, xitaa hadaad tahay qof wax bartay si online ama si ofline ah wax dad ubar. 30daqiiqo waqtigaaga kamida sii waxyaabaha aad xiisanayso si meel fog ugu gaarto uguna shaqaysato.

5⃣Xooji xiriirka naftaada kaala dhaxeeyo: Naftaada baro si dhab ah, Naftaada u naxariiso, Siiso naftaada waqti iyo daryeel.

➡Marnaba Ha u joojin qorshooyinkaaga waxyaabo iska fudud oo ku xanuujiya oo aad la kulantay wax waliba way dhamaanayaan oo waa laga gudbaya ha u jilcin jababka ku soo maraya ee adiga ka atkaaw.

La sii wadaag saxibadaa

Xigasho
Yusra mullaaxo

9 ka damac ee Qur'aanka lay inoogu sheegay inuu qofka bini'aadamka ahi uu yeelan doono dhimashadiisa kadib hadnu camal f...
02/11/2025

9 ka damac ee Qur'aanka lay inoogu sheegay inuu qofka bini'aadamka ahi uu yeelan doono dhimashadiisa kadib hadnu camal fiican jirin 𝐈𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐰𝐭 𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐔𝐮 𝐐𝐮𝐫'𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐊𝐮 𝐘𝐢𝐝𝐡𝐢:-
يَا لَيْتَنِي كُنتُ تُرَابًا [ سورة النبأ آية رقم 40 ]
Alla waxan jeclaan laha inaan ciid ahan la
يَا لَيْتَنِي قَدَّمْتُ لِحَيَاتِي [ سورة الفجر آية 24 ]
Alla hadaan aakhiro wax u qaban lahaa!
يَا لَيْتَنِي لَمْ أُوتَ كِتَابِيَة [ سورة الحاقة آية 25 ]
Alla hadaan camalkayga la i siinin
يَا وَيْلَتَى لَيْتَنِي لَمْ أَتَّخِذْ فُلَانًا خَلِيلًا [ سورة الفرقان 28 ]
Alla hadaanan saaxiib ahaan lahayn!
يَا لَيْتَنَا أَطَعْنَا اللَّهَ وَأَطَعْنَا الرَّسُولَا [ الأحزاب 66 ]
Alla hadan adeeci lahaa Alle iyo rasuulkiisa!
يَا لَيْتَنِي اتَّخَذْتُ مَعَ الرَّسُولِ سَبِيلًا [ الفرقان 27 ]
Alla hadaan raaci lahaa jidkii rasuulka scw!
يَا لَيْتَنِي كُنتُ مَعَهُمْ فَأَفُوزَ فَوْزًا عَظِيمًا [ النساء 73]
Alla hadan la joogi la guul weyn ayan gadhi la
يَا لَيْتَنِي لَمْ أُشْرِكْ بِرَبِّي أَحَدًا [ الكهف 42 ]
Haddaanan Allahay wax la wadaajin lahayn
يَا لَيْتَنَا نُرَدُّ وَلَا نُكَذِّبَ بِآيَاتِ رَبِّنَا وَنَكُونَ مِنَ .. [الأنعام 27]
Balaayo haday jiri lahayd waxaa naloo celin lahaa adduunka ka maanaan gaaloowbeen Alleheen waxaana noqon lahayn mu'miniin!

Kuwani wa riyooyinkii beenobaye aanla rumayn geerida kadib balse hada ayaad waqti haysataa Aayadahanoo maanta ku soo gaadhay waa kuu doqoniimo inaad beri ka maalin ka qoomamoto Waanad aragtaa sida dhibta yare asxaabtaadu aakhira ugu hayaamayso waanad ogtay inaynu ku xigno waxbana laguuma qarin digniina waxa kuugu filan 6 dan aayadod ee Suuratul Al-Mulk 𝐈𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐰𝐭 𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐔𝐮 𝐌𝐚𝐫 𝐊𝐚𝐥𝐞 𝐈𝐧𝐚 𝐋𝐞𝐞𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲:-
تَكَادُ تَمَيَّزُ مِنَ الْغَيْظِ كُلَّمَا أُلْقِيَ فِيهَا فَوْجٌ سَأَلَهُمْ خَزَنَتُهَا أَلَمْ يَأْتِكُمْ نَذِيرٌ [ سورة الملك آية رقم 8 ]
Waxay ku dhawday inay cadho dilaacdo marka koox lagu tuuro naarta waxay dhahaan adeega heeddu miyuusan idiin imaanin wax idiin digaa
قَالُواْ بَلَىٰ قَدۡ جَآءَنَا نَذِيرٞ فَكَذَّبۡنَا وَقُلۡنَا مَا نَزَّلَ ٱللَّهُ مِن شَيۡءٍ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا فِي ضَلَٰلٖ كَبِيرٖ [ سورة الملك آية رقم 9 ]
Waxay dhihi haa waxa noo yimid dige waanse beninay waxana nidhi maso dejinin Alle waxba matihid lakiin qalad weyn ayaadku sugan tahay
وَقَالُوا لَوْ كُنَّا نَسْمَعُ أَوْ نَعْقِلُ مَا كُنَّا فِي أَصْحَابِ السَّعِيرِ [ سورة الملك آية رقم 10 ]
Waxay dhaheen hadan wax maqlayno ama wax kasayno naarta saciiro ehelkeda man noqonen
فَٱعْتَرَفُوا۟ بِذَنۢبِهِمْ فَسُحْقًۭا لِّأَصْحَـٰبِ ٱلسَّعِيرِ [ الملك 11 ]
Waxa ay qirteen xummaantoodii waxaana u sugnaaday ehelu saciiro naarta siciira
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُم بِٱلْغَيْبِ لَهُم مَّغْفِرَةٌۭ وَأَجْرٌۭ كَبِيرٌۭ [ سورة الملك آية رقم 12 ]
Kuwa ka yaaba Allahooda iyaga oo aan arkayn waxa ay mudan dambi dhaaf iyo ajir wayn
وَأَسِرُّوا۟ قَوْلَكُمْ أَوِ ٱجْهَرُوا۟ بِهِۦٓ ۖ إِنَّهُۥ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ [ سورة الملك آية رقم 13 ]
Qariya hadalka ama muujiya illayn Illaahay swt waa uu og yahay waxa laabta ku sugan

02/11/2025

Abwaanka iyo Abwaanadda

01/11/2025

Geesigii Soomaalida ee Imaam Axmed Gurey.

28/10/2025

UMA BAAHNAAN DOONTID BANI AADAM MAR DAMBE
qiso cajiib ah.

27/10/2025
25/10/2025
21/10/2025

maxaa ka dhacay soomaaliya 21 october 1969 kii.....

Address

Nairobi
00100

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xusuus haye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share